SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YEMEN

Maxaa loogu le'anayaa Badda u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya ?!!

Tahriibayaal u badan Soomaali oo ay tiradoodu la ekayd 64-ruux ayaa dhowaan  geeriyooday ka-gadaal markii ay qallibantay Doonnidii ay la socdeen oo iyadu ahayd kuwa  sida dhuumaalaysiga ah ku daad-gureeya Tahriibayaasha, loona yaqaan Laashash. 

     Ciidanka Badda iyo Kalluumaysato u dhashay Yemen ayaa sheegaya in ay  49-ruux Meydkooda ka soo saareen Doonnida qallibantay hoosteeda, halka ay 22-kale dabaal ku soo gaareen Xeebaha Gobolka Shabwa ee Yemen, meeshaas oo ah deegaanka ugu badan oo ay ku soo caariyaan Meydadka ay Baddu soo tufto,oo badankood u dhashay Soomaaliya. 

     Dadka Meydkooda la soo saaray ayaa waxaa ku jiray 7-haween ah iyo 3-Caruur ahaa. 

     Masuul ka tirsan Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Cadan ayaa Saxaafadda u sheegay in maalmahan ay 3-doonyood maalintii la arkaba timaaddo Xeebaha Yemen,kuwaas oo tahriibayaashii ay wadeen badankood ku hafta Badda u dhaxaysa labada dal.Waana dhibaato si xiriir ah u dhacda sanooyinka intaas la eg, dadkuna aysan ka waantoobayn 

    Doonyuhu inay qallibmaan oo kaliya ma aha tan keenta dhimashada, ee sida lala socdo dadka badankiis Badda ayaa si ula-kac ah  loogu tuuraa iyaga oo nool, sababta oo badanaaba ah Kuwa Doonyaha wata oo ka baqaya in la qabto haddii ay ku soo dhowaadaan Xeebaha Yemen, wallow ay dadka qaarkiis tibaaxayaan in ay jiraan sababo kale oo dadka loogu tuuro Badweynta. 

     Sida ay sheegayaan Warbixinnadu tan iyo bilowgii Dagallada Sokeeye iyo wixii ka dambeeyay 1991-kii, waxaa sannadkiiba Badda u dhaxaysa labada dal ku halligma tiro 5000-Tahriibayaal u badan Soomaali, kuwaas oo uu hilibkooda iyo dhiiggoodu ka dhergo Libaax-badeedka aadka ugu badan halkaas. 

     Saraakiil ka kala socotay Xafiisyada:-“Danish Refugee  Council” ee Nairobi iyo Xafiiska “IOM” ee Yemen oo dhowaan Sanca kula  kulmay Odayaal ka tirsan Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ayaa weydiiyay Su’aalo ay ka mid ahaayeen: Maxay Soomaalidu ugu baaba’aysaa Badda u dhaxaysa Yemen iyo Soomaaliya ?!!. 

     Arrintan waa ay soo socotay tan iyo 1992-kii, waana ay sii kordhaysaa, oo hadda waxaa Yemen ku sugan kumaan-kun Qaxooti Soomaaliyeed ah, wallow ayan badankood heysan nolol wanaagsan, dantuna ay  ku kalliftay in ay Baabuurta tirtiraan, Adeegtanimo ku shaqeeyaan ama tuugsadaan. 

     Inkastoo ay dadka badankiis ka soo firdhanayaan dagaallada sokeeye iyo darxumooyinka la xiriira ee sanooyinkaanba ka jira dalka Soomaaliya, haddana waxay dadka qaxayaa qaarkood ujeeddadoodu tahay dhaqaale iyo shaqo doon. Waana kuwa u sii tahriiba Xagga Sacuudiga ama dalalka kale…Waxaase xaqiiqo ah in dagaallada ka jira Soomaaliya oo daba-dheeraaday, cawaaqib-xumana dhaliyay uu yahay kan ugu weyn oo keenaya in ay dadka isku soo biimeeyaan khatarta Badda, kuna fekeraan in ay meel un u baxaan. 

     Shaki wuxuusan ku jiran in ayan Tahriibidda iyo isku soo biimaynta baddu ayan joogsanayn, ilaa ay joogsadaan Dagaallada sokeeye, degganaansho darrida iyo dacdarrada ka jirta Soomaaliya, wallow aya hadda  Xukuumadda Yemen iyada oo kaashanaysa Dawlado kale ay u tafaxaydatay ka hortagga kuwa wax tahriibiya iyo Burcad-badeedda Soomaliyeed. tallaabadaas oo la filayo in ay wax weyn ka tarto mashaqadan. 

     Hase yeeshee Masuuliyiinta iyo Wax-garadka Soomaaliyeed ayay tahay in ay iyagu ka fekeraan, ka welwelaan una guntadaan xal u helidda dhibaatada Soomaaliya iyo joojinta dhiigga Soomaaliyeed ee qubanaya. 

     Dadka Badda isku soo tuuraya naftooda, waxaa la gudboon in inta ayan soo dhaqaaqin ay  is barbar-dhigaan waxa ka soo horreeya ,waxa ay la kulmi karaan iyo waxa ay ka soo firdhanayaan; iyaga oo dhega-furan u yeelanaya waxa loo sheegayo iyo waanada loo soo jeedinayo. 

M.M.Kaalmoy,Sanca/Yemen - kalmoi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2007

Soomaalida oo Loogu Baaqay in ay Qaadacaan Diyaarada Ethiopian Airlines, iibsana Qaadka Itoobiya
MPLS
Kulan Hadaladii ka Soo Baxay Loo Riyaaqay oo ka Dhacay Minneapolis, oo ay Soo Qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com