SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOMALIA:DAGAAL…DAGAAL..DAGAAL.!!

  (Anigana waan tahriibayaa).. 

Somalia…Somalia…Somalia. Marka ay dhagtaada ku soo dhacdo runtii farxad in aadan dareemin ayaa macquul ah gaar ahaan dadka Qurba joogta ah sabab.? Qofka bini'aadamka ah waxa uu ku noolaan karaa nabad, nabaduna wax walba oo wanaag ah iyada ayay ka dhalataa. Waxaanu gaarnay heer magaca Somaliga ah uu sharaf beelo calan, dal iyo dalba magacaas ayay ku hoos jiraan.

Maalin dhaxdaas ah aniga oo College ka imid marayana xaafada Eastlight ee magaalada Nairobi ayaan waxa ay dhagteeda ku soo dhacay BBC-da waxa ayna ka hadleeysay 2 arrimood oo kala ah. Dagaalka ka dhaxbiloowday Somaliland iyo Puntland iyo dagaal ka dhacay magaalada Mogadishu. Aniga oo aad ula yaaban ayaa waxa meesha soo maray wiil dhalinyaro ah oo Kenyan ah waxa uuna si qaylo dheer ah uu ku yiri SOMALIA..DAGAAL..DAGAAL..DAGAAL.dabcan dadka Kenyan-ka amaba meel kasta oo somali joogto dadka ay la nooshahay afkeeda wax un bay ka bartaan ugu yaraan xitaa erayada ay somalida u badantahay wiilkan  isaga oo ku celceliyay, runtii dadka meesha taagnaa intooda badan waxa ay dhagta iyo dhareenkoodaba uu u jeelanaa BBC-da balse aniga xaalku sidaa wuu iiga badalanaa maalintaas.

Calankii sidan miyaa u danbeeysayne.?

Dhac dadaas mid la mid ah ayaa maalin isoo martay aniga iyo wiil aan saaxiibo nahay oo magaalada u aadnay in aan sawiro ku soo galno meel beer lagu nasto ah waxa aan tagnay meeshii aan sawirka ku soo geli laheen, markii aan isku dhufashada sawirka aan biloownay dhoor sawir kadib ayaan jeebka kala soo baxay calanka Somalia oo maro yar lagu sameeyay balse wiilkii ayaa hadal aan ka naxay igu yiri waxa uuna igu yiri "War calanka yaan lanagu arag ee naga Qari." Inta aan ku qoslay ayan ku iri waxaas ka bax ee sawirka igu dhufo jawaab gaaban oo aan ka naxay ayuu igu yiri haddana "oo haddii lagu qabto wax igama galin". Maxaa yeelay markaas wax sharci ah ma heesan inkastoo Kenya sharcigaada meelaha qaar uu iska yah in xoogaa lacag ah aad iska dhiibto.bal somaliyey meeshaas ayaan mareeynaa dad magaca Somalia inkirayna way jiraan danta ayaana ku kalistay.

sidan ma nolalbaane.?

Habeen habeenada ka mid ah waxa aan dhax dhaxaadi maaday 2 gabdhood oo magaalada Nairobi dhawaan yimid maxay isku heestaan.? Mid ayaa leh waan tahriibayaa tii kale waxa ay ugu jawabeesay war haddii aad dhimato ka waran.?

Tii kale ayaa jawaab aan ka yaabay siisay "awalba waan dhiman lahaa. Imisa ayaa waddanka ka duushay oo dibada gashay gaar ahaan iyaga oo ka baxay waddanka liibiya sidan aniga meeshan kuma joogayo..?". hagaag haddii gabdhihii sidan ayay ku fakarayaan ka waran raggii.?.

Taasi mid ka sii daran. Waxa aan salaan ugu imid qof dumar ah oo aan qaraabo nahay isla magaalada Nairobi mise qof umul ah ayay baxnaanineeysaa kadib maxaa dhacayne.? Gabadhii umusha aheed waan Is baranay waxaana lagu qalay gabar aabahed inta uu tahriib aaday uu waddan kale ku xiranyahay, gabadhii ayaan ii sheegtay waraysi sheeko ah oo aan wada yeelanay. Kadibna waxa aan ku irri oo aabaha gabadhan meeyay waxa ay igu tiri meel heblaayo ayuu ku xiranyahay isaga oo u socda meel habal.? Oo meeshan miyaa dhib ku heestay maya aboowe ee tukaan ayuu lahaa sharci Kenyan ahna wuu lahaa ee buufis ayaan galay anigana maxaan sameen karaane waan celin waayay.? Hadal aan ka naxo ayay ii raacisay "anigaba waan tahriibi rabaa" oo sabab. Meeshan lama joogi karo waad u jeedaa, in aan waaniyo ayan isku dayay balse way iga diiday ugu danbeentii alla mahadii go'aan kale ayay qaadaay wayna I tixgalisay balse sabab.? Waxa ay gabadhu tahay gabar ka baxday D/hoose/dhexe/sare oo waddan Kenya ah intaas waxaa u sii dheer in ay college kaga baratay nursing ayayna hospital ka shaqeen jirtay lacag fiican ayay bishii ka qaadato.

Dhacdooyink noocaan ah runtii waxa keenay waa kala yaacsanaanta dalkii ku habsatay, imisa arday ayaa iga oo dadkooda u jira jaacamad ama lagu yiri wiilkiina bada ayaa la tagtay ama kala soo hadlay dalalka. Malta ama Italy.

Maxaa xal ah.?

Angia ahaan go'aan kama gaaro karo meesha uu xalka ku jiro, balse jawaabtaasi waxaa shaafin kara in aanu helno hogaan wanaagsan, dadka daneestayaasha ah ee na heestana ay dalka hogaankiisa faraha kala baxaan, haddii xoogu lagu muquunan lahaane wayba dhacday oo Golahii Maxaakimta Islaamiga ayaa tijaabiyay dhinacna dadk u dhaafiyay balse gaalo iyo nijaas kale oo dhibkii bansiin ku shubay ayay dalkii iyo dadkiiba ku xasuuqayaan iyada oo sheegayan magacyo kala duwan inkastoo isla iyagii ay maanta balaayo ka dhax socoto. Allow sidan nooga gar gaar ummadaha qaarna meesha ay marayaan waanu la socona.? Waan filayaa in dhacdooyinkan kuwo ka yaab badan ay ku soo mareen. Ee fadlan dadka u soo gubo si looga faa'ideesto. Aqriste un ah ahaan qalinka iyo warqada adigana doorkaabada tijaabi.

Wabilaahi towfiiq.

Mahadsanid.
sayfudiin@gmail.com
ibraahim da'ud Abdalle

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com