SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

BAAQ WADAJIR AH: Waxgaradka Somaliland Iyo Puntland 

Sida aan la wada soconno khilaaf dhimasho iyo dhaawacba keenay ayaa waayahanba ka aloosanaa gobolka Sool, kaas oo la sheego inuu u dhexeeyo Somaliland iyo Puntland. Waxa muuqata in lagu guuldarraystay in arrintaa nabad iyo wanaag lagu xalliyo. Aadmigu wuu is khilaafi karaa, waxna waa isku qaban karaa, sida caadada soomaalidu tahayna wax kasta oo la isku qabto waa lagu garnaqsadaa oo wada hadal iyo caqli baa loo adeegsadaa. Runtii mar kaliya maanu maqal Somaliland iyo Puntland baa is hor fadhiya oo arrinta Sool ka wada hadlaya, si kastaba ha u dhacdo eeddana ciddii doontaaba ha lahaato'e markaanu isla eegnay dhibaatada hadhiweyday ee Laascaanood waxa noo soo baxay arrimaha hoos ku qoran: 

1. Inaan arrinta Sool looga fekeray si siyaasadaysan oo aan looga fekerin si walaaltinimo ah. 

2.Inaan laga wada hawlgelin in arrinta si deggan wada hadal iyo nabad loogu dhammeeyo. 

3. Marka la eego dhaqanka ahaan iyo diin ahaanba arrimaha la isku hayo waxaanu u aragnaa qaar aan u qalmin xalaalna ka dhigaynin in qudh iyo qoon midna lagu geysto. 

Talo soojeedin 

Waxaanu dhinacyada arrintu khusayso kula talinaynaa arrimahan soo socda: 

1. In la joojiyo colaadda iyo wax kasta oo gacan ka hadal ah abuurikara.

2. In caqligu taliyo ee aanu qorigu talin.

3. In la fahmo in arrintu tahay "kugu dhimay oo kaa dhimay."

4. In wax kasta lagu eego weji walaalnimo oo daacad ah, oo ka fekeraya If iyo aakhiraba halkii lagu eegilahaa weji cadawnimo oo ka fekeraya siyaasad, qabyaalad iyo wixii la mid ah.

5. In si wadajir ah looga shaqeeyo sidii nabad iyo xal waara loogu helilahaa muranka jira.

6. In la joojiyo dagaalka dacaayadda ah kaas oo aan wax uu sii xumeeyo mooyaane waxba hagaajinaynin.

7. In saxaafadda labada dhinac ka shaqeyso sidii nabad loo gaadhi lahaa ee aanay ka shaqeynin sidii colaadda loo sii shidilahaa. 

Ilaahay nabadda iyo wanaagga ha ina waafajiyo. 

MAGACYADA DHINACA PUNLAND 

1 .Prof. C/Qadir Nuur salaad              - USA  

2. Prof. Cabdullahi Nuur Salaad          - Puntland          

3. Prof. Maxamed Xassan Cusman       - USA

4.. Prof. Cabdiweli Cali Gaas              - USA     

5. Axmed Warsame Cumar-daad           -Belgium

6. Abdulkadir Maxamed Cali-NuuR     -Belgium

7. Axmed Cigaal Xassan                       -Belgium 

 
MAGACYADA DHINACA SOMALILNAD 

1.  Prof. Ibraahim Faarax Jooj    Holland

2.  Prof. Maxamed Axmed Cigaal   Holland

3. Garyaqaan: Maxamed Xasan Cige   USA

4. Eng. Jaamac Cige  Xassan   USA

5. Maxamed Yuusuf C/raxmaan   Holland

6. Carab Saxardiid     Holland

7. Maxamuud  Xirsi Qatala    Holland 

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh  

Prof. C/qadir Nuur Salaad

deritakar@yahoo.com  

Maxamed Yuusuf C/raxmaan

maale22000@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com