SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARQAD FURAN

WARQAD FURAN OO KU SOCOTO SHUCUUBTA IYO WADAMADA AFRIKA
 
London 26/11/2007
Waxaan warqadaan furan u direynaa shucuubta Afrika  oo aan doonaayo inaa kala hadlo xaalada Soomaaliya ,oo aan is leeyahay  way mudan tahey in la xusuusiyo  dadyoowga Afrika, madaama ay iska hilmaameen wadan ka mid ah wadamadii sida weyn ugu lugta lahaa halgankii xoreynta iyo gobanimo doonka  ee qaarada Afrika .
Soomaaliya waxay aheyd xaruuntii gobanimo doonka ee Qaarada Afrika sanadihii  1960 ilaa 1991,Soomaaliya waxey xoreysay wadamo baden oo Afrikaan ah sida Angola,Mozambiig, Jabuuti, Namibiya  Zuid Afrika iyo Eritrea iyo kuwa kale oo fara baden.
 
Dowladii Soomaaliyeed & Shacabkii Soomaaliyeed kuligood waxay ka mideysnaayeen in Afrika laga xoreeyo gumeysiga, dadka iyo dalalka Afrika ee gacanta gumeysiga ku jirana la xoreeyo, Afrikana aayaheeda ka tashato iyadoo xor u ah madax banaanidooda.
 
Waxaa dalkii iyo dadkii  Soomaaliyeed  la soo gudboonaadey  dagaalo sokeeye laga bilaabo 1991 ilaa hadana socda,dagaaladaas  oo ay ka dambeeyaan faragalin shisheeye balse loo adeegsadey mid sokeeye.
 
Hadaba sida u qirey madaxwaynaha dalka Zuid Afrika  madaxweyne Mbeki warqad u kaga hadlaayey  arimaha Soomaaliya ee murugada leh  ,isagoo baaq u jeedinaya wadamada Afrika si arinta Soomaaliya wax looga qabto ayuu ku daabacay jaraaid ka soo baxa wadanka Zuid Afrika sanadkii hore,waxaana u cinwaan uga dhigey sidatan:

‘’ Soomaaliya oo aheyd xaruuntii gobanimodoonka Afrika waxay u baahan tahay in Afrika wax ka qabato dhibaatada Soomaaliya ka jirta’’

Hadaba waxaa  ceeb ah in Afrika iska hilmaamto abaalkii ay u galeen shacabka Soomaaliyeed ee mar walbo garabka ka taagnaa  aaminsanaana  in Afrika  wada xoroowdo ,xiligii ay Afrika  ku jirtey gobanimo doonka oo ay xornimadooda raadinayeen.

Waxaa kale oo  shacabka Afrika iyo dowladahooduba  ceeb ku ah inay ka aamusnaadan xasuuuqa iyo barakicinta ay ciidamada Ethopia ee gardarada ku  qabsadey Soomaaliya ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxbo galabsan ee loogu yimid dalkooda gardaro cad.

Ethopia waa dal iyo dad taariikh xun ku leh Afrika, hadii dib loo eego taariikhda  waayo Ethopia waxay gaashaan buur la aheyd gumeysitihii Afrika qabsadey ee ku soo duuley ,mudada dheerna heystey Afrika kaas oo dadyowga Afrika mudo gumeysanaayey.

Ethopia waxay ka qayb gashey shirkii Berlin lagu qabtey sanadku markuu ahaa 1884tii ee Afrika lagu qaybsanaayey,waxayna qayb u soo heshay dhulka ay hada  dhibaatada ku heyso ee loo yaqaan Ogaden ama Soomaali galbeed.

Wadamadii Afrika gumeysanayey  ee galbeedka ahaa ma ‘aysan gumeysan Ethopia ,madaama ay la shaqeyneysay gumeystaha oo ay iyada usoo hor kacdey in Afrika la gumeysto,waxaana taa badalkeeda ama la shaqeyntii ay kala shaqeysay shirkii Berlin 1884 loogu abaal mariyey in Ethopia laga dhiso xaruunta midowga Afrika ee Addis Ababa, si gumeystaha ugu sahlanaanto in Afrika waligeed midoobin waxna qabsan kana tashan aayaheeda waa Afrikee.

Waxaa nasiib xumo ah in Afrika garan khiyanadaas lagu shirqooley Ethopiana loogu abaal gudey.

Waxaa iyana taas ka sii daran in Afrika iska hilmaamto khiyaanadii Ethopia ay ku sameysay Afrika xiligii gumeysiga 1884 Berlin conference.

Waxaa nasiib xumo in wadamada Afrika ay ka aamusnadaan in dal ka mid ah midowga Afrika u qabsado dal kale oo Afrikaan ah oo waliba ah dalkii ay ku taal xaruuntii midowga Afrika,Ethopia-na ay ku tumato axdigii u yaal wadamada Afrika ee kheexayey xuquuqda iyo madax banaanida dalalka Afrika ee aan lagu xadgudbi karin.

Hadaba waxaa taas ka sii daran in wadamada Afrika iyo shucuubta Afrika ay indhaha ka qarsadaan dhibaatada ay ku hayaan ciidamada Ethopia  dadka Soomaaliyeed ee dalkooda loogu yimid,iyadoo loogu soo marmarsiyoodey qandaraas laga soo qaatey Madaxwaynaha Mareykanka G.W.BUSH oo loogu magac darey la dagaallanka argagaxisada  geeska Afrika,iyadoo dowlada Ethopia loo isticmaaley in lagu fuliyo danaha  uu Mareykanka ka leeyahay Soomaaliya.

Waxaa nasiib xumo ah in Afrika garan wayso ujeedada ay Ethopia u fulineyso Proxy war Mareykanka ee Soomaaliya    

  • Inay tahey Ethopia  inay ka aargudato  Soomaaliya ,dharbaxaadii dagaalkii Soomaaliya iyo Ethopia ee dhaxmarey 1977
       · In Ethopia qabsato Soomaaliya.
Waxaa wax lagu xumaado ah in shucuubta Afrika iyo wadamada Afrika ay ka aamusnadaan dhibaatada lixaadka weyn ee soo foodsaartey shacabkii Soomaaliyeed ee aan waxbo galabsan,iyadoo ciidamada Ethopia  duqeyn iyo xasuuq iyo barakicin joogta ah ku haya guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
 

Waxaa wax lala yaabo ah in wadanka Uganda isna uu ku garab siiyo xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed,waa ciidamada iyo dowlada Uganda ay gabaad ama  si dadban ula jiraan Ethopia,waayo joogitaanka ciidamada UGANDA waxay sharciyeynayaan heysashada Ethopia ee Soomaaliya.

Waxaa kale iyana mudan in lagu xuso warqadatan in Dowlada Kenya  ay xuduudaha ka xiratey dadkii Soomaaliyeed ee ka soo barakacay duqeynta arxanka daran ee ciidamada Ethopia ka wadan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Kenya waxay u gacan gelisey muwaadinin Soomaali iyo Kenyan ah oo aan wax dambi ah ka gelin Dowlada Ethopia iyo ciidamadeeda ,taas iyana ah cadaalad daro  iyo cadawtinimo fog oo ay u qabaan Soomaaliya wadamada dariska ah ee heysta dhul iyo dad Soomaaliyeed oo horey gumeysiga ugu gacan galiyey.

Dowlada Yemen ayaa iyana mudan in lagu sheego warqadatan kaalinta ay ka ga jirto xasuuqa dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dagaalada Ethopia ka wado gudaha Soomaaliya,Dowlada Yemen  waxay si toos ah oo aan xishood laheyn ula safan tahey Ethopia oo ay leeyihin is gashaanbuureysi Milatery.

 waxayna sir iyo qalab ciidan siisaa Ethopia,madaama Yemen ay naga heysato jasiirada la yiraahdo Suqadra ,ma rabto inay aragto dowlad Soomaaliyeed oo awood leh oo la xisaabtami karta.

Waxaa murugo ah in shucuubta AFRIKA & madaxdoodaba iska indho tiraan dhibaatada ka aloosan Soomaaliya iyo faragalinta qaawan ee Mareykanka u adeegsanaayo Ethopia .

Waxaan Afrika ugu baaqeynaa inay ka hadlaan oo soo faragaliyaan  arimaha Soomaaliya si degdeg ah,madaama Soomaaliya ay u baahan tahey taageerada walaalaha Afrika iyo dalalkooda si loo soo afjaro xasuuqa ,barakicinta ,kufsiga ay ka wadaan ciidamada Ethopia iyo kuwa gacnaha u qabanaayo Soomaaliya ee  ah

·       KENYA 

·         YEMEN

·         UGANDA    &  Dowlada Mareykanka

Ma mudna  in Afrika ay ka hadlaan meeshii danta Goerge Bush ku jirto sida Darfur oo kaliya,  oo ay ka aamusnadaan Soomaaliya, taasina wax  Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeedba  aqbali karaan ma’ahan.

Waxaan marnaba iloobeynin hadaan nahey shacabka Soomaaliyeed taageerada Dowlada Eritariya  iyo shacabkooda ay la garab istaageen dadka Soomaaliyeed,waana dowlada kaliya ay ka dhiidhisay gardarada qaawan ee ciidamada Ethopia ku qabsadeen Soomaaliya iyo waliba xasuuqa ay ka wadaan.

Sidaa daaradeed waxaa ceeb ah in dowlada ugu xooga baden dunida ee  Mareykanka (USA) ay si toos ah ugu hanjabaan dowlada Eritariya iyo shacabkeeda taageerada walaalnimo ay la garab taagan yihiin walalahooda Soomaaliya,taas oo ay Eritariya ay Mareykanka kaga muteysatey inuu ugu hanjabo inuu ku dari doono liiska wadamada taageera Argagaxisada, hadii aysan joojin ka hadalka iyo isgarab istaaga dadka Soomaaliyeed ee sida weyn u diidan joogitaanka iyo xasuuqa ay ka wadaan gudaha Soomaaliya ciidamada Ethopia.

Balse waxaa shacabwaynaha Afrika iyo dowladahooduba ceeb ku ah inaysan la mid noqonin dowlada Eritariya oo kale taas oo ku diidey waa Eritariyee Mareykanka ama Janday Fraizer  caga jugleynta beenta ah ay wadaan.

Waxaan AFRIKA ugu baaqeynaa inay arinkaan ka hadlaan walina culeys ku saraan sidii Mareykanka ugu qanci lahaa in Ethopia aysan Soomaaliya heysan karin danaha u ka leeyahay Soomaaliyana aysan u fulin Karin marnaba ,iyadoo xoog adeegsaneysa ,isla markaana loo baahan yahay in Afrika wax ka qabato arimaha Soomaaliya.

 Ethopiana dalkeeda dib loogu celiyaa walina maxkamad caalami ah la hor keenaa  kuwii :

  • Barakicinta 1 malyan oo shacab ah oo ka kooban dumar ,caruur iyo waayeel.
  • Kuwii diley dadkii rayidka ahaa
  • In la sii daayo dadka Soomaaliyeed ee aan waxbo galabsan ee xabsiyada Ethopia ugu jira sida sharci darada ah.
In Ethopia  Soomaaliya  uga baxdaa  shuruud la’aan  Ugu dambeyntii waxaan shucuubta Afrika ugu baaqeynaa inay wadamadooda culeys ku saraan sidii Soomaaliya dhibaatada ka jirta loo soo afjari lahaa,shacabka Soomaaliyeedna u garab istaagi lahaayeen si ay u helaan nolasha iyo nabada ay heystaan dadyoowga dunida ku nool maanta
 

Soomaaliya ha xoroowdo Soomaaliya Soomaali baa leh

Mahadsanidiin

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

NB: English ayaadoo ah baa loo direy dowladaha Afrika iyo Jaraaidada Afrika laga aqrista

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2007

Soomaaliya sidii Lagu Xoreyn Lahaa
Somalia

Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof. Ibbi, Drs. Fawsiya... Akhri... Nov 26

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com