SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hindiya Iyo Waxbarashada: Qaybta 4-aad: Information Technology (IT)

Cali Cabdalla Shukri 

BCA (Bachelor of Computer Application) 

Hyderabad India   

E-mail:Caliga1@hotmail.com 

CaliShukri@yahoo.com 


Dalkan India ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay wadamada ugu horreeya xaga IT-da (Information Technology super power), Taas oo soo bilaabatay horraantii sideetameeyadii ka dib markii ay yimaadeen shirkadaha caalamiga ah sida American Express, British Airways, GE iyo Swissair kuwaas oo ka furtay xafiisyo shaqo, India ayaa waxay noqotay xiligaas wixii ka dambeeyayba halka loogu jecelyahay Business Process Outsourcing (BPO), taas oo ah Shirkadaha oo shaqooyinkooda gaysta meel ay ka helayaan shaqaale jaban, shaqooyinkaas oo ay ka mid yihiin, Call Centers, Human Resource, Information Technology, Payroll iyo Accounting. 

Somalida wadankan ku nool waxyaalaha ay bartaan waxaa ugu badan Kombuterrada ama Information Technology (IT) iyo Ganacsiga (Commerce), Magaalada ay Somalida ku badan yihiin ee Hyderabad ayaa waxay tahay magaalada labaad ee ugu fiican barashada maadooyinka la xiriira Kombuterada waxaana ka horreeya oo keliya magaalada Bangalore oo ah xarunta IT-da ee India. 

Shirkadaha software-ka ee ugu waawayn kuna  leh xarumaha magaalada Hyderabad iyo meel cirifkeeda ah oo  la yiraahdo HITECH City ayaa waxaa ka mid ah Accenture, AppLabs, Infosys, Invensys, Microsoft, CSC, Oracle, Wipro, Kanbay, GE, iGate, ValueLabs, ADP, Dell, Deloitte, HSBC, SumTotal, Intergraph, Analog Devices, IBM, Keane,Satyam, Baan, Birlasoft, Cypress Semiconductors, InMage, SatNav Technologies, Tata Consultancy Services, Amazon iyo Google. 

Waxbarashada Kumbiyuterrada ayaa kala leh noocyo kala duwan, Jaamacadaha ayaa waxa ay bixiyeen maadooyin kala duwan oo la xiriira Kumbuterrada qaybohooda Bachelor-ka iyo Master-kaba kuwaas oo inta ugu waawayn ay yihiin BCA (Bachelor of Computer Application), BIT ama BSc IT (Bachelor of Science in Information Technology). 

Waxaa kale oo jira maadooyin badan oo iyana laga dhigto macadyo sare kuwaas oo badanaa siiya ardayda takhasus gaar ah ha ahaadaan System Administration (Windows, Linux, Solaris, UNIX), Security Administration, (Sun Certified Security Administrator SCSECA, Certified Windows Security Administrator, Certified UNIX Security Administrator) Database Administration (Oracle, Microsoft SQL Server, Sybase… etc), Computer Programming (.NET, Java…etc), Multimedia (Webdesign, 3D Animations….etc) iyo maadooyin kale. 

Jaamacadaha ayaa inta badan waxay bixiyaan waxyaalahaas oo isku jira, marka ardayga ayaa waxa wanaagsan inuu mar kasta doorto takhasuskiisu waxa uu noqonayo, sida badan jaamacada Ardayga casharrada uu ka qaato maahan kuwo ku filan ee mar kasta waxa uu u baahan yahay casharro dheeraad ah inuu ka qaato macadyada ama macallimiin takhasus u leh maadada uu doonayo. 

Maadooyinka Kumbuterrada ee laga qaato jaamacadaha qaybta Bachelorka waxaa lagu dhigtaa sannadkii 500$ ilaa 1000$, taas oo soconaysa 3-sano, qaybta Masters-ka ayaa iyadana waxaa lagu dhigtaa 500$ ilaa 2000$ sannadkii, taas oo soconaysa 2sano, iyadoo ay jiraan qaar 3 sano ah sida Master of Computer Application (MCA), Jaamacadaha ayaa kala duwan maadooyinka ay bixiyaan isla markaana qiimaha mid walba wuu ka duwan yahay jaamacada kale. 

Sida badan ardayga marka uu gaaro sannadka ugu dambeeya ee jaamacada waxaa u wanaagsan inuu doorto maado uu ku samaynayo Takhasus taas oo ah maadada uu ku fiican yahay ee uu is leeyahay maadadaas ayaad heer fiican ka gaari kartaa.

Waxaa jira Shirkado caalami ah oo iyagana bixiya shahaadooyin (Certificates) kuwaas oo leh imtixaano u gaar ah shirkad walba, inta badan shirkadaha iyo shahaadooyinka ay bixiyaan ayaa waxa kamid ah, Microsoft (MCSA, MCSE, .NET) Oracle (OCA or OCP), Cisco (CCNA, CCNP, CCIE), Linux (RHCP), CompTia A+, SAP (SCP, SCA), Java (Sun Certified Java Programmer (SCJP) iyo kuwo kale.

Shahaadooyinkan ayaa ah kuwo caalami ah oo aduunka meel walba laga aqoonsan yahay, mar aan kula kulmay magaaladan Hyderabad nin la yiraahdo Ashraf oo Sudani ah kana yimid Sacuudiga magaalada Riyaad, ayaa wuxuu ii sheegay inuu wax ku soo bartay dalka Cyprus (Qubrus) kana soo qaatay shahaado Bachelor oo Kumbuterrada ah, wuxuuna magaaladan u yimid inuu dhigto maadada CCNA, Ashraf ayaa wuxuu aad u amaanayay shahaadooyinka laga qaato shiradaha waawayn, sida Microsoft, Cisco, Oracle, SAP iyo kuwo kaleba, isagoo sheegay inuu qofka ku dadaalo inuu helo Certficate-yada ay bixiyaan shirkadaha  ee uu qoro imtixaanka Online-ka, taas oo uu sabab uga dhigay in wadanka uu ka yimid ee Sacudiga ay aad u danaynayaan qofkii wata shahaadooyinkaas Online-ka ah, laakiin ay mar walba dheeraad kuu tahay shahaadada jaamacada, Ashraf ayaa wuxuu intaa raaciyay inuu isaga oo wata shahaadadiisi jaamacada uu hadana doonayo inuu qoro imtixaankan si uu u kordhisto xirfadiisa iyo mushaarkiisa maadama qofkii wata shahaadada jaamacada iyo Certificate-ka ay bixiyaan shirkadaha uu helayo shaqo wanaagsan. 

Maadooyinka ugu muhiimsan ee laga qaato macadyada khaaska ah ayaa waxaa ka mid ah SAP (Systems Applications and Products) taas oo ah shirkada aduunka ugu wayn ee soo saartay software-ka la xiriira ganacsiga (SAP the world's largest business software company) 

SAP wuxuu leeyahay qaybo badan oo ay ka mid yihiin, CRM: Customer Relationship Management SD: Sales & Distribution, PP: Production Planning and Control, Qaybihiisa Financialka ahna waxay ka kooban yihiin, FI: Financial Accounting, CO: Controlling, IM: Investment Management, TR: Treasury   EC: Enterprise Controlling. Waxa kale uu leeyahay qayb Human Resource (HR) waxaana ka mid ah, PM: Personnel Management, OM: Organizational Management, PA: Payroll Accounting, PD: Personnel Development, iyo qaybta Technical-ka oo ka kooban tahay ABAP, BASIS, BW (Business Warehousing). 

Ciisadiin oo ka yimid Maraykanka iyo Cali oo ka yimid Canada ayaan iyagana kula kulmay magaaladan iyagoo ka dhiganaya maadadan SAP, Cali wuxuu ii sheegay inuu ka soo tagay Canada si uu u barto SAP qaybteeda la xiriirta financial-ka ee la yiraahdo FICO (Financial Accounting and Controlling) isagoo intaa raaciyay inay halkan ka qarash yar tahay kana sahlan tahay barashada maadadan, wuxuu sheegay Cali in marka uu noqdo uu jecel yahay inuu qoro imtixaanka Online-ka ah. 

Waxaa kale oo jira macadyo bixiya Telecommunication-ka qaybta wireless sida uu ii sheegay Ciise oo ka yimid New Zealand, Ciise wuxuu dhamaystay cours-kaas oo socday mudo 3 ilaa 6 bilood, maadadaas oo uu sheegay in lagu dhigto ilaa ku dhowaad 1000$. 

Cudurdaar: Waxaan aad uga xumahay inaan la soo daahay maqaaladan taxanaha ahaa sababo la xiriira anigoo safarro iyo imtixaano galay, waxaana aad ugu mahad naqayaa akhristayaashii ila soo xiriiray si gaar ah iyo si guudba igana codsaday inaan dhamaystiro qaybaha haray, aad ayaan u jecelahay hadii EEBE idmo inaan dhamaystiro qaybaha haray, anigoo aad u rajaynaaya inay noqon doonaan kuwo umada ay ka faa’iidaysato qaybna ka qaadata horumarka umada Somaaliyeed, Ilaahayna naga abaal mariyo wanaageeda. 

La soco qaybta 5-aad…… Ganacsiga (Commerce) iyo Sharciga (Law)

Cali Cabdalla Shukri    
E-mail:Caliga1@hotmail.com 

SomaliTalk.com | Oct 1, 2007

.Sidee Looga Hor Tagi Karaa? (Part 1 of 2) | Nugidoon 
.Tafaraaruqa Tabcanayaasha Tigreega
| Xersi
.
. HAL XIRAALAHA RAMADAANKA... AKHRI
.DALSAN Xaggee Mareysaa Soo Celinta Maalkii Dadweynaha...
.
Dariiqa Toosan: Fahamka guud ee siyaasada sharciga ah ee islaamka
. Sucuudigu: Ma Nacabka Soomaalidaa Mise Waa Nasteex? | Gurmad
.Haween waxaa dilay nimeysan u jeedin oo  Haasaawiyey | Haaruun

.
TIRMIDIYOW QOFAAN ADIGA AHEEN MA JAAHILBAA MISE |Camaar
.Waan Kudilayaaye Dulqaado | Ashkir

.
Eng. C/qani Qorane oo xaqiijiyay in uusan ka mid ahayn maamulka
. GABAY:::: CASHAR | Xasan Kullane
. ABUU RIMAAYAH | A.M.Yusuf
. Ardayda somalida ee wax  barta wadanka  India lasoo  gudboonaatay
.
Wiilka Usama oo furay Xaaskiisii, kaddib markii loogu hanjabay Dil!
.MAXAY KU NUUGTAA AMA KA NUUGTAA ? (ARAGTI) | Mataan
.
Buug Daalacasho, Dhaqansidaha Gobaad: | Amran Maxamed
.War niman yohow Raggii meeye? | Xaashi
.
XASAN WADAAD JAHLIGU AAMUSKA AYUU KUFIICANYAHAY |tirmidi
.Dadkii Salaadda la Tukadey oo dalbaday inaan Imaamka mar kale tujin
. Kororso Aqoontaada, (Cilmi-baarisyo) | Kaalmoy

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com