SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL

XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)


Khilaafka Yusuf iyo Geedi Dabeecadda

Bashir A/kadir Muallem

Bascir61@yahoo.com

Dabeecadda shaqo ee laba mansab Madaxweyne iyo Ra'iisal wasaare ayaa dhalineysa khilaaf dhex mara labada qof ee jagooyinkaa kala haya , waayo awoodooda ayaa ah mid aan si cad loo kala qeexi Karin , laakin dunidda arrinkaa waxay ku xaliyaan in ay maxkamadda sare kala saarto , wixii ay isku qabtaan , waayo iyadda ayaa ah hey'adda dastuuriga ee qeexi karta qawaaniinta iyo shuruucda leysku qabsado fasiridooda .

Khilaafka madaxda sare ee DFKM waa mid leh dabeecaddo ka duwan  kuwa ay keento shaqadda.

Khilaafkooda waa mid ku saleysan asbaabo kale oo ka baxsan dabeecadda shaqo ee manaasibta .

Sababha is khilaafida labada  Madax , markaan meel iska dhigno hantida leysku heysto oo la sheegayo, waxaan ku soo koobi karnaa dhoor sababo.

1. Jibinta Xeerka ay DFMK ay soo dhigatay. 

Yusuf iyo Geedi ma ilaalin xeerka ay soo dhigteen intii ay dowladda jirtay mar haddi ay ka hor imaanayaan danahooda qaaska ah , halkaan kuma soo koobi karno xeerarka ay jibiyeen ,laakin waxaa ugu weyn keenista ciidamadda Ethopia ee dalka  la keenay iyadoo barlamaanka diidan yahay taasna ay dhalisay in barlamaanka kala jabo, oo gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xassan diido talaabadaas .

Mar haddii madaxdii sare ilaalineynin xeerka ay soo dhigteen , khilaaf kasta oo yimaada ma xalismaayo.

2. Kaalinta Garsoorka oo maqan.

Garsoorka oo ah heydda u xilsaaran fasiridda qawaaniinta iyo sharuucda dalka marka leysku qabsado ayaan shaqeyneenin , wax awood ah ay leedahayna ma jiraan , oo  madaxdda sare ayaa iska xiraneysa madaxda garsoorka ama xilka ka qaadeysa  marka ay u aragto in ay khatar ku yihiin .

Dunidda marka ay is qabsadaan madaxdda sare ee dalka waxaa kala saara Garsoorka , sida ka dhacday Mareekan doorashaddii midaan ka horeysay , Markey Al, Gore iyo Bush is qabteen waxaa kala saaray maxkamadda sare ee Mareekanka .

Markaa haddii ay shaqeyneenin Garsoorka , khilaafka madaxdda dowladda ka dhasha ma xilismaayo , bur bur ayuu sababaa mooyee.

3. Munaafiqnimadda Xubnaaha Barlamaanka.

Xubnihii Barlamaanka ee la xisaabtami lahaa madaxdda dowladda, ilaalina lahaa habsami u socodka howlaha  dowladda iyo sharcinimadooda ayaa noqday kuwo aan u qalmin kaalintooda oo ka hooseeya raga madaxda u ah dowladda , aqoontoodana iyo dadnimadoodana ay hooseeso , codkoodana ku iibsada majin qaad iyo maaalin qado ah.

Mar haddii ay sidaa yihiin xubnaha barlamaanka intooda badan , madaxda dowladda waxaa u fududaatay in sida ay doonaan u marsiistaan barlamaanka, arrinkaana waxay sii cakarisay wada shaqeynta labada nin.

4. Madaxweyn Yusuf oo aan Xulan Geedi.

Waxaan wadda ogsoonahay in Madaxweyn Yusuf uusan xulan Geedi markii la doortay , oo Mellis kor kaga keenay , taas waxay hoos u dhigtay ixtiraankii Geedi u heyn lahaa Madaxweyn Yusuf haddii uu isaga soo magacaabi lahaa, Geedi ma aqoonsana mana dareensana awooda jaggada Madaxwenahay , waayoo wuxuu ogyahay haddii Mellis uu ku qaanacsanyahay in ay jirin dowladda dhexdeeda awood jagadda ka qaadi karta xittaa Barlamaanka .

Mar haddii Geedi si ficli ah u hoos imaaneyn madaxweynaha , lalana xisaabtami Karin wada shaqeynta Yusuf iyo Geedi waxay ku jireysaa khilaaf.

Intaa asbaab aan soo sheegnay waxay sal u yihiin khilaafka labadda nin , intoodana waxaa abuuray sida ay nala tahay Mr Yusuf.

Waayo, markii Yusuf loo doortay Madaxweyn , wuxuu xaq u lahaa in uu soo magacaabo nin uu ku kalsoon yahay oo karti u leh xilkaa qaadistiisa , laakin wuxuu ka door biday ninkaan Mellis uu kor uga keenay uusan aqoon , isagoo ka baqanaaya in haddii Mellis uu wax ka diido ay wax u soocon waayaan , laakin waxaa cadaatay ka ogolaanshaha Mellis sida uu doortay ayaa caqabad ku noqotay madaxtinimadda Yusuf.

Yusuf wuxuu hilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa wax ka dhigi kara , markaa ayuu cadawgiisa isaga xitta- iyo kan dadkiisa iyo dalkiisa ayuu ka dayay sharaf iyo cisi , laakiin wuu ku hungoobay.

Yusuf , Xeerkii la soo dhigtay wuxuu u jibiyay , asxaabtii u soo ololeysayna balantii ugu baxay ,si uu u qanciyo Mellis , intaa oo dhan waxay ka burburisay riyadiisii 30ka sanno uu ku riyoonaayay  oo aheed in mar uun hogaamiyo dalkaan .

Sida ay nala tahay , dabeecadda khilaafka Yusuf iyo Geedi waa mid ku tala gal loo abuuray , haddii aad dhuuxdid sida loo soo dhisay dowladda iyo dadka la soo xushay iyo sida loo hortaagan yahay in ay shaqeeyaan hey,adaha dastuuriga , waxaa kuu cadaanayaa in dowladda loo abuuray asbaabihii ay ku burburi laheed, oo la dooneynin in ay shaqeeso .

Mar haddii ay sidaan tahay , Yusuf ayaa looga fadhiyaa in uu fahmo in ay Tigreega la dooneynin in uu noqdo madax.

Markaa waxaan dhoornaa waa talaabadda uu qaato Yusuf.

Bashir A/kadir Muallem

Bascir61@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com