SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

Beesha Reer Xaaji Suleymaan oo duubatay Imaam 

Waxaa Hotel Muqdisho Ex-Daamey lagu qabtay xaflad aad u balaaran oo lagu caleema saarayey Imaamka Beesha Reer Xaaji Suleymaan, waxaana ka soo qaybgalay Odoyaal iyo waxgarad ka tirsa Afarta Habargidir iyo Adeerkood, waxaana ugu horeyntii halkaasi lagu soo bandhigay taariikhdii iyo wax qabadkii imaamka reer Xaaji Suleymaan.

Beelaha Habargidir odoyaashooda ayaa halkaasi waxay ka muujiyeen taageero ay u hayaan imaamka cusub ee ay duubatay beesha Reer Xaaji Suleymaan Imaam Cumar Macallin Abshir, waxayna sheegeen in dhamaantood in ay la shaqeyn doonaan imaamka.

Xasan Cilmi Yaxye oo u hadlayey Odoyaasha Beesha Cayr ayaa waxa uu sheegay in beeshu ku faraxsan tahay in reer Xaaji Suleymaan yeeshaan Imaam, waxa uuna sheegay in beesha  Habargidir leedahay Imaam, loona baahan yahay in ay si wadajir u shaqeyaan imaamka beesha reer Xaaji Suleymaan, taas oo keeni karta midnimada Beesha Habargidir.

Xasan Cilmi Yaxye waxa uu u mahadceliyey intii ka soo shaqeysay in beesha reer Xaaji Suleymaan ay duubato Imaam, isagoo sheegay in imaamka looga baahan yahay in uu la yimaado karti iyo hufnaan.

C/Nuur Qayd Afwaax oo ku hadlayey magaca Beesha Sacad ayaa isna waxa uu sheegay in Beesha Reer Xaaji Suleymaan ay maanta duubato imam, waxa uuna sheegay in beesha Sacad ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso imaamka cusub ee Reer Xaaji Suleymaan.

“Wax badan baa la yiri beesha Sacad wax uma ogola beesha Reer Xaaji Suelymaan, maanta waxaan idiin caddeyneynaa in beesha Sacad ay Reer Xaaji Suleymaan u ogoshahay wax walba” ayuu yiri C/nuur Qayd oo u soo jeediyey beelaha Habargidir in ay si wadajir ah ula shaqeeyaan imaamka beesha reer Xaaji Suleymaan.

C/llaahi Caarad oo isna ku hadlayey magaca beesha Maxamuud Hiraab (Duduble) ayaa isna waxa uu sheegay in Beesha Maxamuud Hiraab ay si weyn ugu faraxsan tahay in ay maanta aragto imaam ay duubaneyso beesha Reer Xaaji Suleymaan, waxa uuna u soo jeediyey beelaha Hawiye in ay wixii talo ah ku darsadaan imaamkaasi, waxaa kale oo uu sheegay C/llaahi Caarad in imaamka looga baahan yahay in uu maanta Beesha Habargidir ka saaro wixii dhibaato ah ee haysta, waxaa kale oo uu sheegay in beesha Habargidir looga baahan yahay isku duubnaan iyo midnimo guud, taas oo uu sheegay in looga bixi karo dhibaatada maanta haysata beesha Habargidir.

Cali Faatax oo isna ku hadlayey magaca beesha Saruur ayaa waxa uu markii ugu horeysay ku mahadceliyey intii isku soo dubariday duubista imaam Cumar, waxa uuna sheegay in beesha ay maanta ay u duuban yihiin Ugaas, Suldaan iyo Imaam, isla markaana loo baahan yahay in saddexdooda ay dhex marto wada shaqeyn taas oo keeni karta midnimada beesha Reer Xaaji Suleymaan, iyo waliba midnimada beesha Habargidir, waxaa kale oo uu sheegay Cali Faatax in beesha Reer Xaaji Suleymaan looga baahan yahay in ay la shaqeyaan imaamka cusub, ha noqoto xag dhaqaale, iyo mid gacanba.

Imaam Cumar Macallin Abshir oo isna ka hadalay gebagabadii caleema saarkiisa, ayaa waxa uu sheegay in uu dadaal u gali doono sidii uu isugu keeni lahaa beesha Reer Xaaji Suleymaan iyo waliba beesha Habargidir, waxaa kale oo uu sheegay in wixii uga aadan horumarka beesha Reer Xaaji Suleymaan uu gacan weyn ka gaysan doono.

Imaam Cumar oo ay ka muuqatay farxad iyo raynreyn ayaa u mahadceliyey intii gacanta ka siisay caleema saarkiisa, waxa uuna illaah uga baryay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in uu dhibaatada ka dul qaado.

Axmed Diiriye Cali oo ah afhayeenka beelaha Hawiye ayaa isna xafladda caleema saarka uga qaybgalay qadka taleefanka, waxa uuna halkaasi ka dhiibtay taageeradiisa ku aadan caleema saarka Imaam Cumar Macallin Abshir, waxa uuna u rajeeyey in uu  Allaah xilkaasi culus la garab galo.

Cali Kaba Qori oo ka mid ahaa guddigii qabanqaabada caleema saarkii Imaam Cumar ayaa isna waxa uu u mahadceliyey in tii garabka ku siisay taabagelinta caleema saarka imaam Cumar, waxa uuna u soo jeediyey Beesha Habargidir, Beesha Reer Xaaji Suleymaan in ay la shaqeeyaan imaamka cusub ee beesha Reer Xaaji Suleymaan Imaam Cumar, waxaa kale oo xafladdaasi ka hadlay nabadoon Cali Cabdi oo isna si weyn u soo dhaweeyey duubka Imaam Cumar Macallin Abshir, waxa uuna kula dardaarmay in uu la yimaado dulqaad iyo karti, waxayna xafladdaasi ku soo afjarantay jawi aad u heer sareeyey.

     

 

W/D: Amiin Y Khasaaro

E-mail:  amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com