Ururka gargaar foundation oo markii ugu horeysay gargaar lacageed soo
gaarsiiyey dadka ka barakacay guryahoodii ee magaalada Muqdisho
Ururka gargaarfoundation waa urur ka dhisan dalka dibadiisa gaar ahaan dalka
ingiriiska wuxuuna ku dadaalayaa in uu ka qeyb qaato sidii loo yarayn lahaa
dhibaatooyinka heysta guud ahaan shacabka somaliyeed gaar ahaana muwaadiniinta
guryahooda ka barakacay ,
Ahmed abdi macalin seyga “Waxaan walaal u istaagnay inaan waxuun u qabano
dadkaas tabaaleysan ee daruufta ku qasabtay iney geed hoos fariistaan”.
waxaana soo kala diray dadka kala ah
1) Ahmed abdi macalin seyga( ururka gargaar foundation)
2) Ahmed maxamed siyaad
3) Xaliimo calasow ahmed
Gargaarkasto oo aan awoodno waa la garabtaaganay walaalaheena muslimiinta ah
ee dhiban ayey ku yiraahdeen xubnaha uruurka oo balanqaaday in ay sii wadi
doonaan gargaarka noocaan oo kale ah .
Iyada oo deeqdaan lacageed lagu soo hagaajiyey muuse maxamud jiisow si uu ugu
qeybiyo danyarta ku dhibaataysan geedaha hoostooda ayuu xilkaa dhabarka u ritay
ilaah mahadii wuuna ku guuleystay in uu gaarsiiyo dadkii loogu talagalay ee
bartilmaameedka u ahaa
Ururka gargaarfoundation sida uu saxaafada u sheegay mar uu la hadlayey
manta ,
Deeqdaan lacageed oo gaaraysa $800 ayaa laga qeybiyey deegaanada dayniile
qaxooti geedo hoostood ku barakacay oo aad u jilicsan ayna ka mid ahaayeen dad
isugu jira da.walbo rag iyo dumar guryahoodii isaga haajiray
Deeqdaan lacageed oo laga qeybiyey geedo quracyo ah hoostood oo ay isugu soo
baxeen qaxooti raxan raxan ah oo gaaraya 160 qoys iyada oo qeyskiiba la
siinayey lacag deeq ah oo gaaraysa 100.000 shilin Somali ah
Axmed cabdi macalin seyga” Ururka gargaarfoundation wuxuu u dulqaadan waayey
dhibatooyinka baaxada leh ee ku dhacay inta badan shacabka somaliyeed gaar ahaan
kuwa kuwa ku dhaqan goobaha colaado ka aloosan tahay qaasatan inta manta geedaha
hoostooda fadhida ee ka soo cararay dilka.qaraxyada ,dhaca iyo kufsiga maciida
biday in ay wheel ka dhigtaan dhaxanta iyo geedaha hostooda si ay nabad gelyo
ugu helaan naftooda,caruurtooda ,iyo hantidooda”
Hadaba Ururka gargaar foundation isaga oo ogsoon dhibka ku dhacay shacabka
dulman ee somaliyeed isla markaana aan shaki kaga jirin in ay dolman yihiin
dhamaantood ayaa Ururka gargaar foundation wuxuu aad uga xun yahay dhibka heysta
umadda somaliyeed gaar ahaan kuwa aan heli Karin nolol maameedkooda ,
Ururka gargaar foundation wuxuu ku tala galay in uu caawiyo inta tabartiisa
ah dadka barakacay si shacabka somaoliyeed dhibaatada heysata loo yareeyo
wuxuuna ugu baaqayaa guud ahaan bulashada caalamka gaar ahaan shacabka
somaliyeed in ay garab istaagaan walaalahooda gudaha dalka ku barakacay
Guud ahaan dadkii nasiibka u yeeshay in la garsiiyo ayaa ka mahad celiyey
sida ay u soo xasuusteen walaalahooda reer ingiriis waxeyna ugu duceeyeen in
halkii ay ka soo qaadeen bedel ka qeyrbadan ilaahey ugu bedelo
SomaliTalk.com | Oct 10, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..
|