SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa dhici kara haddaan la raacin Talada Waalidka...?!! 

kaalmoyWQ: Muxyaddiin M.Kaalmoy

Email: kalmoi@hotmail.com


     Goortu waa  caruurnimadii; waxaannu ahayn saddex wiil oo ay markaas da'doodu u dhaxaysay 12:14-jir; dugsiga Quraanka iyo Waxbarashada caadiga ah, intaba waannu wada dhigan jirnay; xaafaddana deris ayaannu ku ahayn. Waxaan badanaaba wada ciyaari jirnay Kubadda, Buglaha, Yool-yoolka, Jarta iyo ciyaaro kaleba.

     Aniga iyo Saaxiibbadey, mar-mar ayaannu fiidyadii u tallaabi jirnay Xaafado kale, iskuna deyi jirnay in aan faduul iyo daar-daarasho kula kacno hablihii nala da'da ahaa ee ay markaas Naasuhu u soo baxayeen, ee degganaa Xaafadahaas.

     Falkaas waa ay iiga digi jireen Waalidkay, waxayna igu adkayn jireen: in aanan habeennadii ka fogaan agagaarka Aqalka, kana qayb-qaadan wixii fal-xumo ah ee ay ku kacayaan labadaas Saaxiib. Waxaan xusuustaa tusaaleyntii hooyadey ee ahayd:-" Aniga Shuqul-xumo ma rabo, sheydaan ha raacin, shiddana ha i gelin"..!!;.Laakin Caruurnimo awgeed si qota-dheer iima ay geli  jirin ereyadaas.

     Goor Fiid ah ayay Wadaayadey ii yimaadeen, iguna boorriyeen in aan u raaco Xaafado kale. Waa ay i foorjeeyeen, waxayna igu yiraahdeen:-" War ina keen, maxaad meesha u fadhidaa, ma Ciyaal-maama ayaad tahay..."?!!. Aniga oo Eraygaas (Ciyaal-maama) ka gilgilanaya ayaan raacay iyagii. Waxaana aan fududeystay dardaarankii iyo taladii Waalidkey.

     Waan daba-kacay, laakin haddana waxaan socday gadaashood meel  qiyaastii 15-tallaabo iyaga ka dambeysay; waayo talooyinkii waalidkey ayaa laabta iiga yiillay , oo aan hadba soo gocanayay.

     Degmada Waaberi( Ex-Anzalote) ayaannu degganayne, markii aannu mareynay agagaarka 'Sar-guduudda' ayay Gabar Naasa buurbuuran, inta ay ku dhowaadeen ka tuujiyeen labada Naas. Dabadeedna Cagaha ayay wax ka dayeen(Carareen). Gabadhii ayaa  af-labadii qaylisay, oo aqalkooda oo meesha ka dhowaa dib u gashay, iyada oo ku dhawaaqeysa:-" Abbow Muudde...fiiri kuwaan..Naasahey iga taabteen...".

     Muudde oo nin 20-jir, xoog leh ahaa, ayaa durba Albaabka ka soo boodey, isaga oo aad uga caraysnaa edeb-darrida lagula kacay Walaashiis.

      Aniga oo aayar meesha iska luudaya ayuu wuxuu igu bilaabay feer iyo fara-laab(haraati), isaga oo aan waxba kala hubsan .Wuxuu moodayay in aan anigu ka mid ahaa kuwa ay ka sheeganeyso Walaashiis.  Muudde aad ayuu iiga weynaa , oo iskama aanan celin karayn, gabadhiina dib uma soo bixin si ay iiga badbaadiso Darbooyinka is-daba-yaal ee uu ila dhacayo Walaalkeed.

      Eraygeygii ahaa:-"Ani ma aha" iyo iska-caabbinteydii yareyn, waxba waa ay ii tari waayeen, dabadeedna orod ayan isla geddiyay, waayo dirirta oo aan la sii wado Muudde, ayaa waxaan ka baqayay in ay xagga Waalidka iiga keento canaan.

     Intii aan sii cararayay ayaan haddana kufay,  oo sii herdiyay dhagxaan meel  mugdi ah taallay, haalkaas oo ay iga soo gaareen dhaawacyo hor leh.

     Waxaan Xaafaddii oo aan si dhib leh ku gaaray ku wada kulannay Labadeydii Saaxiib, waa ay iska dhoolla-cadeynayeen oo ku  faraxsanaayeen taabashada Naaskii gabadha, sida iyaga oo gacanta la gaaray 'Xajarul-aswadkii'-Kacbada. Anigu waa aan neef-tuurayay, nabarro iyo dhaawacyana waan qabay, kamana aanan qayb-qaadan taabashada(tuujinta) Naasihii  Gabadha...!!

      Taasu waxay ahayd Natiijadii khilaafidda iyo gees-maridda Taladii iyo dardaarankii Waalidkey iyo weliba ku faraq-xirashada kuwa uu shuqulkoodu xun yahay.

     Murtiyo Soomaaliyeed ayaa ahaa:-

(a) Talo-waalid haddii la yeeli lahaa Lax Waraabe ma cuneen..

(b) Kor-waayeel haddii uusan wada caqli ahayn, waa wada indho...

(c) Dab uu Munaafiq shidayna, Mu'min ayaa ku gubta...

(d) Bannaankiisa mare Maradiisa Bowd ma qabsado...

 

W/Q:-Muxyaddiin M.Kaalmoy - kalmoi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Oct 22, 2007


Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...

Geeddi oo Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo
baydhabo
Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan

C/llaahi iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 21

OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii Itoobiya loo dhiibay

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com