SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nin Xurnimo u dirirkiis Nin kaley Argagixisadiis tahay!
One man`s fighting for freedom is another man´s terrorist 

Yoonis Aadan (Cigalley ) 
       Gothenburg- Sweden     
      wardhiigley@hotmail.com

Mareykanka  47 sano ayuu la dagaalamaayey Shuuciyadii, dagaalkii qaboobaayna waa dhamaaday, soofiyeetkiina waa la furfuray,  darbigii baarliina meesha waa laga saarey, Mareykankana wuxuu noqday  quwada  ugu xooga badan aduunka ha ahaato mid siyaasadeed, militari, dhaqaalo, iyo dhaqan  “ political, military, economic and culture” , mana dhicin taariikhda aduunka in  hal gacan oo kaliya ay kulansato afartaas awoodood. 

Hadaba  maanta  waxaa loo soo jeestay   Islaamka  oo duulaan lagu yahay, USA cid kasto oo danaheeda ka hortimaado wexey ku darsaneysaa liiska argagixisada sida Bush uu yiri qofkaan anaga nala jirin wuu naga soo horjeedaa. 

Wadankeena marxalad xun ayuu marayaa oon Afrika aan  ka dhicin,  somaaliyoo dhan ayaa la inkiray waxaana  loo sameestay magaca  Argagixiso,  mar hadii lagaa xoog badan yahay magacyo badan ayaa laguu bixinaa  iyo eedo badan ayaa laguu sameeynaa. 

Maxaakkiimta  wexey  wax ka badaleen wadcigii jiray  wexeyna  fureen  garoonkii diyaaradaha iyo dekedii, wexey  soo celiyeen nabadii  wexeyna isku fureen wadooyinkii , shacabkuna wexey  u arkeen  maxaakiimta iney maslaxadooda ka shaqeynayaan saas ayeyna ku taageereen waayo wexey heleen nolol iyo nabad, aduunkana qof nabad keenay wax lagu abaal mariyo waa waxa ugu qiimo badan, nasiib darase waxaa  la yiri  argagixiso ayaad tihiin!!! 

Wadcigii la badalay wey u cuntami wayday  Mareykanka wuxuuna  sameeyay   kuwa la dhaho Contact Group, wuxuu  olo olo u galay in la qaado cunaqabateyntii hubka  kadibna  wuxuu noo soo adeegsady labo dowladood oon jiiraan nahay oo dal iyo dad naga heesto iyo dowlad kale oo ah Yugaandha oo masraxa ku jirto.

Sawirkaan kor ka muuqdo waa labo askari oo Biljiyam ah oo wiil soomaaliyeed  ku kor wareejinaayaan dab korkiis,  mar hadii ay ciidamadii ka socday wadamadii horumarey ay sidaan  sameynayaa, maxaad ka fileysaa  ciidamada tigreeyga oo taariikhiyan cadow noola ah

Dad dhulkoodii lagu soo duulay oo dadkoodii la leynaayo oo la barakicinaayo, guryahoodii la burburinaayo,  dhaqaalahoodana  la  dhacaayo  oo la gubaayo, intii qaxdayna  gargarkii la gaarsiin lahaay laga hor istaagey  ka dibna layiri waa argagixiso, shacbiga masaakiinta ah ee geedaha hoostooda jiifo oo canugii dhashabo  dhalanaayo isgoo qabo TB ama cuduro kale  sedex bilood ka dibna  uu dhimanaayo nafaqo daro iyo daawo la aan awgeed, in la yiraahdo argagixisaad tahay !! runtii waa dad laga gardaran yahay  gar Alley leedahayee,  waxaana meesha ka baxday Dimuqraadiyadii iyo Xuquuqul Insaankii ay wadamada reer Galbeedku   sheegi jireen. Ayagoo shuruud uga dhigo wadamada   ay mucaawinada siinaayaan. Maantana Itoobiya waxaa dhaqaalo badan lagu siiyaa  xasuuqa, burburinta dhaqaalaha iyo barakicinta  shacbiga soomaaliyeed.

 Dadka soomaaliyeed  waa dad cadowgoodii gacmaha loo qabtay sida  ka kadhacday Bosniya oo Boosniyaankii muslimka  ahaay loo gacmo qabtay Seerbiskii kirishtaanka ahaay oo lagu sameeyay xasuuq intii yareed ee ciidamadii UN ka  iney magan galiyaana  loo xilsaarayna    ayagana waa la xasuuqay oo  waliba  waa lagu fiirsadey !!!  

Aduunyada waxaan xasuusineynaa in  Itoobiya ay naga dhexeyso colaad soo jireen ah dhoor jeerna uu dagaal na dhex maray, waana fal cadowtooyo iyo mid argagixiso ah in la dhaho Itoobiya hubka haka dhigto Soomaaliya taasina waa wax aan dhici karin, waxeyna  la mid tahay iyadoo la yiri Waqooyiga  Kooreya hubka haka dhigto Koonfurta Kooreya ama Giriiga hubka haka dhigo Turtkiga!!. 

Aduunyada waxaan u sheegeynaa inaan nahay dad  xaqdaro ka dagaalaayo, dad dhulkoodii la heysto  oo bulsho ahaan loo burburiyey,  dhaqaalo ahaana loo burburiyey si  isticmaarka naloo hoosgaliyo,  mana nihin argagixiso balse qof xurnimo u dirirkiis waa qof kale argagixisadiis sida uu yiri  Mahad M. Gandi “ One man´s fighting for freedom is another man´s terrorist “  mana  yeeleyno oo waan ka dagaalameynaa mana laga yaabo inaan madaxeeno u foorarino “ we will never ever bow dhown our head “ kuwa dalkeena , dadkeena iyo diinteena duulaanka ku ah kana leh dano siyaasadeed , mid dhaqaale iyo mid milateri intaba, Inaan dalkeena difaacno waa sharci aduunkoo dhan u yaalo,  diintaa ku  amreyso garaadkeena iyo soomaalinimadeena ayaa na fareyso, Tikreey ama Wayaanaha ummada soomaaliyeed kama adkaan karto taariikhda dib u fiiriya “ Somalia never Kneel down “  

Soomaaliya nabad la lama rabo, dowlad la lama rabo waxa la rabaa waa danaha Tigreeyga ama Wayaanaha in la fuliyo, waa in shacbiga kiristaansha  ee laga tirada badan yahay uusan  xukunka gacantooda ka bixin, Itoobiya iyo Keynya hadafkoodu waa sidey u bedeli lahaayeen Calankaan Shanta Xidig leh si ay u dhamaato sheegashada Soomaali Galbeed iyo NFD, hadaba korkeena ayaa lagu hishiiyey  bohol ayaa naloo qoday xaabana korkaa laga saaray. 

Dowlad ku sheegaan cadow  ayaa soo dhistay, cadow ayaana maamulo , danaha cadowga ayeyna fulineysaa, xooga  ay garabsaneysana waa itoobiya, waa yaab dowlad iyo shacbigeedii lakala ilaalinaayo, dowlad laga ilaalinaayo shacbigeeda  iyo shacbi dowlad aysan rabin lagu qasbaayo iyo shacbiga Falastiin dowladii  ay soo doorteen ee Xamaas oo la diiday waa yaabka yaabkiis. 

 Waxba yuusan qalinku ila turun turooninee waxaan ku soo gunaanadaa mar hadii  dalkii uu  heesto gumeysi waa waajib in dalka laxureeyo, soomaaliyana soomaali baa leh, gumeystaha soo duulay iyo ninka geyigiisa difaacaayo, guushu wexey raacaysaa wadaniga xaq udirirka ah, Xaaqin iyo Dhul, Xaaqinka ayaa dhamaado. 

By:- Yoonis Aadan (Cigalley ) 

       Gothenburg- Sweden     

      wardhiigley@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk.com | Oct 9, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com