Dhalashada fikrad qawmiyad shacab iyo toleed oo
cusub(traditional nationalism):
Haddaba si loo helo xal iyo dawo dhab ah oo looga baxo
ismarin waaga iyo isdiidka collaadda jaan ee u dhaxaysa qolooyinka iyo
kooxaha dhinacyada kaladuwan ee iska horjeeda iyo, jiilasha iyo bulshooyinka
kala gaddisan ee tii hore ee dhaqameed iyo toleed iyo tan danbe ee casriyeed
ee magaalo iyo dawladeed, ayaa loo baahan yahay si taas xal iyo dawo loogu
helo in marka hore laga jawaabo cabsida iyo shakiga dawga ah iyo daniga iyo
tuhunka weyn ee la qabo la isna weydiinayo ee ah,in ujeedada iyo hadafka ka
danbeeya ee ku hoos jira in mar kasta tooshka lagu shido lana buunbuuniyo oo
la weyneeyo mas’alada iyo arrinta qawmiyeed iyo qaran iyo dawladeed,inkastoo
ay ahmiyaddeeda iyo muhiimadeeda ay leedahay ayay haddana ujeedada ka
danbaysaa ee dhabta ahi ay tahay in indhaha laga weeciyo lana daboolo oo la
qiimo tiro lana yaraysto oo la macnotiro arrinta iyo mas’alada
dimuquraadiyadeed iyo muhiimadda weyn ee ay leedahay,iyadoo ay ka danbayso
taas in laga warwareego lagana dhuunto oo indhaha laga qarsado la isna
dhaafiyo mashaariicda iyo halganka dib u habaynta iyo dibu heshiisiinta
siyaasadeed ee dhaqameed iyo toleed ee shacab iyo bulsho ee maxaliga ah,
arrintana laga weeciyo oo loo jiheeyo muhiimaddana la siiyo arrimo kale oo
aan macne iyo qiimo badan lahayn oo aan wax ku ool ahayn waxna
tarayn,islamrkaana aan shaqo ku lahyan waxna ka tarayn dadaalada iyo
hawgalada halganka isbaddalada maamulada dimuquraadiyadeed ee shacab iyo
dhaqameed ee bulsho ee maxaliga ah ee toleed ee iyadu ah, aqlabiyadda
mujtamaca soomaaliyeed iyo qaacidada ballaaran ee bulsho iyo ummadeed,balse
waxa la wado ee socdaa muhiimadda iyo ahmiyadda la siinayaa ay tahay, mid u
adeegaysa ayna ku danaysanayaan oo kaliya kooxaha iyo qolooyinka xukunka iyo
awood raadiska ah ee kuraasta iyo madaxnimada nacfiga ku haysta, kuna nool
xukunka mashruuca qawmiyeed ee kooxeed iyo urureed ee uu dhinaca kaliya iyo
jiilka cusub ee magaalo uu wato kuna aqdaamanayo,islamarkaana ah kuwo
difaacaya oo dantoodu ku jirto mashruuca qawmiyeed ee hannaanka moodada
kooxeed iyo urureed ku salaysan ee hadda jira ee la caadaystay, lagana
qabatin bartay moodada iyo tusaalaha kaliya ee qawminimada iyo casriyaynta
qaabka kooxeed iyo urureed ku salaysan.
Abuuridda nidaam waddaniya(land) oo dimuquraaddi ah oo
shacab iyo toleed(grass root) oo maxalli ah
Haddaba dadka iyo dalka soomaaliyeed oo kale ee ay mashruuca
qawmiyeed iyo nidaamka casriayayn ee dawladeed ay ku cusub tahay oo aan
horay u aqoon gumaystuhuna uu si kadis ah iyo lama filaan uu ugu keenay,ayaa
marka u horraysa waxaa loo baahan yahay awal iyo aakhir ugu horrayn kow in
la sugo nidaamka dimuquraadiyadeed,iyadoo aysan ujeedadu ahayn in nidaamka
dimuquraadiyadeed uu xal iyo dawaba u yahay oo kaliya dhibaatada iyo
mushkiladda na rafaadisay ee na silcisay nana baabi’isay ee ah,dibudhaca iyo
habsanka iyo fadhiidnimada iyo dhagaxoobidda nagu habsaday ee na
haysata,balse waxay muhiimadda iyo waxtarka nidaamka dimuquraadiyadeed uu
yahay,in dawladnimada qawmiyeed iyo nidaamka qaran uusan ahayn mid hirgalaya
oo wax ka soconayaan ama tallabo rogaya oo lugihiisa isku taagi kara, haddii
uusan noqon mid lagu hirgaliyo loona maro dawga iyo dariiqa jid raalli
ahaansho iyo ogolaansho iyo muwaafaqo iyo ku kala baxa iyo ku garnaqsiga
nidaamka dimuquraadiyadeed, loona qaato oo laga dhigto asaas iyo qaacido
aaliyad lagu kala baxo oo la raaco laguna garnaqsado oo lagu dhaqmo dawna
ah. Waxaana xusid mudan in mashruuca qawmiyeed iyo fikirka casriyayn iyo
dawladeed uusan nuurka iyo iftiinka arkayn marna dhalin Karin,haddii uusan
noqon oo yeelan asaas iyo saldhig afgarad iyo iswaafaqid ku salaysan caqdi
ijtimaaci ah(social contract)oo dhammaan raalli lagu yahay ayna isku
waafaqsan yihiin labada dhinac ee kan dhaqameed iyo casriyeed oo ay heshiis
ku yihiin. Waxaana mashruuca qawmiyeed iyo fikirka dawladeed ee casriyayn ay
noqonayaan kuna sifoobayaan kuwo nasaqan oo wax duminaya waxna burburinaya
oo aan wax dhisayn, marka dusha dadka looga keeno oo kor looga soo rogo ama
xal hal dhinac ah dadka lagu dirqiyo laguna qasbo oo sangalis iyo
ismagacaabid dadka lagu socosdiiyo laguna ogolaysiiyo idan iyo doorasho
la’aan,iyadoo aan la ixtiraamin lana qaddarin khiyaarka iyo doonista xorta
ah ee dimuquraadiyadeed ee shacabka iyo bulshjada dhaqameed ee maxaliga ah
ee toleed. Waxaana si taas looga hortago loona waajaho oo looga gudbo loo
baahan yahay ayna lagama maarmaan tahay, in dhammaan dhinacyada oo idil ay
qaadaaan lana yimaadaan oo la dhiirigaliyo laguna booriyo ummadda oo idil in
la taageero la isna garabtaago oo loo hiiliyo loona wada guntado, in la helo
lana sameeyo oo la abuuro xiriir fiyow oo badqaba oo dheelitiran oo wax ku
ool ah oo muuqda isna kaabaya oo isku sidkan loo helo, fikradda qawmiyeed
iyo masheruuceeda casriyayn ee dawladeed iyo nidaamka dimuquraadiyadeed
iyadoo laga bilaabayo si xiriirka noocaas ah loo hubiyo loona dhaqan galiyo
in kor loo dhigo lana taago oo la mudo calanka dimuquraadiyadeed uuna noqdo
nidaamkeedu, habnololeedka dhaqameed oo lagu dhaqmo lana caadaysto, ayna
waajib tahay in la xoojiyo lana adkeeyo oo la horumariyo si dhab ah oo
muuqata oo joogto ah,iyadoo dhinaca kalena la raacayo lana cabbirayo oo la
muujiyo in la canbaareeyo lana dhaliilo oo laga waantoobo lagana haro oo la
jaro, dhaxalka fikirka qawmiyeed ee ku dhisnaa falalka iyo hawlgalada
ismagacaabidda iyo maquuniska iyo cadaadiska awoodeed iyo kooxeed salka ku
hayay, ee lagula macaamilayay dhaqdhaqaaqyada iyo kooxaha siyaasadeed ee ku
xiriirsan kana tarjumaya oo matala hiddaha dhaqanka taariikheed ee soo
jireenka ah ee mujtamaca soomaaliyeed ee nidaamka bulsho-toleed ee dhaqameed
ku salaysan. Iyadoo ay tahay oo ay lagama maarmaan tahay in laga takhaluso
lagana xoreeyo mujtamaca xagjirnimada colaadda iyo loolanka asalraacnimo ee
qabaliyeed iyo, sidoo kale iyana laga xoreeyo mujtamaca kalitalisnimada iyo
amarku taaglaynta qawmiyeed iyo mashruuca casriyayn iyo dawladeed ee kooxeed
iyo urureed ee kacaameed,iyadoo aytahay in si isku mid ah oo siman labadaas
nidaamba ee xagjirnimada iyo asalraacidda ku salaysan mujtamaca laga xoreeyo
lagana takhaluso oo la dhameeyo.
Haddaba sida la ogyahay ee laga warqabo waxaa barrigii hore
arrintu ahayd in kas iyo kasdarraba la dayacay oo la iska tuuray lana
fogeeyay oo la baylihiyay xisaabtana aan laguba darin
dimuquraadiyadda,iyadoo dawrkii iyo muhiimaddii weyneyd ee ay lahayd aan la
siin marka la yiraahdo xal u helidda iyo daweynta boogaha iyo xanuunada
badan ee na dilooday, haddii ay noqoto jirrooyinka iyo cudurada ismuuqunin
iyo isku xoogsheegasho iyo iscadaadin iyo haddii ay noqoto fadhiidnimada iyo
dhagaxoobidda na ragaadiyay iyo, haddii ay noqoto fasaadka iyo qaska
jira,iyadoo wax soo saarka dhaqan iyo halganka iyo hawlaha dadaalada
siyaasadeed loo jiheeyay lana beegsaday oo diiradda la saaray si weyn oo aan
leexasho lahayn,xoogggana la saaray laguna tuuntuunsaday laba arrimmood, tan
hore oo ah:
A )arrinta qawmiyeed iyo dawladeed gaar ahaan waliba
qaddiyadda soomaaliweyn(pan-somalism) iyo dhisidda midnimo soomaaliyeed
iyadoo tan kalena B)la abbaaray oo fooddda la saaray halkudhagna laga
dhigtay, dhinaca sinaanta bulsho iyo u hanqal taagga higsashada mujtamac
caddaalad iyo sinaan ku dhisan, lana tirtiro oo la baabi’iyo ka
faa’iidaysashada iyo dulmiga iyo qaraabakiilka iyo qabyaaladda,iyadoo
halkudhagyada iyo baaqyadii noocaas ah ee quruxda badan ay ku danbeeyeen
aakhirkii natiijadeediina ay noqotay oo ay dhaleen, xaaladda maanta aan ku
suganahay oo ay cidwlba ka naxayso kana yaxyaxayso oo damqaya, foolxumada
iyo wajigabaxana nagu ah,iyadoo nasiibdarro ay wali jiraan qolooyin iyo
kooxo wali hawo ka qaba oo u jidbaysan oo galangal iyo halgan weyn ugu jira
una qiiraysan oo jeedaalinaya abuuridda iyo dhisidda abuur iyo dhismo dibu
heshiisiin cusub oo ku wajahan salkana ku haya oo la rabo in nidaamka
dimuquraadiyadeed dib loo dhigo mar kale gadaal la mariyo dhinacna la iska
dhigo,iyadoo kooxa iyo qolooyinka noocaan ahi ay uga dhaggan tahay una
arkaan oo ugu muuqato, in mashruuca qawmiyeed iyo dawladeed iyo midnimada
qaran ay iyadu tahay xalka mucjisada ah oo mujtamaca oo dhan iyo
mashaakilkiisa oo idil ay dawo iyo xal mucjisa ah u tahay,iyagoo taas
awgeedna u heellan una jidbaysan in qiyaarka iyo nusqadda qawmiyeed ee
hannaanka kooxeed iyo urureed ee kacaameed ku salaysan uu ummadda oo idil ku
soo rogo dushana uga keeno oo ku dhabiibo.
Haddaba u hanqal taagidda iyo rajo ka qabidda si weyn rajada
looga qabo loona quudareeyo oo la isugu xiro, mashruuca qawmiyeed iyo
nidaamka casriyayn ee dawladeed ee noocaas ah,iyadoo aan marka hore xoogga
la saarin lagana jiba keenin oo aan la soo bandhigin lana xaqiijin, in dib u
habaynta iyo dib u dhiska siyaasadeed ee dimuquraadiyadeed iyo isbaddalada
siyaasadeed ee dimuquraadiyadeed ee bulsho iyo toleed ee maxaliga ah ee
dhaqameed, ahmiyaddana aan arrintan danbe aan la siin ama la yaraysto oo la
baqso lana fududaysto, oo aan loo arag loona qaadan oo uusan noqon asaaska
iyo dhagaxdhigga koowaad marka la yiraahdo dib u istagidda iyo dib u
joojinta iyo dib u joogsiga mujtamaca iyo ummadda,waxaana haddii aan sidaas
la samayn arrintu noqonaysaa, sida iyadoo gaari-faraska laga hormariyo oo la
hordhigo faraska,iyadoo aan wax rajo ah laga qabin oo aysan marna suurtagala
ahayn in fikradda qawmiyeed iyo dawladeed ay hirgasho ama ay ka hanaqaaddo
oo ay ka taabbagasho jawi uu ka taliyo ayna dabooshay oo dalaalimaysay
xaalad kalatalisnimo iyo amarku taaglayn iyo caburin iyo cadaadis ayna maqan
tahay oo aysan muuqan islamarkaana jirin xorriyad fikriyeed(intellectual
freedom)iyo kaladuwanaansho dhaqan,bulsho,siyaasadeed iyo toleed ayna
xukunto oo ay ku baahsan tahay laguna ibtileeyay oo loogu dawgalay shuruudo
iyo caqabado gaarsiisan ilaa xad qolooyinka iyo kooxaha siyaasadeed ee
qawmiyeed aysan doonayn islamarkaana rabin oo aysan diyaarba u ahayn lana
marin Karin in ay la noolaadaan oo ay isfahmaan meelna ku kulmaan oo ay
muwaafaqo yeeshaan dhinaca kale ee dhaqameed iyo toleed ee bulsho ee
maxaliga ah ayna dhagaystaan oo ay u dhagraariciyaan hindisahooda iyo hal
abuurka ijtihaadkiisa,balse ay kooxahan iyo qolooyinka qawmiyeed ay uga
dheggan tahay ayna u caddahay oo ay hubaal ka dhigteen in ka takhalusidda
iyo raacdaynta iyo cayrinta dhinaca kale ee dhaqameed iyo toleed ee bulsho
iyo rujintiisa iyo xidid u siibiddiisu ay tahay waajib muqaddas ah oo qaran
iyo qawmiyeed,ayna danbi iyo meel ka dhac qaran ay tahay in dib loo dhigo
ama la hakiyo oo aan dhaqso looga takhalusin loona dhidibtirin oo aan la
isku raacin.
mahad herse
london uk
htrmah@aol.com