SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Habeenkii Dheeraa : “Il ku hurud, il ku soo jeed”

W/D: C/raxmaan Maxmed Aadan (Dirham

E-Mail: Cabdiraxmaandirham@hotmail.com

Dirham114@myway.com

Todobaadkii tagay, ayaa dad badan dhib ka raacay, walow qaar kalana dhibkaa yara gaaray, markii suuqa Bakaaraha maalmo uusan wax ganacsi ah ka jirin, afartiisa dhinacna ay isku gadaameen ciidamada Dowladda Federaalka oo ay garab siinayaan kuwa Itoobiya, balse dhibka waxaad moodaa in loo kala dhawaa oo waxaa jiray dad uu si hoose u sii taabtay, oo xaalkoodu gaaray Soomaali maxaad u noqotay, sow kuuma rooneen in aad jinsiyad kale ahaato, maanta xaalkaagu il ku hurud ku soo jeed ma ahaadeene.

Waxay ahayd galab khamiis ah markii maydka askari Itoobiyaan ah oo dad careysan ay jiidayeen ku keeneen wadada Sodonka gaar ahaan xaafadda NBC, halkaas oo aan ku sugnaa xiligaa, waxaan arkayey askarigaa oo madaxa laga dhabeeyey oo aadan garan Karin madaxiisa, kadib markii uu maro oo kale u laadlaadsaday, wax yar kadibna waxaan arkay dad fara badan oo ka soo firxaday xaafadaha ku dhow dhow deegaanka NBC, gaar ahaan dhanka xiga xerada Shiirkole oo ay ku jiraan ciidamo Itoobyaan ah, firxadkii dadka markii uu nagu yimid ayaa waxaa ku darsoomay kuwii iyana maydka jiidayey iyo intii meesha ku sugneed, waxaana dhinaca kale loo gooyey wadada laamiga ah ee Jidka Sodonka, iyadoo dhanka Bakaaraha la wada beegsaday, dadkii wax ka cararay baan ku jiray balse dib isku sii dhigayey si aan u hubsano waxa jira, waxaan maqlayey qaylo dhaaan oraneysay “Hayeey, ciidamo Itoobiyaan ah ayaa soo dhaqaaqay oo soo socda, war cararaay”, dad ayaa sii laba kacleeyey oo orodkoodii sheelaraha u sii qabtay, balse mudo 30 daqiiqo ah kadib ayaa dib loo soo wada laabtay markii ciidamada Itoobiya dhanka isgoyska Black Sea ee isla wadada Sodonka galeen, halkaas oo uu ka bilowday dagaal ay la galeen kooxo bistoolado wata, dadkii ayaa iyana laamigii mar kale u soo daawasho tagay, waxaana dhacday in dagaalkii halkaasi ka dhacay mar kale ciidamada Itoobiya askar uga dhimato, iyaguna ay dileen dad rayid ah oo ay guryahooda ka qabqabteen. Waqtiga oo markii horeba sii liicayey ayaa isu bedelay mugdi, waxaana la gudagalay habeen, xabaddiina waa ay yara qabowday, balse ciidamada Itoobiya ayaa aag ka galay meel aan sidaasi uga fogeyn halkii qoraxdu ugu dhacday, waxaana dadkii deegaankaasi deganaa ku abuurmay walwal iyo walbahaar u diiday in ay hurdaan habeenkaasi, dhamaan dadkii waxaa la isugu soo baxay jid cadayaasha xaafadaha laga soo bilaabo Isgoyska Baar-Ubax ilaa iyo Isgoyska Al-Baraka, gaar ahaan dhanka xigga Suuqa Bakaaraha, maadaama wadada dhankeeda kale ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen, habeenkaasi waxaan arkayey dad isugu jiray Carruur, Haween iyo dad da’ ah oo soo buux dhaafiyeen wadooyinka xaafadaha, iyadoo dhallinyaraduna isugu tagtay masaajidda, waxaan arkayey qudheyda oo hurdo iga guurtay dadka oo Baco iyo Boorsooyin dhar ku soo ritay kuna barkan bacaadka guryaha hortooda, iyadoo qof waliba isha ku hayo dhanka uu ku tuhmayey in Ciidamada Itoobiya kaga beegan yihiin, dadka qaar ayaa inta hurdo qabato, is ilaawa oo mar dambe naxdin la soo booda sidii in la dul yimidna nolosha ka samraya, dadka qaarkii ayaa is tusinayey in xaalku uu habeenkaa xumaa, waxayna iskula dardaarmayeen in ilna lagu hurdo ilna lagu soo jeedo, waa yaabe siday taasi ku dhici kartaa, dad badan ayaa isweydiinayey, nin ayaa laga hayaa habeenkaa in uu yiri “Ma cirfiid baan ahey sidaan ilna ugu hurdaa midna ugu soo jeedaa”, waxa uuna ninkaasi habeenkaasi ka door biday arintaa in uu gebi ahaanba soo jeed ku dhameysto habeenkaa.

Waxaan habeenkaa ku dhex lugeeyey dad badan oo banaanka daadsanaa, oo hadalheyntooda ugu badani ahayd “habeenku dheeraa, oo waagu muu dilaaco, aan meesha isaga cararnee”, habeenkaasina waxa uuna dadka qaarkii la noqday dhowr habeen oo la kulmiyey, dadka waxaa ka baxayey cabaad, iyagoo mararka qaarna cabanayey habeenka qudhiisa, waxaana dadka in ay ilna ku hurdaan ilna ku soo jeedaan la faray ka mid ahaa carruur yar yar oo iyagu xaalka si guud ula socday balse xaqiiqda jirta aan warba ka hayn, waxayna qaarkood isweydiinayeen “Ma beribaa iid ah, iidan oo kalana weli ma aanan aragee”, waxaana guud ahaan habeenkaa lagu dhameystay in hal il laga hurdo, taas oo u dhigan in aysan hurdaba jirin, oo la isku ekiisiiyey sidii in la hurday oo kale.

Marka laga soo tago habeenkaasi, waxaa caado Muqdisho ka noqotay in il laga hurdo ilna laga soo jeedo, qof walbana waxaa intaas u sii dheer in maalintiina uu yahay mid feejigan oo jirkiisu dubaaxinayo, waxa uu is weydiiyaa “Goorma ayay xabaddu ku qabsan doontaa, qaab caynkee ah ayayse kuugu dhici doontaa, maxaase laguugu marmarsiyoon doonaa, guriga caawa ma gaari doontaa adiga oo bad qaba”, ,marka uu guriga yimaadana, waxaa u dheer hurdo xumo, ay keento xaaladda aan kor ku xusay ee il ku hurud il ku soo jeed, balse nin waxgarad ah oo aan la sheekeystay ayaa qaba in xaalku uuba dhaafay il ku hurud il ku soo jeed, waxa uuna sheegay in xitaa haddii il aad ka soo jeedo mar haddii aad gacanta gasho waxba kuu qaban Karin isha aad ku soo jeeday, wuxuuna intaa raaciyey “Waxaa il lagu soo jeedaa marka aad heleysid meel aad u baxsato, tanise waa baxsad la’aan”.

W/D: C/raxmaan Maxmed Aadan (Dirham
E-Mail: Cabdiraxmaandirham@hotmail.com
Dirham114@myway.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com