SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Somali Concern group oo u tafaxaytey inay Isbaheysiga fashiliyaan

Waxaa rabaa inaa ummadda Soomaaliyeed ogeysiino in ururka la yiraahdo Somali Concern groep oo ay xaruuntiisu tahey London , ay u tafaxeyteen sidii ay ummadda Soomaaliyeed madaxa iskugu galin lahaayeen,madaama ay doonayaan inay wax un noqdaan, ayna og yihiin in dadka Soomaaliyeed aysan dhaxdooda wax ka noqon Karin sababtoo ah iyagoo sumcad weyn laheyn, ayay waxaay bilaabeen dhacdooyin yaab leh oo ay la soo baxeen, kadib markii in mudda ah ay is kharinayeen oo ay heleen xilal ay soo boobeen.

Ururkaan Concern ayaa ku qaraabto inuu yahay urur Soomaaliyeed oo qurba joogta u ah hormood na u ah dibbad joogta Soomaaliyeed , isuna tusa dadka gudaha Soomaaliya jooga inay yihiin urur wax badan qaban kara, ururkaan raga horbooda oo ka kooban ilaa 6 nin ayaa waxaa caado u ah inay isku khariyaan hadba meeshii ay joogaan ama isku ekeysiiyaan hadba qolada ay la joogaan,iyagoo isaga dhiga dad daacad ah.
Raga ururkaan hormoodka u ah ayaa ka mideysan in aan cid aan iyaga aheyn oo Soomaali ah usan ceeshin ha ahaado nin cilmi leh ama nin aan cilmi laheyn ,waxayna ku shaqeeyaan dano shaqsiyeed iyo caatifad qabiil oo aan ku sifeyn karno isir neceyb ,taas oo aan u heyno cadeymo badan.

Ururkaan raga horbooda ayaa afduubay hogaankii Isbaheysiga dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliya ee la doonayey in dadka iyo dalkaba lagu badbaadiyo.iyagoo niyab jab ku riday dadkii taageerada weyn inay siiyaan rabay, urur Soomaali u dhan tahay oo gumeysi iyo qabiil wax ku qaybsi diid ah kadib markii ay arkeen sida xishood darida ah ee loo maamuley kamid ahaanshaha ururka iyo madaxda la rabey in dadka Soomaaliyeed la hor geeyo si qadiyada Soomaalinimo wax wayn ka qabtaan markii ay ka waayeen liisaska,waayo dadka Soomaaliyeed waxay rabeen inay ka arkaan dad ay u istaagi karaan balse ma dhicin arinkaas taas oo dad badani ku abuurtey niyad jab iyo shaki weyn,noqoteyna in si hoose loo soo dhaweeyo goaanada ka soo baxey shirkii Casmara.
Hadaba sidey u afduubeen isbaheysiga ,waxay sameyteen koox la jaar ah oo ka kooban dad aan cidi matalin miisaan siyaasadeed iyo caqli toona wax ku doonin ee un doonaya inay un wax noqdaan,waayo shirkii Mbagathi ayay wax ka soo waayeen kuwa iyaga la mid ahna waxay horboodan dowlad ku sheega hada jirta.

Shirkii Liecester ayay gabi ahaan afduubeen ,inkastoo laga hor yimid markii lagu gartey ,wixii ay wateena la laaday madaama dadka meesha isugu yimid oo ka mideysnaa aragtida gumeysi diidka,taas oo aheyd in la garto khiyanada ay wadeen ragakan.

Waxay abaabusheen magac la yiraahdo Diaspora oo ay kaga qayb galayaan shirkii Casmara iyagoo Sheikh Sharif Sheikh Ahmed isaga dhigey inay yihiin rag aduunka kala haya,ujeedada kaliya ay leeyihiina ay tahey inay garab ka helaan mid ka mid ah kooxaha awooda ku leh shirka Casmara.

Markii la tagey shirkii Casmara waxay horey ugu sii abaabuleen dad ay qaraabo hoose yihiin oo aaminsan mabdaii USC 1991, oo aan cidna wax u ogaleyn dowlada xuna uga soo horjeeda shaqsi ama beel neceyb, kuwaas si xishood daro ah oo cadaalada ka fog ugu shubtey Golayaasha labada ah ee Isbaheysiga ka kooban yahay.
Waxay iska hor keneen Baarlamaankii xorta ahaa ee bud dhiga u ahaa aasaasida isbaheysiga, iyo Maxkamadaha ,iyagoo ujeedada kaliya ay ka lahaayeen ay aheyd inay kala fogeyeen labadan garab ee awooda ciidan iyo mida siyaasadeed ku leh shirka.

Way ku guuleysteen iyagoo taageero ka helaya dad aan bisleyn oo u tagey Casmara un inay kuraas helaan ,aminsan in dagaalka Soomaaliya ka socda inuu yahay Dagaal beleed oo beshooda beel kale loo gacmo qabanaayo , balse iska indho tiraayo xaqiiqda ka jirta Soomaaliya oo ah in kuwa xamer dhibatada ka wada iyo kuwa qurbo joogta isku sheega inay ka mideysan yihiin in beelaha qaar la fogeeyo si danta beeshooda mar walbo meesha uga bixin,waayo waxa Mdheere aaminsan yahay ayay aaminsan yihiin ,isbaheysigana Sheikh Shariif dartiis ayay ula socdaan oo kama aha Soomaalinimo xaqiiqda aan heyno.

Waxay soo heleen xilal aan qiimo iyo awood ay ku fuliyaan aysan laheyn iyagoo wata ,dadkii Soomaaliyeed ee taageersanaa halganka way ka hor yimaadeen inay aqbalaan shir qoolka ay malegeen niman aan aragti iyo caqli saliim ahba ku eegi karin dhibaatada Soomaaliya ka jirta ,taas oo London markii ay yimaaden qol isku xirey kadib markii ay fahmeen in la fahmey waxay dantooda aheyd oo aheyd in mar un xil soo qaataan ,oo un saxaafada magacooda laga dhax arko..

Hada waxay gaareen in ay culimadi Soomaaliyeed ku tilmaamaan inay argagaxisada Caalamiga ka mid yihiin sida Shabaabka,iyagoo iska gadaayo Janday Fraizer oo aaminsan inay Soomaaliya joogaan xubno aragaxisada caalamiga la leh wada shaqeyn.

Waxaa yaab ah ragaan yaa u fasaxay inay ka hadlaan waxaan shaqadoooda aheyn ,iyagoo sheeganaya inay isbaheysi ka tirsan yihiin,waxaa dad badani is waydinayaan ragani ma afhayeenada Isbaheysiga mise waa dad waxay rabaan ka sheegaya gidaarada North London.

Waxaa taas ka sii daran inay hada loolan ugu jiraan inay taageeran Musharaxa cusub ee NUR CADE oo doonaya inuu raisal wasaare ka noqdo Dowlada dabadhilifka ah,waxaan is waydiiyey war nimankaan Madaxwaynaha Soomaaliya mudane Abdulahi Yusuf bay qaab qabiil uga soo horjeedaan maahee mabda ma laha, waayo sidee isku qaadan karaa Nurcade waan taagereynaa waana amaaneynaa Abdulaahi Yusuf na waa ku mudaharadeynaa xataa haduu galo god ,taasi meesha ay iska qabaneyno ayaan rabnaa in cadeymo loo helo,waxay noqoneysaa baqtiga ma cuno balse fuudkiisa waa cabaa.
Alshabaab waa Alqaacida.
Baarlamaanka xorta waa jawaasiis.

Waxaan amaaneynaa kuwa rabo inay Madaxwayne Abdulahi Yusuf hoos fariistaan ,isagana har iyo habeen waxbaa ka sheegeynaa tolow ma caqli baa ?

Sidee isku qabataa shir Irir ayaan Buur Madow la galeynaa isbaheysigana waan ka tirsan nahay ?shirkaas waxaa u ka dhacey Lordship lane North LONDON ,waaxana is gaashan buureysi loo sameysanayey dadka Soomaaliyeed ee Puntland daga,waxaase yaab ila noqotey dad aaminsan inaysan Soomaaliya ka mid aheyn sida iskaashi loola yeelan karo? Marka Isbaheysiga ma qabyaa arinkaa in Puntland cadaw loo arko Soomaali diidka Tigree hoosta kaga jira in Sokeeye laga dhigto? Waxaa ceeb ah in Qabiil iyo qaranimo la isku khaldo iyadoo ujeedo kale la wato.

Hadaba Aqristayaloow qoraalo cadeymo ah ayaa soo bandhigi doonaa ,hadii loo baahdo.
Dadka Soomaaliyeed ee dagan LONDON waxay Somali Concern ugu yeraan Somali Cancer Groep.
Kala geynta ay kala geynayaan culimada Soomaaliyeed waxaad ka daalacan kartaa link hoose
Aqri cadeymaha qaad oo u qorey website Goobjoog oo u ah af ururka isku sheega Diaspora ee Cancer Groep
http://www.sirdoon.com/index.php?itemid=529

Hadaba waxaan is waydiinta ay tahay maxay yihiin iyagu hadii ay dadka kale xun yihiin ee Isbaheysiga kula jira?
Waxaa xaqiiqa ah in kooxdatan oo aan awood ahaan jirin taageero balaaran aan ka heysan jaaliyadaSoomaaliyeed ee London ku nool ayaa ku qaraabto dhalinyaro aan waxbo kala soconin sirtooda ,iyagoo had iyo goor aan dadka u cadeyn waxay aaminsan yihiin balse khiiq isku khariya
Balse waxay aaminsan yihiin inay isa soo saraan oo ay wax noqdaan , madaama shirkii Mbagathi ay ku soo hungoobeen inay kuraas helaan, waxaa xusid mudan inay afhayeeno horey ugu hayeen dagaal oogayashii ugu xumaa ee Xamar Xabashida soo galiyey magaalada Muqdisho.

Waxaa wax lagu qoslo inay isku aragti yihiin M/dheere oo ah dagaal ooge caqligiisa uu aad u hooseeyaa ,sababta aan saas u dhahaayane waxaa weeye Nur Cade waxaa wato oo Baydhabo geeyay Dagaal oogahaaas ,soow isku aragti ma ahan sida ay u hadlayaan markaa eegto.

Waxay xubin ka yihiin ururka Al ISLAAX oo si weyn ugu soo horjeeda awooda Alitixaad ama Alshabaab oo arimo hoose isku hayaan,arimahaas oo ah awooda Diinta Soomaaliya cida maamuleysa ,sidaa daraadeed ayay u rabaan inay sii kala fogeeyaan isbaheysiga dhaxdiisa dadka la rabey in ay ku midoobaan,

Ugu dambeyntii waxaan oran karnaa waa rag lagu soo darsadey isbaheysiga oo fulinaayo awaamiirta iyo qandaraasyo oo ay ka soo qaateen shisheeye iyo sokeeyaba.

Waxaa xusid mudan sidee ku dhacday in Concern un qurba joogta laga qaato oo ah rag hal qol ku xiran aawey dadkii halgankaa taageersanaa ee lahaa cid walbo ee joogay caalamka oo idil.

Waxaa ceeb ah in Sheikh Sharif u xiriir weyn dhaxmaro Concern ama Diaspora isku boob ,iyagoo ka dhaadhiciyey inuu yahay shaqsiga kaliya ee wax ka noqon kara Soomaaliya waqtigaan si ay u noqdaan,iyagana ay u noqdaan gacan yarayaal doonaya inat boobayaan xilalka si ay hanti iyo magic aan jirin u sameystaan ,rajadaas oo ah mid ku saleysan riyo dhalanteed ah.

Hadaba Shiekh Shariif Sheikh Ahmed waxaa laga sugaaba inuu 3 mid doorto oo u noqdo nin meel ka tirsan ama raaca dadka Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah.

1 inaa noqoto sidii lagugu yaqiin ee aan ku baranay oo aheyd masuulkii maxkamadaha ,taas oo u magaca manta u heysta uu ka helay .

2 inaa noqotid nin la jaal ah calooshood u shaqeystayaashaan raba inay dantooda ku garaan,adigana aad ku sumcad beesho.

3 inaad raacdo dadka Soomaaliyeed kuwaasna aad ka harto

Hadii uu diido talaabooyinkaas waxaa muhiim ah in laga tashto ,baarlamaanka xorta ahna u ka baxo isbaheysiga waayo kuwani ma ahan kuwo aad la shaqeyn kartaan.

Maxkamadahana ay sii khaadacaan Isbaheysigaan loo dhisey in nin iyo koox dibbad jog ah isku soo saran.
Waan idin soo gudbin doonaa wixii warar ku saabsan iyo sida ay u arkaan dadka Soomaaliyeed kooxdatan .
Suaasha aan waydiineyno waxaa weeye yaa wakiil uga dhigey inay sheegtaan Diasporada inay wakiil ka yihiin ?
Yaa awood u siiyey inay waxay rabaan falaan dadka Soomaaliyeedna kala fogeyaan ?

Maxay tahay waxa isku soo dhaweeyay iyaga iyo Sheikh Shariif ee ay ukala geynayaan dadka kale ee Soomaaliyeed ?

Waxaanse u shegayaa in Sheikh Sharif u wax ku yahey awooda dadkii ka dhigey magaca maanta u wato ,hadii u ku fekero sida kuwan Diaspora u sheganayaan u raaco inuu ka shaleyn doono ummada Soomaaliyeedna ay ka tashan doonto .

Waxay kale aaminsan yihiin wax ay ka maqleen Janday fraizer oo ah in labo loo kala qaybiyo maxkamadaha si awoodooda loo kala dhantaalo ,qunyar socod & Xag jir taas oo macnaheedu yahay kala qaybin ujeedo fog laga leeyahay,waana tan ay hada ku shaqeeyan iyagoo cidna kala tashan .

Qaabka ay dadka u khaldaan iyagoo iska dhigaayo niman dad badan heysta , waxay sameeyaan banaanbaxyo looga soo horjeedo Ethopia ,dadka dagen London way tagaan mudaharadka madaama Ethopia ay ka soo horjeedaan iyagoo aan eegaynin cida soo qabanqaabisay ,balse waxay mudaharadyada dhigaan maalinimo Sabti ah casarka kadib oo ay ku dhigaan xafiisyo cidlo ah oo aan wax shaqo ka soconin ,waayo ujeedo ayay ka leeyihiin arinkaas ,sawiro ayay dadka ka qaataan BBC dana way wacdaan si looga sii daayo.taas oo ku tuseysa in BBC-DA link la leeyihiin oo mar walbo ay ka hadlaan iyagoo aan heysan ogolaansho isbaheysiga ah.

Yaa u eh afhayeen isbaheysiga horta mise kuwaan un baa u hadli karo?

Waxaa ka garan kartaa sida dadka Soomaaliyeed ee la rabey inay dagaalka Xamer qayb weyn ka qaataan inay candhuuftooda dib u laqeen kadib markii ay arkeen sida wax loo xuley iyadoo la eegin dhul ,dadnimo ama aqoon.
Waxa kaliya u sameeyen waxay aheyd in ay niyad jabiyaan dadka Soomaaliyeed ee dagaalka ka wada Xamer inay iyagana is dhibaan madaama ay u arki doonaan inay kaligood dagaalka ku jiraan Soomaalidii kalane ay ka waayeen dhinacyadooda.

Balse waxaan xusuusinayaa markii Maxkamadaha laga soo baacsadey Xamer dadkii ku badbaadiyey Jubbada Hoose inay joogaan ,kuwaas oo diiday inay dalkooda iyo diintooda gataan ragaana gacan galiyaan,iyadoo Americanka xataa uu dagaalkas ka qayb qaatey ,marka waxaa mudan in la fahmo ujeedada kooxdatani ay tahey in dadka ay wada niyad jabiyaan ,si iyaga wax uga shaxadaan kala geyntaas

Ugu dambeyntii dadka Soomaaliyeed waxaan uga digeynaa kooxdatan 6 qofood ka kooban oo u tafaxeytey isku dirka iyo iska hor keenka dadka Soomaaliyeed.

Mahadsanidiin
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2007

Soomaalida oo Loogu Baaqay in ay Qaadacaan Diyaarada Ethiopian Airlines, iibsana Qaadka Itoobiya
MPLS
Kulan Hadaladii ka Soo Baxay Loo Riyaaqay oo ka Dhacay Minneapolis, oo ay Soo Qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com