SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo
17 November 2007.

Maraykanka: Itoobiyaan u ololaynaya qorshaha HR 2003.

Bannaanbax Itoobiya ka dhan ah oo ka dhacay Denmark.

Baarlamaanka Yurub oo ka hadlay denbiyada dagaal ee Soomaaliya.

15-ka Nov sanadguuradii 2aad ee xasuuqii Q/daharre( Damaca gumaysiga iyo diidmada waddaniga).

======================

Maraykanka: Itoobiyaan u ololaynaya qorshaha HR 2003

Kooxo u badan taageerayaasha xisbiga CUDP ayaa olole ballaadhan ugu jira sidii Senedka Maraykanku u ansixin lahaa qorshaha Itoobiya lagu cunaqabataynayo ee HR 2003, kaasoo hadda horyaalla Golaha Senedka Maraykanka, ka dib markii uu Golaha Wakiillada ee Maraykanku soo ansixiyay.

Qorshahan ayaa ku baaqaya in dowlada Maraykanku joojiso caawimada dhaqaale iyo midda millatari ee u fidiso xukuumadda Itoobiya, isla markaana maxkamada la saaro saraakiisha iyo masuuliyiinta Itoobiya ay ka qayb qaatay xasuuqa Ogaadeenya.

Itoobiyaanka Maraykanka ku nool ayaa wada dadaallo ay ku baadi-goobayaan sidii qotshahaas loo ansixin lahaa, waxayna Golaha Senedka u gudbiyeen cabashooyin kala duwan oo ay kaga cabanayaan xadgudubyada ay dadka rayadka ah u gaysato xukuumadda Meles Zenawi, iyagoo xubnaha Senedka ku dhiirr galinaya inay meelmarinta qorshahaas u codeeyaan.

Dadaallada ay dadkaasi wadaan waxaa ka mid ah iyagoo dhalliilo u gudbinaya xubnaha Senedka ee ka soo horjeeda meelmarinta qorshahan. Xubnaha Senedka ee dhillaalaha noocan ah loo gudbiyay waxaa ka mid ah Senetarka lagu magacaabo James Inhofe oo laga soo doorto Oklahoma City, kaasoo dad badan oo mawqifkiisa ka soo horjeeda ay bannaanbax ku sameeyeen xafiiskiisa talaadadii la soo dhaafay.

Bannaanbaxayaashan ayaa Senetarkan ugu baaqay inuu taageero xorriyada iyo dimuqraadiyada, isla markaana ka fogaado inuu taageero kaligii taliye argagixiso joogto ah ku haya shacabkiisa.

Bannaanbax Itoobiya ka dhan ah oo ka dhacay Denmark.


Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark waxaa khamiistii ak dhacay bannaanbax wayn oo looga soo horjeedo xasuuqa ay ciidammada gumaysatada Itoobiya ka wadaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wariyaha RX ee magaalada Copenhagen, oo goobjoog ka ahaa bannaanbaxan ayaa sheegay in dad aad u fara badan oo ka yimid gobollada kala duwan ee dalka Denmark ay ka qayb qaateen bannaanbaxaas.

Bannaanbaxan waxaa lagu qabtay ka soo horjeedka xarunta safaarada Maraykanku ku leeyahay magaalada Copenhagen, iyadoo ay bannaanbaxayaashu safaarada u gudbiyeen cabasho qoraal ah oo ay kaga cabanayaan sida ay dowlada Maraykanku ugu taageerayso gumaysatada Itoobiya xasuuqa iyo gumaadka ay ka wado dalka Soomaaliya.

Bannaanbaxayaashan ayaa ku dhawaaqayay hal-ku-dhagyo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin denbiyada bani’aadamnimada ka baxsan ee ciidammada Itoobiya ka galayaan dadwaynaha rayadka ah ee soomaaliyeed iyo sida ay dolwada Maraykanku ugu taageerayso.

Baarlamaanka Yurub oo ka hadlay denbiyada dagaal ee Soomaaliya.

Baarlamaanka Yurub ayaa khamiistii ku dhawaaqay nin baadhis madaxbannaan lagu sameeyo denbiyada dagaal iyo xadgudubka xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Baarlamaanka Yurub wuxuu khamiistii soo saaray go’aan uu si wayn ugu canbaareeyay xadgudubyada khatarta ah ee xuquuqda aadanaha ee ay galayaan dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisho. Go’aankani wuxuu ku baaqayaa in la qabto guddi madaxbannaan oo soo baadha denbiyada dagaal iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ka dhacay.

Go’aabnku wuxuu sidoo kale ku baaqay in xabbad joojin degdeg ah la sameeyo, iyo in gaar ahaan si dhakhsa ah loo joojiyo weerarrada loo gaysto dadka rayadka ah. Wuxuu kaloo go’aankani ku baaqayaa in la xoojiyo xayiraada hubka ee saran dalka Soomaaliya.

Beryihii denbe oo dhan waxaa sii kululaanayay dagaallada dhex maraya ciidammada gumaysatada Itoobiya iyo kooxaha soomaaliyeed ee la dagaallamaya, iyadoo ciidammada Itoobiya ay sidii lagu yaqaanay si ba’an u xasuuqeen dadwaynaha rayadka, ka dib markii dhirbaaxooyin ad-adag loo gaystay. Ilaa iyo hadda si dhab ah looma garanayo dadka rayadka ah ee ciidammada Itoobiya ku laayeen magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa la filayaa inay boqollaal gaadhayaan.

Waxaa sidoo kale magaalada ka qaxay dad aad u badan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 170,000 qof, kuwaasoo intooda badani ay ku tabaalaysan yihiin degmooyinka ku teedsan magaalada Muqdisho.

15-ka Nov.: Damaca gumaysiga iyo diidmada waddaniga

Markaan dareenkayga xuuraamay een xilliyada daba-galay, xusuus qorka maskaxdaydana xirrib feejigan ku eegay, waxaan xiskayga ka helay xaqiiqda ay xanbaarsan tahay 15 Nov. Xusuustayda kama aanay bixin, xiskaygana kama aanay lumin xanuunka ay maalintani leedahay iyo taariikhda ay xanbaarsan tahay.

15-ka Nov waxay astaan u tahay damaca gumaysiga iyo diidmada waddaniga, waxayna maalmaha kale dheer tahay dhacdooyinka ay xanbaarsan tahay, oo marna danqasho iyo daanno kuu horseedi, marna dareen iyo ciil-dirir kuu tusmayn. Maalintani waxay ku beegan tahay sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtay xasuuqii ay ciidammada Itoobiya ka gaysteen magaalada Qabridaharre.

Waxay ahayd maalin talaado ah, taariikhduna waxay ku beegnayd 15 Nov 2005, markii ay ciidammada Itoobiya si waxshinimo ah suuqa magaalada Qabridaharre ugu xasuuqeen dhalinyaro ka badan 30 qof oo ciidammada Itoobiya ugu xidhxidhnaa xabsiga Qabridaharre.

Maalintani waxay ehel la tahay oo summada taariikhda la wadaagtaa maalmoo kale oo ciidammada Itoobiya ay xasuuqa ka gaysteen meelo kale oo ka mid ah dalka Ogaadeenya.

Maalintani waxay sannadkan ku soo beegantay iyadoo ciidammada Itoobiya ay ku mashquulsan yihiin gumaad saf-mar ah oo ay ka wadaan dalka Ogaadeenya. Waxay ku soo hagaagtay iyadoo ciidammada dad-cunka ah ee Itoobiya ay wali gacmaha kula jiraan dhiiggii maatida iyo duqayda Ogaadeenya ee aan awoodda u lahayn inay cadowgooda iska caabiyaan.

Ciidammada Itoobiya markii ay ku guul-darraysteen inay u babac-dhigaan dagaalka ay hormuudka ka yihiin CWXO ayay dib ugu noqdeen dadka maxasta ah ee aan u diyaarsanayn inay cadow iska caabiyaan. Waxaa magaalo walba oo Ogaadeenya ka mid ah ka dhacay gumaad iyo gabood-fallo kale oo Ciidammada Itoobiya u gaysanayaan dadwaynaha nugulka ah ee Ogaadeenya.

In kastoo uu gumaysigu quud-darraynayay in dadwaynaha Ogaadeenya ay is-dhiibi doonaan marka si naxariis darro ah loo xasuuqo oo cadaadis nacabnimo ah la saaro, haddana waxaa muuqata inuu sidoo kale ku guul-darraystay rajadii uu qabay.

Sida uu dagaalkii ugu guul-darraystay ayuu cadaadiska dadwaynahana ugu guul-darraystay. Ilaa iyo hadda waxaa cad in dadwaynaha Ogaadeenya ay u dhabar adaygeen dhibaatooyinka gumaysiga kaga imanaya, isla markaana uu halgankii Ogaadeenya sii karaar qaatay.

Sida ka muuqata taariikh-halganeedka shacbiga Ogaadeenya, mar kastoo uu gumaysigu kordhiyo cadaadiska iyo dulmiga uu ku hayo dadwaynaha uu gumaysto ee Ogaadeenya, waxaa sii koradha dhiirranaanta ay dadwaynaha Ogaadeenya ku dhiirradaan halgankooda.

Tan iyo markii dalka Ogaadeenya ay ku habsatay masiibada gumaysigu waxaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ka dhacay dhacdooyin xasuuq oo gumaysigu gaystay.

Waxaan marna la illoobi doonin xasuuqii Dhagaxbuur, oo loo yaqaano Kanoonigii, kaasoo Lixdameeyadii ay ciidammada Itoobiya magaalada Dhagaxbuur ku laayeen in ka badan 70 qof oo rayad ah.

Waxaan marna dareenka waddaniga daacadda ah ee Ogaadeenya ka lumi doonin xasuuqii Wardheer, oo ciidammada Itoobiya si bahalnimo ah magaalada Wardheer ay ugu xasuuqeen dad rayad ah oo tiradoodu kor u dhaaftay 80 qof horraantii sannadkii 1994.

Waxay dadkayagu waligood xusuusnaan doonaan xasuuqii ay ciidammada Itoobiya ka gaysteen Tuulada Hunjurri iyo nawaaxigeeda ee gobolka Jarar badhtamihii bishii June 2007, oo ugu yaraan 21 qof oo rayad ah ay ciidammada Itoobiya ku dileen.

Waxayna dadkaygu marna illoobi doonin xasuuqii bahalnimada ahaa ee ciidammada Itoobiya ka fuliyeen Tuulada Babaase ee gobolka Doollo 24 July 2007, oo ugu yaraan 10 qof oo rayad ah ay halkaas ku daldaleen.

Waxay dadkaygu maanka ku hayn doonaan xasuuqyadii Shilaabo, Dhagax-madow iyo meelo kale oo Ogaadeenya ka mid ah. Waxaan marna ka gadsoomi doonin maanka waddaniga daacada ah ee Ogaadeenya gabood-fal kasta oo ciidammada Itoobiya ku sameeyaan dadwaynaha Ogaadeenya.

Dhibaato kasta oo shacbiga Ogaadeenya ka soo gaadha gumaysiga iyo cawaantiisu waxay dhidibbada u sii aasi doontaa go’aankiisii ahaa inuu ka dhidhiyo waxyeellada gumaysiga, waxayna saad u noqon doontaa dareenka waddaniga keena-diidka ah ee Ogaadeenya.

Waddaniga diiday inuu gunnimada aqbalo. Waddaniga diiday inuu xumaha yeelo. Waddaniga diiday inuu sharaftiisa quudho. Waddaniga diiday inuu gudobtiisa illaawo. Waddaniga diiday inuu sinta u dhigto summada quudhsiga.

17 November 2007

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com