SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  GALGADUUD

Roob la’aanta xilliga dayrta oo sababtey in ay xoola dhaqata isaga qaxaan qaybo ka mid ah degmooyinka gobollada galgaduud iyo hiiran.

Waxaa qeybo badan oo ka mid ah gobolada galgaduud iyo hiiraan isaga qaxay xoola dhaqatadii ku nooleyd halkaasi, roob la’aan kajirta aawgeed .

Roobabkii la sugayey xilliga dayrta ayaa si wanaagsan uga da’in deegaano ka tirsan gobolada Hiran iyo Galgaduud, arinkani ayaa sababay biyo la’aan iyo daaqii xoolaha oo gabaabsi noqdso, iyadoo xoola dhaqatadiina u barakaceen dhanka Galbeed iyo dhanka koofureed gobollada ku dhaw dhaw gobolka Galgaduud.

Dhanka galbeed waxay u qaxeen (dhulka hadda loo yaqaan) Kilinka Shanaad, sidoo kale waxaa si wanaagsan looga qaxay Balanbale oo xoola dhaqatadeedu u qaxeen kilinka shanaad, Caabudwaaqna waxay u qaxeen dhinaca Puntland.

Dhinaca koonfureed uu ka jirey xoogaa roob ah waxa ay u qaxeen tulooyinka Lubidulle, Senadhaqdo, Bulacle ilaa degaanada ay isla degaan beelaha Murusade, Xawaadle iyo Duduble.

Degmooyinka sida faraha badan loogu qaxay ay abaaruhu saameeyeen waxaa ka mid ah Dhusamareb, Mareergur, Xananburo, Cadaado, Caabudwaaq, Balanbale, Guriceel iyo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Abaaartaan ayaa keeni karta dhibaatooyin fara badan maamul la’aanta jirta aawgeed, dhibaatooyinka ay horseedi karto waxaa ka mid ah:-

Nabadgelyo xumo iyo isku dhac beeleedyo.
Daaq iyo biyo la’aan baahsan.
Abaaro iyo qax badan
Nabaad guur.
Qiima dhac ku yimaada sicirka xoolaha.
Musiibo hor leh oo soo garta dadkii ku soo barakacay goboladan.

Abaarahan ayaa halis ku ah dhamaan dadka degan deegaaanada laga qaxay, iyagoo ku noolaayeen xoolaha sida ay caanka ku yihiin goboladaan.

Abdulkarim Mohamed Jim'ale (Muxsin)
Email: muxsin55@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2007

Soomaaliya sidii Lagu Xoreyn Lahaa
Somalia

Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof. Ibbi, Drs. Fawsiya... Akhri... Nov 26

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com