SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab:Bilaal iyo u qiildayida shabaabka!!!
 
Inkastoo aanan macmiil u ahayn qoraalada afsomaliga lagu daabaco ee kusoo baxa website-yada Somalida,waayo badiyaa waxay ka bilowdaan kuna dhamaadaan caqiiqada foosha xun ee qabyaalada iyadoo aqoontuu doono halahaado qorahuye aay aakhirka nuxurka qoraalkiisu ku dhamaanayo fikirka reerkiisa.
Waxaanse marar indhahayga soo jiita doodaha ku saabsan cilmiyada guud ahaan gaar kuwa diinta salka ku haya,waxaa dhawaan indhahaygu qabteen qoraal kusoo baxay somalitalk oo cinwaankiisu ahaa Xaqbay ahayd qaadacaada shabaabka ee shirka asmara.  uuna qoray nin magaciisa kusoo gaabiyey  Bilaal hargeisaawi. Kaasoo sida cinwaanka laga  dhadhansan karo uu ku difaacayo kooxda shabaab iyo mowqifkeeda ku saabsan shirka Asmara.
 
ًWaxaanse ku bilaabayaa  Bilaal qoraal ugu danbeeyay oo uu isku dayay inuu sharxo siyaasada sharciga ah ee islaamka,waxaa ii sii cadaatay in bilaal mowduucaan iyo kuwo kale oo uu qalinka u sito wax wayni aaysan uga baxsanayn,isagoo arimo badan  isku qalday,jawaabta uusiiyey maqaalkii cilmiga huwanaa ee cabdiraxman warsame waxay u muuqataa mid ka hooseeya oo aan ka hadlayn heerka iyo fahamka uu ka hadlayay cabdiraxmaan.
Qoraalka jawaabta ah ee uu Bilaal soo qorey waxaan jeclahay inaan qoraal gaar ah ku faaleeyo,waxaanse ka xusayaa mid uu majaraha uga dhacay oo sababtay in maqaalka oo dhami uu qaado wado qardajeex ah,oo ah siyaasada sharciga qeexideeda waayo waxuu yiri siyaasada sharciga ah waxay ku qotontaa daliilka quraanka iyo sunaha oo macnaheedu yahay in waxii aan daliil lahayn aay noqonayso siyaasad khaldan,waxaana culimada ka faalootaa siyaasada sharciga ah aay isku raacsan yihiin badidood in siyaasada sharciga ah aay ku dhisan tahay ilaalinta diinta iyo in lagu maamulo aduunka,waxaa kale oo la isku raacsan inta badan in siyaasada islaamka aay ku dhisan tahay in lagu maamulo umada islaamka waxii masaalix ah ee aan ka hor imaanayn sharciga,halkaas waxaa ka cad in aan laga eegayn siyaasadaasi  sharciga daliil ma looga helayaa amraya ama faraya in arintaas la sameeyo, ee waxaa laga eegayaa sharciga maka horimaanaysaa oo ma jiraa daliil mancinaya siyaasadaas.
Caalimka Ibnu Qayim oo arintaan sharxaya waxuu yiri " (ومن قال لا سياسية الا ما نطق به الشرع فغلط وتغليط للصحابة، وهذا موضوع فرطت به طائفة وجعلوا الشريعة قاصرة لا تقوم بمصالح العباد محتاجة الى غيرها "
"Cidii tiraahda siyaasad aan shareecadu ku hadlini ma jirto waa khaldan yahay waxuuna u gafey saxaabadii rasuulka,waana arin aay ku xad gudbeen kooxo,kuwaas oo shareecada ka dhigay mid gaaban oo aan u adeegayn danaha adoomaha ee aay u baahan tahay wax kale."
Siyaasada Sharciga ahi waxay ku qotontaa quraanka,sunaha,ijmaaca,Ijtihaadka(shuruudihiisa leh).
 
waxaan intaas ku darayaa in aayada "اليوم اكملت لكم دينكم واتممت عليكم نعمتى" ee uu bilaal u daliilshanayo inay khuseyso dhaqaalaha,xisaabaadka,kaabayaasha dhaqaalaha,siyaasada dowliga ah,waxqabadka guud,hantidhowrka,tacliinta,cilmi baarista,ciidanka,booliska,taraafikada,in diinta islaamka aaysan kaamil ahayn hadii aaysan arimahaas ka hadlayn,waxaan u malaynayaa inuu Ilaahay uga toobad keeno hadalada noocaas oo quraanka in hawadeena aan ku fasirno maahan,ama dooda inaad ku xoojisato,xurmo iyo eedaab buu leeyahay. iyo  in loo fahmo sidii aay u fahmeen qarniyadii fadliga lahaa .
 Nebiga waxuu yiri xadiiska saxiix ah ee muslim wariyey markii uu arkay nimanka bacriminta ku samaynayay timirta oo ku yiri u malayn mayo inay wax tarayso,markii aay iska dhaafeen ee aay u qaateen in nabigu ka mamnuucey markii danbe ee nabiga loo sheegay waxuu yiri ”idinkaa u ogaal badan arimahiina dunida,ee waxaan ahayd ra,yi,maahayn waxyi” dhacdadaani waxay daliil u tahay in Sida bilaal u daliishaday aayadu inaysan ahayn quraanku waa kitaab hanuun hadii aad tiraahdo accounting,bio-technology,auditing iwm cilmiyada oo dhan baa laga helaya waxaan u malaynayaa in aay tahay arintaasi mid khaldan.
Hada ka hor ayuu sheekh Masri ah kitaab tasfiir ah qorey oo la yiraahdo ”Jowhar Al-Quraan” waxuu si weyn iskugu dhabar jabiyey inuu quraanka waafijiyo culuumta sayniska ah ilaa culimada qaar aay ku dhaliileen kitaabkiisa inuu quraankii u muujiyey kitaab saynis,taasoo ah arin khalad ah waayo waxaanu ognahay in culuumta aadanahu aay tahay wax tijaabo iskaga jirto oo cilmi ama aragti maanta sax ah ayaa bari khalad noqon karta,hadii maalintii aay saxda loo haystay aad quraanka cuskisid beri markey khalad noqoto maxaa ka dhalanaya,halkaas waxaa ka fahmaynaa in quraanka aan lagu lifaaqin waxyaabaha howlaha aadane ee khibrada iyo daahfurku hago.
 
Qormada cusub hadaan intaas uga baxo waxaan galayaa qormadii maqaalku khuseeyay ee ” Xaqbay ahayd qaadacaada shabaabka ..”
Markaan si mug leh u akhriyey qormada bilaal waxaa iisoo baxday inuu wax ku dhisey gafaf waawayn,islamarkaana uu qorahu si weyn u cabsan yahay kooxda shabaab iyo afkaaraheeda madax dhul la dhaca ah.
Ugu horeyn gafka koowaad ee uu wax ku dhisey waa in uu arinta saldhig uga dhigay inay tahay gaalnimo iyo muslimo,baadi iyo hanuun iwm, waxaana culimadu islaamku isku raacsan yihiin in arimaha khuseeya siyaasa sharciyah aay hoos galayso Ijtihaadka oo baabkiisu yahay khalad iyo sax,kii khaldama uu leeyahay hal ajar, kii saxmana uu leeyahy laba ajar hadii niyadu hagaagsan tahay.
Markeynu wax ku dhisno in raga qoraalka shabaabku ku wajahnaa aay yihiin rag culimo ah oo aqoon durugsan u leh diinta, ilaa inta aay qaateen mowqifka shirkaana ahaa rag aay shabaabku ku wardin jireen magacooda iyo fatwooyinkooda, arintaan mowqif iyo aragti walba lala aadayo usuulu caqiida ee gaalnimo iyo islaanimo waa baadi cad oo aay ku jiraan kooxda shabaabka iyo inta afkaar ahi, khilaafka siyaasiga ah ama fikrad qofku ula muuqatay in maslaxada umada islaamka ahi ku jirto qofkuna uu yahay qof muslix ah oo aan fasaad hore looga baran,arinta uu sameeyayna aaysan ahayn arin si cad uga hor imaanaysa nasuusta qadciga ah. taasoo u sahlaysa bilaal iyo inta la afkaar ah in cid allaale iyo cidii aay isku qabtaan ama ku kala afkaar duwanaadaan qaababka islaamka kor loogu qaadayo aay ku shabeeynayan inuu khilaafey islaamka qaalna yahay kadibna si sahlan aay dhiigiisa u xalaalsadaan waana qiilkaas midka aay u go,ayaan dad badan oo muslimiin ahi maanta.
 
Arimaha siyaasada iyo dhacdooyinka soo dariya qaababka lagu xalinayo waa arin ijtihaad ah, oo aay xaq u leedahay cidii gaartey heer cilmi diineed,daacadnimo,biseyl,fahamka duruufaha ku xeeran arinta lagu ijtihaadayo iwm..
Gafka labaad ee bilaal ku dhacay waa arin iyaduna aay caan ku yihiin qolyahaan shababka iyo dadka la duuban afkaarahooda oo ah inaan ilaahay looga biqin lagana fiirsan is-amaanida fikirkooda,howlaha aay qabteen iyo wadada aay hayaan taas oo ah manhaj khilaafsan kii dadka wanagsan lagu yaqiiney.
 
Bal si fiican u dhuuxa kalmadahaan uu bilaal ku xardhey qoraalkiisa :
 
”Waxaa la helay nimco aan mudo kumanaan sano laga joogo la helin,”
” Wuxuu allaaaah ina siiyay khilaafo islaami ah ama dawlad islaami ah taas oo kazoo if baxday qaybkamida dhulkii hore loo odhan jiray dhulwaynaha islaamka khaasatan dhulka ay degaan qowmiyada soomaalidu qaybo kami ah”
” Waxaa samada kismaayo laga lulay calankii rasuulka scws”
” waxaa baaba’day in qabiil la’isku xidhiidhiyo”
 
Waxuu noo sawirayaa bilaal in aan islaanimo ka horeysay shabaab aaysan jirin, kalmadaha qaarkoodna waa meel ka dhac weyn sida inuu yiri waxaa la helay nimco aan la helin kumanaan sano, taasoo u muuqato qorahu inusan ama taariikhda aqoon ama aay wax u dhintay afkaarta xamaasada kaliya ku dhisan, waayo nabigeenii nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee inta laga joogo 1500 sano ka yar weeye nimco iyo naxariis ka weyn oo dunida soo martey ama dib usoo maraysana ma jirto, sida uu sheegay sadexdii boqol ee sano ee xigtay isaga ayaa u kheyr badan umadaan.
Waxuu si aan khajil lahayn saaxiibkeen afka ugu buuxinayaa in la helay khilaafo islaami ah, waxaanan garanayn in bilaal uu fahamsan yahay macnaha khilaafada islaamka iyo inkale, waxaynu ognahay in khilaafada tahay macno ka gudo weyn sida fudud ee saaxiibkeen u sawiranayo.
 
Kalmada ah waxaa samada kismaayo laga lulay calankii rasuulka!!! Waxaan u malaynayaa inay gaf wayn tahay,waana tii nabigu Mucaad ibnu jabal markii uu u dirayay yemen isagoo daaci ah uu ku yiri hadaay kaa dalbadaan inaad xukunka ilaahay ku ridid ama qaadid haka yeelin eee xukunkaaga ku qaad waayo ma ogid ma asiibeysaa xukunka ilaahay mise ma asiibeysid, waxaa nabigu dhowrayay in xukun ijtihaad uu saxaabigu u nisbeeyo ilaahay,sax qofku waa inuu ku dadaalaaa inuu waafaqo sida xaqa ah iyo sida ugu dhow nusuusta quraanka iyo sunada,laakiin meelaha tadbiiqiga ah ee u baahan in xaalad nas la waafajiyo ama nas xaalad cusub la haleelshiiyo waxay u baahan tahay aqoon durugsan iyo ijtihaad shuruudihiisa leh,kadibna arintaasu waxay ahaanaysaa ijtihaad banii,aadam  oo sax iyo khalad labadaba noqon kara, mana gaarayo inuu noqdo xukunkii ilaahay iyo kii rasuulka,arimahaan waxaa si mug leh u balbalaariyey imaam ibnul qayim kitaabkiisa dahabiga ah ee ”qlaamul muwaqiciin can rabil caalamiin”.
 
Khaladka meesha yaala waxaa weeye in bilaal iyo ragiisu aay aamineen in wax kasta oo aay sameeyaan uu yahay xukunkii ilaahay, mowqif walba oo aay qaataana uu yahay kii ilaahay rabay,calankoodu uu yahay kii rasuulka wax allaale waxii lagu sameeyo calanka rasuulka hoostiisana aay tahay xaq barax la,a, cidii khilaaftaana aay tahay in calankii rasuulka oo babanaya ka hoos baxday,xukunka ninkii calanka rasuulka oo babanaya ka hoos baxayna is weydiin ma leh oo waa u cad yahay.
Is daahirinta noocaas ah iyo isweylanidaasu maahan mid boos ku leh dhaqanka dadka suuban,waxaa tusaale qurux badan noogu filan dhacdadii in xitaa asxaabtii rasuulku aay marar badan naftooda tuhmi jireen, falal badan oo aay sameeynayeena ka shakin jireen ilaahay raali maka yahay mise,ilaa xad iyagoo jihaad ku jira oo daalan markii salaadu ka cadaatay oo kaseexdeen nabiguna la socday, aay markii la tukaday ka dib aay weli hadal ka taagnaa murugo laga qabo salaada laga seexday iyo salaada qalaha ah ee aay tukadeen in Ilaahay ka aqbalay iyo inkale!!!.
 
Mida kale arinta gaalaysiinta iyo in dadka ehlu-qiblada ah diinta banaanka looga jafo waa arin khatar ah,oo saldhig u ah afkaaraha iyo ficilada khariban ee socda, dadka islaamka ah in diinta laga saaro waa arin adag,waxay u baahanaysaa fatwo sharci ah weliba sida fiican jamaaci ah oo culimo diinta ku xeeldheeri aay gaaraan, maahan koox inay iyadu khilaafyada siyaasadeed ee kala dhaxeeya kooxaha kale-Xitaa haday yihiin kuwo islaamiyiin ah- aay gaalaysiintu noqoto hub loo adeegsado, waxaan ognahay in rag kuwaas ibraahim gaalnimada dabada u suraya la mid ah ama ka hooseeyaa aay shabaabka taageeraan kuwaas oo lagu shabeeyay mujaahidiin waawayn.
Gunaanadkii iyo gabagabadii waxaan ugu nasteexayn lahaa bilaal iyo ragiisu inay wax akhriyaan,islamarkaana ka faaiideystaan khibrada ragii bud-dhiga u ahaa xarakaadka jihaadiga ah oo koow ka yahay qoraaga kitaabka saldhiga u ah dhaqdhaqaaqyadaas ee la yiraahdo العمدة فى اعداد العدة للشيخ عبدالقادر بن عبدالعزيز    kaas oo ka noqday afkaartii saldhiga u ahayd jihaadka laga dhex bilaabay dowlado iyo shucuub islaam ah sida Masar oo qorahu u dhashay oo aay kooxdiisa Al-jihaad, iyo kooxda kale Aljamaaca Al islaamiyah ayaa labaduba  dagaalo dhiig badani ku daateen la gashay dowlada masar iyagoo aakhirkii yaqiinsadey in wadadaasu aay tahay qardajeex khaladaad badana aay ku jiraan,islamarkaana aay kasoo noqdeen kitaabka iyo ka noqoshada jamaacaadkaas waa arin waafi ah waxii tafaasiil ah fadlan u noqo website-kooda egyig.com.
Jihaadka gaalada soo duushey ee xooga ku qabsatay dhulalka islaamka kama hadlayo maqaalkaanu waa arin sharci ah,waxaanse ka hadlaynaa waa kan dadka muslimka ah ee hadaay doonaan shacabka lagu laynayo ama shakhsiyaad muslim ah inta lagu shabeeyo gaalnimo kadibna lagu dilayo xitaa masjidka iridiisa hadii laga helo sida aay marar sameeyeen kooxda shabaab.waa kaas kan aan diidanahay oo u aragno fidmo horteed.
 
Jihaadka aan diidanahay waa kii nahrul baarid ee dhowr boqol oo dhalinyaro carbeed ahi inay tageen xero qaxoti oo boqolaal kun oo falastiniyin ahi ku jiren aay isku hubeeyeen ama lagu hubeeyay kadibna aay halkaas booto iyo dhaar ka bilaabeen kadibna dagaal ku qaadey ciidanka lubnaan, iyagoo ka diley tiro door ah, maxay noqotay natiijadii kaamkii nahrul baarid ee hoyga u ahaa kumanaan falastiiniyiin masaakiin ah waa burburey dhamaantiis, kooxdii fatxul islaam waxay noqdeen dhimasho,dhaawac iyo maxaabiis,sumcad xumo iyo dhib weyn iyo culeys ayaay ku soo kordhiyeen mujtamaca suniga ah oo awalba dhibaatooyin weyni ka haysteen dalkaas shiicada iyo kirishtaanka la dega,arintaan oo culeys siyaasadeed iyo mid nabad galyo kusoo kordhisey,waxaa xusid mudan in nimankaasi aay diideen ergooyin badan oo dhibaatada looga hirtagi lahaa in dagaal weyni ka dhaco meeshaas oo shacabka muslimka suniga ah ee lubnaan aay ku baajinayeen masiibo in halkas ka dhacdo,samadoonkaas waxaa hormuud ka ahaa culimo diinta ee suniga sida raabidada culimada falastiin,muftiga lubnaan culimo si weyn loo yaqaano dhamaan samadoonkaas waa diideen kooxdaasi,aakhirkiina markii aay u adkeysan waayeen madaafiicda ayaay culimadii lasoo xiriireen bal in caruurta iyo naagahooda loo badbaadiyo iyagiina meeshaas baay ku dhamaadeen.miraha laga gurtey jihaadkii fatxul islaam aay la galeen ciidanka lubnaan weliba qaybtiisa suniga iyagoo kilometiro aay u jirto israaiil aaysan hal rasaas ah ku ridin waxaa la weydiinayaa bilaal iyo raga la jidbeysan dagaalada indhaha la,a ee ku dhisan ismiidaaminta.
 
Warkii oo dhan bilaaloow xamaasad iyo qaylo umad iyo aayo laguma dhiso ee miyirka iyo runta usoo dega iskana dhaafa seefta gaalaysinta iyo xero ka saarka ee aad wadataan culimada iyo shacabka waxgaradkiisa.
 
W.Q sheekh abuubakar

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk.com | Oct 3, 2007

C/llaahi Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay doorashadiisii
.Itoobiya oo xulanaysa ciidamada kala qayb qaadanaya..
.Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn Yuusuf iyo Geedi..
.Weriye C/Xakiim C. Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad laga..
.Iska hor imaadyo dhex maray Somaliland iyo Puntland..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 2

baydhaboQoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkada sare oo loo Akhriyey Baarlamaanka DF
iyo Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka..
Akhri Oct 1


Midowga Ganacsatada G/Banaadir oo Axadii Bilaabay inay Lacag deeq ah u qaybiyaan Dadka waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada Muqdisho iyo barakaca.. Akhri Oct 1

Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo qaaday sucuudiga

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com