SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 November 2007.

Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay.

Diyaaradaha Itoobiya oo duqeeyay Baarta iyo Ananu.

Dadwayne gumaysigu meelo kala duwan ku xidhxidhay.

Idaacada SBS ee wadanka Australia oo waraysatay G/kuxigeenka 2aad ee Jwxo.
SBS: Arbaca | XORIYO:Arbaca/Sabti

======================

Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladan, oo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxay u dheceen sidatan;

17 – 19/11/07 waxaa ciidammada gumaysiga weerarro mir iyo maalinimo isugu jira loogu gaystay Sallaxaad iyo Laga-hidda, waxaana lagaga dilay inta la ogyahay19 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 17/11/07 waxaa ciidammada guamysiga baabuur Uuraal ah lagaga gubay Fool-jeex, oo Qorraxey ka tirsan, waxaana gumaysiga kaga dhintay in ka badan 50 askari oo baabuurkaas saarnaa.

16/11/07 Gabagabo, oo gobolka Qorraxey ka tirsan, waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammada gumaysiga ee halkaas fadhiya, waxaana loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

15/11/07 Geed-dheer, oo degmada Awaare ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal deegaankaas u joogay, waxaana laga dilay 3 askari, 2 kalana waa laga dhaawacay.

Isla 15/11/07 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammo guamysigu leeyahay oo fadhiyay Baarta, oo Awaare ka tirsan, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

11/11/07 dagaal adag oo ka dhacay Gudhis, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 51 askari, waxaana lagaga dhaawacay 24 kale. Ciidammada jabkan loo gaystay waxaa ku jirtay koox Dabaqoodhi ah oo la hawlgalayay.

10/11/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan magaalada Iimey, waxayna weerarkaas kaga dileen inta la ogyahay 4 askari, 2 kalana way kaga dhaawaceen.

Diyaaradaha Itoobiya oo duqeeyay Baarta iyo Ananu.

Diyaaradaha dagaalka ee ciidammada gumayisga Itoobiya ayaa duqeeyay Baarta iyo Ananu, oo labaduba ka tirsan degmada Awaare ee gobolka Jarar maalmihii Khamiista iyo Sabtida ee taariikhdu ahayd 15 iyo 17/11/07.

Diyaaradaha Itoobiya waxay deegaanadan duqeeyeen, ka dib markii weerarro kala duwan ay CWXO u gaysteen ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgallo u tegay deegaanadaas, isla markaana ay u gaysteen khasaarooyin ba’an.

Duqayntan waxaa ku dhintay dad badan oo rayad ah oo ka mid ah dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee deegaanadaas ku noolaa. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale.

Diyaaradaha gumaysiga Itoobiya waxay Baarta duqeeyeen markii taariikhdu ahayd 15/11/07. Dadka halkaas ku dhintayna waxaa ka mid ah C/llaahi Maxamed oo Jeefad lagu naanaysi jiray. Ninkani wuxuu ahaa nin curyaan ah. Dadka kale ee halkaas ku dhintay magacyadooda nooma suuragalin inaan helno.

Ananu ayay iyadana diyaaradaha gumaysigu duqeeyeen markii ay taariikhdu ku beegnayd 17/11/07. Dadka halkaas ku dhintay ee aan magacyadooda helayna waxaa ka mid ah Axmed Jaamac Dhuun-gale iyo Khadar Maxamed. Dadka kale ee halkaas ku dhintay magacyadooda wali ma hayno.

Maadaama ay diyaaraduhu rusheeyeen dad xoolo dhaqato ah oo Balliyo deegaanadaas ku yaallay xoolo ka waraabsanayay ama ka dhaansanayay, waxaa adag in durba la helo tirada dhabta ah ee dadwaynaha duqayntaas ku dhuintay ama ku dhaawacmay.

Sida ay wararku nagu soo gaadhayaan waxaa duqayntaas iyaguna ku baaba’ay xoolo badan oo dadwaynuhu lahaa.

Waxaana muuqata in Itoobiya rushayntan ula jeedo oo kaliya inay dadwaynaha rayadka ah ku khalkhal galiso, ka dib markii ay dadku ugu dabci waayeen waxyyeellooyinka iyo xasuuqa ay u gaysanayso.

Dadwayne gumaysigu meelo kala duwan ku xidhxidhay.

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oo aan waxbva galabsanin.

18/11/07 Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Ardo C/llaahi Ismaaciil
2- Faadumo Duullane Xasan
3- Gorda Mahad Muxumed
4- Bashiir Maxamed Yuusuf iyo
5- Daweeya Cali

15/11/07 ciidammada gumaysigu xabsiga u taxaabeen maamul ku-sheeggii degmada Shaygoosh oo dhan, kuwaasoo uu hormuud u yahay ninka lagu magacaabo Fara-biid Cabdi Mahad.

13/11/07 Dhagax-madow waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Shariif Baddal Shariif C/llaahi
2- Sh Caliyi Budul
3- Xasan Maxamuud Yuusuf
4- C?raxmaan Sh Axmed
5- Sh Cabdi-Xabiin Sh Axmed
6- Xaadir Xaaji Cumar
7- Xafso Cali Qoodhe
8- Ibraahim Cali Aaden
9- C/llaahi Dayl
10- Saado Cali Qoodhe iyo
11- C/llaahi Faarax Sooyaan
11/11/07 Muluqa, oo Garigo’an u dhaw, waxay ciidammada gumaysigu ka soo qaqabteen 7 qof oo rayad ah oo ay ku xidhxidheen magaalada Shaygoosh. Dadkaas waxaan magacyadooda helnay;
1- Maxamed Aaden oo 70 jir ah
2- C/wali oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin oo isaguna 60 jir ah
3- Macalin Haybe C/qaadir oo 70 jir ah iyo
4- Ina Muxumed Maxamuud oo magaciisa hore aanaan haynin.
Ciidammada gumaysigu waxay Muluqa isla maalinkaas ku qasheen 35 Neef oo Adhi ah oo dadwaynuhu lahaa.

10/11/07 waxay ciidammada guamysigu magaalada Haar-cad ku xidhxidheen dadwayne aad u farabadan oo rayad ah. Waxaa noo suuragashay inaan magaceeda helno gabadh lagu magacaabo Sureer Xuseen.

Isla 10/11/07 waxay ciidammada gumaysigu Gabagabo ka soo qaqabteen dad rayad ah oo ay ku xidhxidheen magaalada Garbo. Dadkaas waxaan magacyadooda helnay;
1- Cabdi Xasan Aaden
2- C/llaahi Ibraahim Axmed
3- Axmed C/raxmaan
4- Maxamed Axmed Barkhadle
5- Cabdi Xasan Gurey iyo
6- Ina Muxumed Cabdi Sulub oo magaciisa hore aanaan haynin.

08/11/07 Dhagaxmadow waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen nin lagu magacaabo Qaasim Aw Aaden, oo Beeralay ahaa, waxayna kala wareegeen Beertiisii iyo Matoor u saarnaa.

Dhinaca kale 15/11/07 Cobolley, oo gobolka Qorraxey ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku qasheen 43 Neef oo Adhi ah oo dadwaynuhu lahaa. Dadka Adhigaas laga qashay waxaa ka mid ah;
1- Sh Muxumed iyo
2- Dhaga-qool Muxumed

20 November 2007

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com