SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARQAD FURAN

Ku: Madaweynaha Dowladda Federalka ee ku meel gaarka

Og: Madaweynaha Dowladda Goboleedka Puntland

Og: Maxkamadda Sare Ee Dowladda Goboleedka Puntland

Og: Dhamaan Isimadda Dowladda Goboleedka Puntland              Tar: 16/10/07 

Anigo ku haddlaya Magaca Dhamaan  Abahay iyo Dhamaan Reer Cassaro, waxaa si xaqdaro ah naloo ku dhacay dhul ay hanti badan naga gashay, Dhulkaas oo ah dhul Garaaya 13km oo dherar ah iyo 2Km oo Balaca, Dhulkaas oo laga dhisay Airporka Bosaaso,Kuma aanu Dacwonayno Dhulka Airporka ee lo yaqaan Areef, Balse waxaa dhulkayaga Gudaha loo galay Qiyaastii 7Km,  Markii aanu u Dacwoonay Madaxada sare ee Puntland waxay nogu jawaabeen Meeshii ay na tixgelin lahayeen Dawladdii Hore ee Abdullahi yusuf ayaa dhacaday iyadoo aan taasi sura gal, ahayn uuna Abdullahi yusuf igu yiri Dhulka cassaro lama dhici karo mar aan u tegay isago markaa ahaa Gudoomiya xaladda deg dega ah ee degaanada Puntland . 

Waxaa wax lala yaabo ah in Dad qaxooti ka ah Puntland u dhashay lakiin aan degaan ku lahayn in ay dhac boob ah u geystaan dad degaanka ay hanti iyo waqti badan ka galay waxna u qabtay Dhac loo geysto Bareer ah, iyado wax cawil celin ah iyo tix gelin aan lasiin. 

Waxay noqonaysaa in dadka dhibtaa  geystay ee ay kamid yihiin dadka madaxdda ka ah puntland ay aano naga galaan, haddii aan arintaa wax laga qaban, waxay hor istaagaysaa Horumarka iyo Nabadgelyadda Puntland, waxaa ku daadan doonah dhiig aanu u raadsano raga falkaa ku kacay iyo waxaa ay dhaleen ee boobka ku haya Dhaqaalaha Puntland iyo dadka  Puntland  iyado dad khalkhal ku abuura puntland lasiiyo lacag, qofkii xishoodana xaqiisa la duudsiyo . 

Waxaan caqliga geli Karin oo damiir xumo ah dadka puntland Dawanayaan rag EN3 dushiis iyo kalaay shaqadaan qabo, oo qaxoti ku ah dhulka puntland inta jagooyin loo dhiibo ay dhaqaalihii ummadda qasriyo ka dhistaan gudaha puntland iyo wadammada dibadda, 

Waxaanu marka u hporaysa ka codsanaynaa in Madaxweynaha Dowlladda Federalka ah  uu arintaa dusha laga saaray wax ka qabto ,jawaabna naga siiyo.

Marlabaad waxaan u sheegaynaa madaxdda Puntland in aan ninah nin Dhici Karin, Dowladdina dadka dhicin ee xeer iyo nadaab qofka wax looga qaado isagoo la duudsiyin, arintaana deg,deg wax uga qabtaan intaysan cawaaqib xumo aysan keenin. 

Waxaanu ka codsanaynaa haddii sharciga iyo nidaamka ilaalinayaan maxkamaddaha ka jiraa Puntland in ay joojiyaan arintaa waxna ka qabtaan. 

Dadka dhulkaa qandaraaska lagu siiyey waxaanu u sheegaynaa in ay la mid yihiin kuwa dhulkayagga dhacay, waxaan ka codsanynaa in ay faraha kala baxaan, raaligelinah ka bixiyaan anagoo naqaan  shaqsiyan iyo meesha ay ka soo jeedaan.

Waxaan ka codsanyanaa Issimadda Puntland ee xaqa iyo wada noolashaha Puntland jecel in ay arintaa wax ka qabtaan, anagoo ku kalsoon waxay ku taliyaan oo wanaaga, haddii aan arintaa wax laga qaban waxaan xaladayadda la socodsiin doonaa dhamaan waddamadda ay khusayso arintaani ee  dhaqaale ku bixiyey in airporku hirgalo iyo dhamaan ciddii danaynaysa puntland in ay maal gashadaan iyo dhamaan shirkadaha dulimaadka in ay ku degayaan in dhul shacab leeyahay uu yahay oo wixii kasoo gaara ay ayagu ka musuul yihiin. 

Waxaan dadweynaha Puntland  u sheegaynaa in marnaba aanu ka soo horjeedin Horumarka Puntland balse dhac bareer ah naloo geystay xaqyagana ay Daw tahay si alla iyo sidii aanu ku raadsan karno, dhulkaas oo Dowladdi noo cabirtay ayna naga qaatatay lacag aad u fara badan oo aanu ugu talagalay Dhul beereed Timireed, ooh hanti badan ay naga gashay,  anago dhulkaa ka qodnay 8 Ceel oo Biyood ku aabuurnay  abuur Timireed oo gaaraya 7000 oo Geed, taas oo ay waxyeelo u geysteen Babaysha diyaaraddaha iyo dhulka oo u baahday ciid nafaqaysan. 

Qoraaladaan waxaa xigi doona kuwa Ku tarjuman Af carabi iyo English oo aanu u qaybin doona haydaha xuquuqda u dooda, Unka, iyo Dowladdaha Puntland Daneeya, sida U.A.E  Dubai, Shariqa iyo Raasa-khaima, Canada, U.S.A UK, iyo Jaraa,idyadda caalamka, taas oo loo arki doono Aduunka Madax horror ah, anagoo hayna  cadaymo cad cad. 

Waaxaan sugnaaba waa jawaab waafi ah 

Amaan Badan. 

Dr. Mohamed Abdullahi Omar (Cassaro)
mohassaro@hotmail.co.uk

Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com