SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sadax sanno kadib doorashadii madax waynaha DFKMG ah Maxaa Soomaaliya ku soo siyaadisay .?
 
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2007


Asalaamucalaykum waraxmatullaahi tacaala wa barakaatuh.

Waxaa mahad leh EEBE  waynaha noo suurta galiyay in aan qorno qormadaan, Naxariis iyo nabad galyana ha ahaato dusha Nabbi Maxammed SCW..

Waxay ahayd maalinimo Axda ah, taariikhduna ku beegnayd 10 October 2004 goortii la doortay madax waynaha DFKMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed ka dib markii la soo afmeeray madashii ugu mudada dheereed ee dalakan Kenya lagu qabtay.

Sadex sano ayaa ka soo wareegtay maalintaasi oo ay dad badan ku farxeen in 14 sano ka dib Soomaaliya, madax wayne loo wada dhan yahay la doorto,balse farxadaasi ma noqon mid sii waarta oo waxaaba dhacday In meeshii wax la qaban lahaa oo shacabka ka daalay dirirka dulmiga iyo doqqnimada ku dhisan la joojin lahaa ayaa dowladii soomaaliyeed dhexdeed khilaaf uu dhex abuurmay meeshii ay khilaafka soomaaliya soo gaba gabeen lahayeen.

17 March 2005 ayaa waxaa bilowday khilaafkii ugu horeeyay dowladii KMG ahayd iyadoo aanan meelna gaarin oo ay 6 bilood oo kaliya jirsatay waxaa maalintaasi khilaafku salka ku hayay xaalada maanta uu dalka ku jiro sidoo loo soo da dajin lahaa iyadoo kuwa diidan iyo kuwa ogolaba ay dano lahayeen kuwa diidan waxay ahayeen qab qablayaashii qarandiidka ahaa ee ka qawlaysan jiray shacabka Soomaaliyeed oo diidanaa in cid kale ay la wadaagto isbaarooyinkooda maadama ay ogaayen in Ethiopianku reero gaajo yihiin aanan lahayna bad iyo biri beereed keena la mid ah,kuwii ogolanaa waxay ahayeen kuwa doonayay in ay noqdaan qab qablayaal cusub oo saaxada siyaasada Soomaaliya ku soo biira iyagoo garab ka helaya maamulka Melez ee u malabsan jiray in uu mar Mogadishu  ragaasi ayaa waxaa ka mid ahaa raga madaxda ugu sareeyo oo aan awood la mid ah tan qab galaasha oo kale ku lahayen moqdishu ayaa miciin biday Ethiopianka dartiis in ay isku garaacan oo ay xaalada dalku ku jiro maanta ay sabab u noqdaan.

Hadii aysan jiri lahayn qab qablayaal qaran diid ah iyo qowlaystayaal danaystayaal ah iyo wadaado deg deg badan nama qabsateen waxa na haysta laakiin qadarta eebe ayaa qorayd qarniyaal iyo qarniyaal ka hor.

Dadka Soomaaliyeed waxaa aysan wali ilaawsanayn khudbadii ugu horaysay ee uu jeediyo madax waynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf shirkii markii uu xilka  uu qabtay isagoo ku sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isugu jiraan qeyb maalinkii shaqeysa iyo qeyb habeenkii shaqeysa balse isaga uu la wada shaqeyn doono taas oo micneeheedu ku cad yahay rabsho iyo qalaalso sii wadid waxaana uu sheegay oo kale in uu yahay ninkii ugu horeeyay ee dhibka ka taagan soomaaliya isaga ugu horeeyay.

Maxay qabatay Dowladu sadexdaa Sano ay dhisnayd ?

Waa su’aal is waydiin u baahan laakiin jawaabteeda waxaa garan kara oo kaliya qofkii calaamadaha wadanimada isku arkay oo kaliya.

Waxaa ay dadka wadaniniyinta ah aamin san yihiin in ay dowladaan ku meelgaarka ah  ah tahay mark koowaad meel ma gaar dib u socod dhib iyo qaxar umada soomaaliyeed ku soo siyaadisay.

 
  • khilaaf dhexdeeda ah oo ay mar kasta ka bixi wayday

  • Lunshasada dhaqaalaha umada Soomaaliyeed

  • U horseedida shacabka burbur iyo barakicin hor leh

  • Masuuliyad iska saar la’aan dadka dhibaataysan

Kuwaas iyo kuwa kale ayaa ay qabnaan dadka wadaniyiinta rasmiga ah.

Hadii aan mid mid u sharaxno:-

1-aad khilaaka u dhaxeeya dowlada Soomaaliya dhexdeeda ayaa dhamaan waayay marba mar marka ka danbaysa cirka isku shareeraya waxaana ugu danbaysay tan iminka taagan ee u dhaxaysa labada masuul ee ugu saraysa Dowlada meel ma gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed geedi maahana markii ugu horaysay oo khilaaf caynkaan ah uu soo kala dhex galo balse waxaa lagu sheeki karaa in uu yahay kii afaraad ama shanaad mudu sadexsano gudeheed ah,waxaana uu salka ku haya wax qabad la’aanta dhexdooda  iyadoo iminka ay ku baratayamaan baarlamaanka dhexdiisa taas oo ay ka dhalan karto khilaafka dhexdooda ah hadii baarlamaanka la dhex geeyo in micneheedu yahay in la sii wado khilaafka iyadoo baydhabo laga dareemayo ifafaalo hor leh oo khilaafeed taas oo markaan keeni karta bur burka dowlada hadii uu sii socodu.

2-aad Lunshasada dhaqaalaha umada Soomaaliyeed taas oo ay iska cadahay iyadoo dhamaan dhaqaalaha laga soo helo wadamada deeqaha bixiya ay gacanta u gasho dad aan wadaniyiin ahayn oo jeebkooda oo kaliya buuxdhaafiya inta ka soo harta ku faytaama sida aad ku arki kartaan warbixitaan (Guji )Arooska wiil uu dhalay Geedi oo ay ku baxday dhaqaale dhan $1,900,000 (Hal milyan iyo Sagaal  boqol oo kun oo Dollar),


C/Qadir Suufi (Muriidi Golf) ookor u qaaday gacanta C/lahi Yuusuf markii lagu dhawaaqay doorshada madaxweynaha...
[Sawirka AP]SomaliTalk Nairobi,Axad 10,Oct 2004


C/laahi Yusuf oo xildhibaanada la hadlayeye markii la doortay Axad 10/10/2004 [Sawirka AFP]SomaliTalk,Nairobi

 
Dumar Soomaaliyeed oo farasan maalintaasi oo ku haminayay in dowlad u dhalatay balse maanta qaarkood ay farxadaasi ka shalaayayaan.Axad 10/10/2004 [SomaliTalk,Nairobi]

3-aad  horseedida shacabka burbur iyo barakicin hor leh taas oo ay iska kaashanayaan cadowgii soo jiraynka ahaa ee Umada Soomaaliyeed ee Tigreega hadii aan si kale u dhahnana Ethiopian-ka iyagoo gacan ka helaya rag dhiigii Soomaalinimo meel soo dhigtay oo ay dhaansadaan Tigreegu waxay bur buriyeen xorinimadii soomaaliyeed ee ay SYL u keentay rabi ka sokow iyo dhalinyaradii wadaniyiinta ahayd waxay ku tunteen magacii Soomaaliyeed waxay bara kiciyeen dumar iyo caruur iyo waayeel aan waxba galabsan iyagoo.

Tan ugu danbayso ee :- 4aad Masuuliyad iska saar la’aan dadka dhibaataysan, waxay masuuliyad iska saari kari waayen sidii umadaasi loo bad baadin lahaa iyagoo qaar ka mid ah masuuliyiinta Dowlada laga hayo dadka ku bara kacay dagaalada xamar in ay dalxiis ku jiraan taas oo meel fug danqinayso cid kasta oo leh wadaniyad Soomaaliyeed kana hufan qabyaalad iyo qurunkeeda maadaama uu yiri Rasuulku SWC ‘’ isaga taga [yanii qabyaalada] waa wax uraysa ama qormoon.

Isku soo wada doob DFKMG ah ee Soomaaliya Soomaaliya waxay u horseeday dib u socodnimo iyo bur bur horle ka dib markii ay ka soo kaban lahayd 14 sano dagaal balse waxaas oo idil waxaa ugu daran in dalkeedii ay gacanta u galisay cadowgeedii .

Maxaa la gudboon Soomaali ?

Waxaa la godboon In ay soomaalidku iyada isku tashado oo ay ka tanaazusho u adeegista dadyowga kale waxaa loo adeegayaa hada Addis Ababa maahan in aan ku sii darnaa Asmara,maahan in aan noqono doqontii oowada qaadi kari wayday oo tiri ‘’ oodaan waa culustahay ee mid kale korka ha la iiga saaro si aan u qaado’’ Eteria in ay sii murigso xaaladeena maahee xeelad noo keeni mayso.

Teeda kale raga wadaada ah ee deg dega badan ee la oran karo mushkilada  Soomaaliya maanta ka taagan ka dib lixdoodii bilood waa in ay ka fiirsadaan dhibka sidii loo xeeladayn lahaa maahan in dhibka dhib kale umada loogu daro,kii maanta la socoda cadowga macniheedu maahan in qofkasi oo sidaa diinta uga baxay oo dhiigiisu banana yahay balse waa qof kuugu dhex jira oo maalin ka mid ah maalmaha ayaa uu oo dantiisa ka waayayaa,marka waan is naqaanaa soomaali waad dad ku dhisan dan intooda badan ee yaan la layn ,daadinta dhiiga musliinta bil soon iyo bi kalena waa inaad ogaataan in uu yahay mid xaaran ah waxaa kale loo baahan yahay inaad takfiirinta iyo kala fiijinta dadka aad ogaataan in ay dan ugu jirto cadowgeena oo kaliya maadaama uu yiri Rasuulka SWC ‘’ wada jirka waxaa ku jira raxmada kala tagistana waa weeye cadaab’’ ama sida oo xadiithku ahaa micnihiiso.

Dad muwaadiniin rasmi ah oo u dan qada shacabka maskiinka ah rabi ha u sahlo Soomaali hana ka xorowdu Soomaaliya ma naxayaasha labada dhinac ee dhibka ku haya umada daalan.

Dhamaad

Cidna uma maqna ceela uma qodna,ciila uma yara .

SomaliTalk.com | Oct 10, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com