SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AYAXA

Ayaxa galaafanaya Dhirta Somalia dhankee ka soo duulay ?!!

 

(Sana’a,Riyad):-Koox takhasus gaar ah u leh xagga la socodka dhaqdhaqaaqa Ayaxa iyo la-dagaallankiisa oo ka kala socda dalalka Yemen iyo Sacuudiga ayaa Hawlgallo ka bilaabaya Xeebalaha dalka Yemen ee dhanka Badda Cas(Red Sea).

 

     Wakaaladda Wararka ee Dawladda Yemen(Saba’) ayaa waxaa ay sheegaysaa:- In labada dalka ee Yemen iyo Sacuudiga ay hadda u guntadeen inay  ka hawlgalaan goobo Xuduudaha-Badeed ee Yemen ku yaalla , oo lagu wado in ay haatan si xoog leh ugu sugan yihiin Ayax fara badan oo ah nooca lama-degaanka.

 

     Sarkaal Sare oo Dawladda Yemen u hadlayay, ayaa tibaaxay in Hawlgallo noocan oo kale ah, dhowaan laga fulayay  gudaha dalka Sacuudiga ee dhanka Yemen; Hawlgalkaas oo natiijo wacan laga gaaray. Haatanna uu hawlgalku ka soconayo gudaha Yemen, gaar ahaan goobaha loo yaqaan: Xarad,Maydi iyo Gacanka Cadmeed oo isagu ku aaddan Xeebaha  dalka Soomaaliya.

 

     Sida la og-yahay bilihii la soo dhaafay Ayax fara badan oo guuraya, ayaa cagta mariyay deegaannada  Woqooyiga(Galbeed iyo Bari), Gobollada Dhexe iyo Hiiraan ee dalka Soomaaliya.

 

     Ayaxanu wuxuu hadda gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, wuxuuna ku sii wajahan yahay Degmada Luuq iyo Nawaaxigeeda.

 

     Sida ay sheegayaan Saraakiisha Gobollada uu soo maray Ayaxu, wuxuu galaaftay Beero, Geedo iyo Dhir kala nooc-nooc ah oo ku tiil deegannadaas, wuxuuna goobaha qaarkood  uu  kaga tagay ‘Koronkorro’.

 

     Dadweynaha Soomaaliyeed ee deegaannadaas ayaa Cabasho ka muujiyay jiritaan la’aanta Hay’adahihii Dawladeed ee la-dagaallami lahaa Ayaxaas, sida  Laamihii Wasaaradda Beeraha iyo kuwii Dhirta iyo daaqa  iyo weliba la’aanta Gacan dibadeed oo dhankaas gacan ka gaysanaysa.

 

     Waxaa suuragal ah in Hawlgallada lagula dagaallamayo Ayaxa dhanka Sacuuudiga iyo Yemen  uu sabab u noqon karayo inuu hoos u dhaca Ayaxa u soo tallaabayay dhanka Soomaaliya. Waxaa kale oo  dhici karta in uu markii horaba Ayaxu dhankaas uga soo duulayay dalka Soomaaliya…

 

Muxyaddiin M.Kaalmoy,Sanca/Yemen (kalmoi@hotmail.com)…

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2007

gaaniXildhibaan Gaani oo UNICEF ku eedeeyey ay Musuqmaasuqeyso $7 million oo doolar....
waxana uu yiri: "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey" Waraysi

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com