SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Soo Dhaweyntii Afhayeenka Madaxweynaha Mudane Xuseen Xuubsireed

Xafald si qurux badan loo soo agaasimey ayaa waxa ay ka dhacdey badhtamaha magaalada Minneapolis, Minnesota. Xafladaas ayaa waxa lagu soo dhaweynayey afhayeenka madaxweynaha, mudane Hussen Xubsireed. Xafladaas ayaa waxa isugu yimid dadka badan 300 boqol oo qofood oo isigu jirey qaraabada Xuubsireed, masuuliyiin ka kala socdey xafiisyada dowlada, hooyooyin, culumaa’udiin, ardey, macalimiin, aqoon ayahano, siyaasiyiin, iyo fanaaniin.

Waxa xafladaas soo qaban qaabiyey ururka haweenku ay leeyihiin  ee gobolka Minnesota, Women Civil War Survivors. Xafladaas ayaa sidoo kale waxa ka qayb galey Safiirka u fadhiya Ethiopia Mareynkanka oo isagu kala hadley dadweynihii isugu yimid xaflada dhinaca telefoonka. Xafldaas ayaa waxa looga yimid meelo ka baxsan Minnesota sida Ohio, California, iyo Rochester Minnesota. Xafldaas oo ay wacdaro ka dhigeen fanaaniinta Minnesota oo halkaas ku soo bandhigey riwaayad uu Sangub sameeyey intii uu shirku ka socday xamar, iyagoo markaas fanaaniintu ay ku casuumeen in ay ku soo dhaweeyaan afhayeenka Madaxweynaha mudane Xuubsireed.

Sidoo kale waxa hadalo qiimo kale ka soo jeediyey siyaasiyiinta reer Minnesota, indheer garadka oo iyaguna ka Hadley arimaha ay Soomaaliya hada ku jirto iyo side ay uga bixi laheyd. Ugu dambeyntii ayaa waxa hadlaka ku soo gabagabeeyey Mudane, Xuubsireed oo ka Hadley marxaladihii uu la kulmey intii uu shaqadiisa gudanayey ee uu joogey Soomaaliya iyo in uu diyaar u yahay in uu noqdo oo uu hurayo naftyiisa sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa midnimo, nabad, iyo dib udhisid dhamaan wadanka oo dhan.



Hadaba hadii aad dooneysid sawiradii xaflada oo dhan halkan ka daawo. http://www.insideminnesota.org/images.html

Abdimalik Askar, Somali Media
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Oct 23, 2007

Soomaalida Qaahira iyo Tartanka Quraanka....
qaahira
Naadiga aradayda somaliyed iyo jaaliyadda qaahira

Geeddi oo Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo
baydhabo
Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan

Garaad Jaamac Garaad Cali oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Arrimaha Laascaanood

Qraal ka soo baxay Jaaliyadda Sool, Sanaag, & Cayn ee Kuwait

Xildhibaanada Baydhabo oo qiimohoodu gaarey $10kun

Xaflad lagu furayay dugsiga New Amoud Secondry oo ka dhacday magaalada Borama (Sawirro).

Salad Gaab “Isboorti iyo Qabiil meel ma wada geli karaan” 

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadalkii Cali Maxamed Geedi…
.Ciidamada Itoobiya oo Muqdisho ku dilay todobo qof..
.Maxamuud Dirir oo u kala dab qaadaya Yuusuf iyo Geedi….
.Jaaliyadda Reer Xaaji Suleymaan oo taageerey Imaamka..
.Iska hor imaad dhex ciidamo ka tirsan Maamulka G/Banaadir..
.Ciidamada Uganad oo looga digay in ay sii joogaan dalka
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 22

C/llaahi iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 21

OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii Itoobiya loo dhiibay

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com