SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 4, 2007

  • Guddi loo saaray dabkii baabi’iyey suuqa Bakaaraha

  • Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay xerada Guulwadayaasha

  • Dadweynaha Soomaaliyeed oo walwal ka muujiyey hadalkii ka soo yeeray Abuu-Mansuur

  • C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uu diyaar u yahay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka Somaliland iyo Puntland ka dhex jira

  • Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya oo sheegay in ay u fariisan doonaan sidii ay khilaafka madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha loo dhameyn lahaa

  • Xaaladda nabadgelyo ee gobalka Sh/hoose oo laga dayrinayo


  • ''Somalia's President Yusuf Loses His Grip on Power'' PINR


Guddi loo saaray dabkii baabi’iyey suuqa Bakaaraha

Guddi ka tirsan ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa loo saaray bal in ay qiimeyn ku sameeyaan dabkii habeen hore baabi’iyey qaybo ka tirsan Suuqa Bakaaraha.

Guddigaan oo shalay bilaabay hawshiisa ayaa waxay qiimeynayeen khasaaraha gaaray suuqa Bakaaraha.

Suuqa Bakaaraha marka saddex meelood loo dhigo waxaa la qiyaasay in ay qayb gubatay, mana ahan markii ugu horeysay oo suuqaasi uu dab qabsado.

1995-tii ayay ahayd markii Suuqa Bakaaraha uu dab qabsaday, waxaana xiligaasi joogay General Max’ed Faarax Caydiid, markii ay timid Dowladdii Carta ee uu C/qaasim hogaaminayay ayaa mar kale suuqa dab qabsaday, waxayna xiligaasi ahayd 2002-dii, sidoo kale waqtigii maxaakiimta ayaa dab aan sidaasi u balaarneen waxa uu qabsaday qaybo ka mid ah daawada, haatan uu C/llaahi Yuusuf madaxweyne ka yahayna waxa uu dab baabi’iyey qayb suuqa ka tirsan.

Dadka qaar ayaa waxay sheegayaan in malaayiin Doolar ay ku gubatay suuqa, waxaana la filayaa in dadkii khasaaruhu ka soo gaaro loo uruuriyo lacago tabarucaad ah, si ay meheradahooda dib ugu soo laabtaan.

Ilaa iyo hadda Dowladda Federaalka ayaan caddeynin wixii gargaar ahaa ee ay ugu talagashay dadkaasi, marka laga reebo Max’ed Dheere oo dabkaasi ku tilmaamay masiibo qaran.

“Ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa laga rabay in ay ku waayo aragnimo qaataa, afartii jeer ee uu suuqaasi gubtay oo ay la yimaadaan sidii ay dabkaasi mar kale uga hortagi lahaayeen, balse taasi ka dhicin” ayuu yiri nin odey ah oo sheegay in suuqa Bakaaraha looga baahan yahay in ay qayb kasta diyaarsato dab damis gaar ah u ah, suuqana loo yeelo wadooyin.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay xerada Guulwadayaasha

Waxaa isa soo taraya qasaaraha uu keenay dagaalkii habeen hore ka dhacay xerada Guulwadayaasha iyo wasaaradda Gaashaandhiga.

Dagaalkaan oo socday mudo daqiiqado ah, ayaa waxaa la sheegay in kooxaha ka soo horjeeda ciidamada Dowladda ay galeen xarunta guulwadayaasha, waxaana sidoo kale lagu warmayaa in ciidamada Dowladda laga dilay ilaa iyo shan askari.

Kooxaha muqaawamada ayaa waxaa la sheegay in ay dagaal miidaamin ah ku qaadeen ciidamada Itoobiya ee  ku sugan Shiirkole, kuwaas oo bartanka u galay ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegay in ciidamada Itoobiya uu halkaasi khasaare ka soo gaaray, sidoo kale kooxihii weerarka soo qaaday ayaa labo ka mid ah ay halkaasi ku dhinteen, iyadoo shalay galab laga soo bixiyey maydadkoodii halkaasi.

Ciidamada Itoobiya ee k.u sugan Wasaaraddii hore ee  Gaashaandhiga iyo xerada Shiirkole ayaa waxay galeen feejignaan dheeraad ah dagaalkaasi kadib.

Dadweynaha Soomaaliyeed oo walwal ka muujiyey hadalkii ka soo yeeray Abuu-Mansuur

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo uu qaabilsanaa Maxaakiimta dhinaca gaashaandhiga oo u waramayey mid ka idaacadda muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay ka madax banana yihii kooxihii Isbahaysiga ku dhistay Magaalada Asmara. Hadalkaan waxaa walwal ka muujiyey dadweynaha Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in arrintaani ay keeni karto khilaaf soo kala dhex gala kooxaha dagaalka kula jira Ciidamada Itoobiya. “waxay ahayd in ay ku waayo aragnimo qaataan, dagaaladii ay galeen sida kii ka dhacay Marka, Gedo, Boosaaso iyo midkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalad Muqdisho” ayuu yiri nin odey ah oo si weyn walwal uga muujiyey hadalkaasi, kadib markii Abuu-Mansuur uu sheegay in iyagu ururkoodu yahay Al-Shabaab, dagaalkana ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya. “Kooxaha ku sugan Asmara waa dad dibadda iska jooga, waxay ahayd in ay yimaadaan dalka oo ay la dagaalamaan gaalada” ayuu yiri Abuu-Mansuur oo sheegay in ay dhowr weerar ku qaadeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

“mar kasta oo u khilaaf soo kala dhex galo ururadasi diiniga ah way sii kala jajabaan, oo qaarkood halkaasi ayay ku haraan, kuwana horey ayay hawshooda u sii wataan” ayuu yiri mid ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed, oo soo jeediyey in aysan waqtigaan habooneyn in qolo si gaar ah u sheegato urur dagaal kula jira ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka, balse waxa uu tilmaamay dhamaan ummadda Soomaaliyeed yihiin kuwo ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya, oo aysan habooneyn cidi keligeed guusha yeelato “Fiiri dagaalkii ka dhacay qabuuraha Barakaa, waxa dagaalamay waxay ahaayeen shacabka oo jid gooyo xoog leh ku dhigay ciidanka Dowladda” ayuu yiri ninkaasi oo diiday in magiciisa la sheego. 

C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uu diyaar u yahay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka Somaliland iyo Puntland ka dhex jira

Iyadoo dagaal gacan ka hadal u dhexeeyo maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa haddana madaxweyne  C/llaalhi Yuusuf Axmed waxa uu shalay ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay in uu wada hadal la galo maamulka Somaliland si loo dhameeyo muranka xuduuda ee u dhexeeya labada maamul.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay inuu meel kasta kula kulmo maamulka Somaliland si loo dhameeyo xurguftaasi, isagoo sheegay in labada shacab ee Somaliland iyo Puntland ay yihii labo shacab oo walaalo ah oo aan sinaba ku kala maarmin.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay ama uu ku tilmaamay in ay nasiib daro tahay dagaalka soo noq noqday ee u dhexeeya labda dhinac, waxa uuna soo jeediyey in labada shacab u hawlgalaan sidii loo soo afjari lahaa khilaafkaasi.

Labada maamul ayaa haatan ciidamo hor leh ku sii uruurinaya goobta dagaalka, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal aad u culus uu dhexe maro labada maalmood haddii aan xal deg deg ah loo helin.  

Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya oo sheegay in ay u fariisan doonaan sidii ay khilaafka madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha loo dhameyn lahaa

Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya ayaa ka hadlay xurgufta u dhexeysa maamulada Somaliland iyo Puntland waxa uuna sheegay baarlamaanku in waqtigaan loo baahneen in labada dhinac dagaal dhex maro, iyagoo sheegay in wax faa’iido ah aysan ugu jrin labada shacab.

Baarlamaanku waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ergo nabadeed u diraan maamulada Somaliland iyo Puntland si ay u soo afjaraan khilaafkaadka u dhexeeya ee ku aadan dhanka xuduuda.

Baaqyada soo gaaraya labda dhinac waa ay fara badan, waxa uuna baaqii ugu xooganaa ka yimid Qar amada Midoobey oo ka dalbatay labada dhinac ay in ay wada hadal ku soo gebagabeeyaan wixii khilaaf ah ee u dhexeeya, iyagoo sheegay in dagaal wiil uu ku dhinto balse uusan wiil ku dhalan, sidaa darteedna loo baahan yahay in laga waantoobo.

Xaaladda nabadgelyo ee gobalka Sh/hoose oo laga dayrinayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka waxay sheegayaan in xaaladda nabadgelyo ee gobalka Sh/hoose ka sii dareyso, gaar ahaan magaalooyinka Marka iyo Afgooye, waxaana ciidamada ka tirsan Dowladda dhowr mar dhex maray iska hor imaadyo, iyadoo mas’uuliyiinta gobalkaasi dhowr jeer ka badbaadeen isku dayo dil.

Maalintii shalay ahayd ayaa magaalada Afgooye, waxa uu iska hor imaad ku dhexmaray labo maleeshiyo oo ka wada tirsan Dowladda oo isku qabsaday suuqa xoolaha degmada Afgooye, iyadoo midba midka kale doonayey in uu gacanta ku hayo lacagaha suuqaasi laga qaado.

Isku soo wada duuboo waxaa gobalka Sh/hoose ku soo badanaya kooxaha maleeshi-yaadka ee dhigana isbaarooyinka, waxayna sheegeen dadka halkaasi ku dhaqan in haddii xaaladdu sidaan ku sii socoto ay keeni karo nabadgelyo xumo baahsan oo ku sii fida gobalka Banaadir.

Dadkii ka barakacay agagaarka Carafaat oo dib qaarkood ugu soo laabtay guryahoodii

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa deegaanka Carafaat, xaafadda Tawakal, iyo Gubta ayaa waxaa dib ugu soo labanaya dadkii ku barakacay dadkii ka barakacay kadib markii ciidamadii Dowladda Federaalka eek u sugnaa Qabuuraha Barakaat ay halkaasi isaga soo barakaceen.

Dadweynaha oo raxan raxan u socda ayaa la arkayey iyagoo guryahooda ku soo laabanaya, waxaana dib u furmay ganacsigii iyo isku socodkii gaadiidka.

Saddexdaa xaafadooda ayaa waxaa deganaa boqolaal kuln oo qof, kuwaas oo ka firxaday dagaaladii dhawaan ka dhacay goobahaasi, inkastoo qaar ka mid ah dadkaani aysan weli soo laaban, ayaa waxaa la sheegay in ay ka cabsi qabaan in dib u soo laabtaan ciidamad Dowladda oo iyagu horey deegaanadaasi fariisimo ugu lahaayeen, waxayna dadkaasi isaga nagaadeen goobihii ay u qaxeen.

Suuqa Xoolaha ayaa isna waxaa la arkayey dad dib ugu soo laabanaya guryahoodii kadib markii Ciidamada Dowladda ay ka baxeen halkaasi, waxaana la arkayey dad guryahooda dib u dayactirinaya, maadaama deegaankaasi ay ka dhaceen dhowr dagaal oo soo noq  noqday.

Naadiga Elman oo bixiyey qalab Isboorti oo u badan Kubado

Naadiga K/cagta Elman ee dalkeena Soomaaliya ayaa maalintii shalay ahayd xaflad ku qabtay xarunta naadiga ee magaalada Muqdisho, waxayna xafladdaasi ku saabsaneed bixinta qalab Isboorti oo u badneed Kubbaddo oo uu naadigu ugu talagalay in lagu horumariyo tartamada ka socda garoomada yar yar ee ku yaala Magaalada Muqdihso.

Xafladdaan waxaa ka gaybgalay guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta  Siciid Max’ed Nuur (Mugaanbe), agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga Mudane Gacal, guddoomiye xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Cali Siciid Guuleed, guddoomiye ku xigeenka Olombikada Gobalka banadir ahna arimo hawlfuliyaha guud iyo  xubno ka socday guddiga fulinta Xiriirka Soomaaliyeed K/cagta, iyo waliba guddiyo ka socday Garoomada ay ka socdaan tartamada Ramadaanka, waxaa kaloo xafladdaasi ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Elman Eng. Suudaani Cali Axmed, waxaana 30 garoon oo ay ka socdaan Tartamada Ramadaaanka la guddoonsiiyey min saddex kubbaddood. Ma ahan marii ugu horeysay oo naadiga Elman uu bixiyo qalab noocaan oo kale ah, waxayna sheegeen in xubnihii ka qaybgalay xafladdaasi sheegeen in Naadiga Elman uu yahay naadi u taagan horumarinta Isboortiga dalka

3-da October: maalin aysan hilmaami doonin shacabka Soomaaliyeed

Taasina waxay sii dedejisay in mareykanku uu si halhaleel ah uga baxo dalka Soomaaliya, Isla markaana uu mareykanku joojiyo raadintii uu Caydiid raadinayey, waxaana ciidamada Mareykanka laga soo riday saddex diyaarood oo ah nooca loo yaqaano Black Hock, waxaana laga dilay ilaa 18 askari, waxaana laga qabsaday duuliye Mareykan ahaa oo lagu magacaabi jiray Michael Duran, hase yeeshee Taageerayaasha General Caydiid ayaa dagaalkaasi kaga dhintay ilaa iyo kun qofood oo u badnaa dad rayid ah oo la xasuuqay.

Kartoonkii ugu yaabka badnaa ayaa xiligaasi waxaa soo bandhigay wargeyska Aaqiro Saaca ee k soo baxa dalka Masar, waxa uuna Kartoonku ahaa, Janaraalkii Mareykanka hogaaminayey oo dhejinaya tabeele oo leh, waxaana madaxa caydiid dul dhignay 25-kun oo Doolar, iyadoo dhinaca kale lag arkayey Janaraal Caydiid oo isna dhejinaya tabeele ay ku qoran tahay General Haw waxaan ku dul dhignay 100 kun oo Doolar.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

SomaliTalk.com | Oct 4, 2007


Dagaal ka dhacay xaruntii hore ee Guulwadayaasha
.Warar ku saabsan dabkii xalay ka dhacay suqa Bakaaraha..
.Somaliland oo diiday wada hadal ay Itoobiya soo jeedisey...
.Puntland oo beenisay in laga qabsaday Laascaanod…
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 3

xamarDadka ka soo barakacay Muqdisho ee ku jira xeryaha xaqootiga oo ay soo wajaheen dhibaatooyin aad u daran iyo injineer lagu diley xamar... iyo warar GoosGoos ah... Oct 3

Dagaallo badan oo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
Kulan uu yeeshay taliska Qaybta Hanqadh ee CWXO.

C/llaahi Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay doorashadiisii
.Itoobiya oo xulanaysa ciidamada kala qayb qaadanaya..
.Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn Yuusuf iyo Geedi..
.Weriye C/Xakiim C. Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad laga..
.Iska hor imaadyo dhex maray Somaliland iyo Puntland..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 2

baydhaboQoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkada sare oo loo Akhriyey Baarlamaanka DF
iyo Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka..
Akhri Oct 1


Midowga Ganacsatada G/Banaadir oo Axadii Bilaabay inay Lacag deeq ah u qaybiyaan Dadka waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada Muqdisho iyo barakaca.. Akhri Oct 1

Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo qaaday sucuudiga

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com