SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YEMEN

Arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo laga shiray..!!

(Sanca):- Shir looga hadlayay Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ayaa lagu qabtay Xarunta Caafimaadka Qaxootiga ee magaalada Sanca.

Waxaa Shirkan qabashadiisa codsaday Sarkaal ka socday Xafiiska "Danish Refugee Council" ee magaalada Nairobi-Kenya, laguna magacaabo:-Chris S.F.Petch iyo Sarkaal isagana lagu magacaabo "Stefano Tamagnini" oo ah masuulka Hay'adda Dawliga ah ee Xagga Socdaalka(IOM) u fadhiya Sanca-Yemen.

Labadan Sarkaal ayaa ka-qayb-galayaasha shirka soo hor-dhigay weydiimo la xiriira:-Sababta ay dadka Soomaaliyeed uga soo qaxayaan dalkooda; waxa ku qaadaya in ay badda iyo khatarteeda isku soo biimeeyaan; inta meelaha kale u sii gudubta; waddooyinka ay maraan; tirada hadda joogta gudaha Yemen; sida ay tahay xaaladdooda guud iwm.
Waxaa halkaas warbixin la xiriirta Su'aalahooda ka bixiyay:-
(a) Maxamed Xaaji-Cabdalla Miftaax, oo isagu ah Madaxa Guddiga Odayaasha ee Qaxootiga Soomaaliyeed.
.(b) Dr.Cabdirashiid Maxamuud Cali,oo ah Takhtarka Xarunta Caafimaadka Qaxootiga iyo
(c) Xabiiba Xaaji-Cismaan oo iyadu qaabilsan Arrimaha Bulshada..

Masuuliyiintan Soomaaliyeed ayaa dhammaan ka warramay xaaladda guud ee Qaxootiga ku sugan Yemen.

Sida la Og-yahay waxaa dalka Yemen ku sugan, joogtana ugu soo qulqula kumaan-kun qaxooti Soomaaliyeed oo ka soo firdhanaya dagaallada iyo degganaansho-darrida ka jirta Soomaaliya. Qaxootigaas kuwa badan oo ka mid ah ayaa ku halligma Badda u dhaxaysa labada dal,kuwa waxay u soo tahriibaan dalal kale oo uu Sacuudigu ka mid yahay, kumaan-kun kalase waxay ku sugan yihiin dalka Yemen kuwaas oo badankood aanan heysan nolol fiican.
Docda kale,Masuuliyiinta Dawladda Yemen ayaa joogta uga cawda culays dhanka dhaqaalaha, Ammaanka iyo Arrimaha Bulshada ah oo ay ku hayaan qaxootiga ku soo qulqulaya ee jooga gobollo badan oo Yemen ah.

M.M.Kaalmoy,Sanca/Yemen...(kalmoi@hotmail.com)

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2007

C/Laahi Yuusuf oo Xukuumadiisa ku Guubaabiyey sidii ay uga hor tegi lahaayeen Xawaaladaha iyo WFP...

yuusufMadaxweynaha DFKMG oo khudbad Xasaasi ah  oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ka jeediyey Baydhabo gaar ahaan waxay khubadaasi ku saabsan tahay Xawilaadaha, Dugsyada Quraanka, Dh/dhexe, Jaamacadaha iyo hay'adda Qaramada Midoobey WFP.. Khubada oo ah Akhris iyo cod....

colTaariikhda Musharraxa Ra'iisul Wasaare DFKMG: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com