SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  PL

Jaaliyadda Puntland gaar,ahaan dadka  ka soo Jeeda Gobolka Bari oo Taageeray Go'aankii ay ka qateen Buruc Beesha Cabdikoonbe (janbeel)        

                  Tar: 29/11/07 

Markaan aragnay qoraalka af hayeenka Beesha Mr. Bootaan Bare Samanter  waxaanu si cad oo aan gabasho lahayn u taageeraynaa Go,aanka Beesha Cabdikoonbe ee degaankooda (BURUC) ay u diidanyihiin in Burcadu ka baarto Macdan, iyadoo dadka reer bariga ah aan la siin wax tixgelin ah oo aan wax loogu qaban  dhaqaalaha ka soo baxa  Puntland, iyadoo Goboladda kale ee Puntland la siiyo lacag  iyo Tixgelin oo aan si bareer ah aan loo dhicin. 

Waxaa  ayaan daro ah in odayadda iyo waxgaradka Reer bari ay u ogolaadan dhaqaalahooda in gobolo kale lagu dhiso ama dibadaha Gurya lagaga dhisto 

Waxaanu hiil iyo hooba la taganahay sida sharafta iyo karaamadda leh ee ay arimahaas uga dhiidhiyeen Beesha Cabdikoonbe(Janbeel)  anagoo u rajaynayana guul iyo in ay Burcadda ka ilaashadaan dhulkooda, taas oo indha u furaysa dadka reer bariga ah oo Dhiigooda iyo Dhaqaalahooda, dhulkooda la xalaalaystay ee sida bareerka ah malin iyo habeen dhaca loogu hayo. 

Waxaan idinku talinaynaa in aad dhawaaqina iyo dacwadiina gaarsiisaan, hayadda u dooda dadka la dulmiyo oo loo xoogsheegto, oo magaca qabiil ama maammul loogu dulmiyo, waxaan idinla garab taaganahay  wax kasta oo aad isaga celinkartaan mammulka hororka. 

Mahadsanidin

Jaaliyadda Puntland, gaar,ahaan Gobolka bari 
Afhayeenka jaaliyadda Gobolka bari
Mohamed Abdullahi Omar (Cassaro)
mohassaro@yahoo.co.uk

bot"Buruc Lagama Baari  karo Wax Macdan ah Xilligan": Beesha Cabdi Koombe ayaa Bayaan ka soo saartay in aan magaalada Buruc wax macdan ah laga baari karin xilligan. Akhri Bayaankii Afhayeenka, Bootaan Barre Nov 25

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com