SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ra'isal Wasaare Geedi:  Ma sii shaqeyn karaa? Mise....?  

Cali Max'ed Geedi oo ah Ra'isal Wasaaraha DFS xiligaan ayaa waxaa ku furmay Mowjado dabeylo Siyaasadeed wataa oo ay Xildhibaanada kaga soo horjeedaan sii shaqeynta xukuumadiisa kadib markii ay ku eedeyeen in uu ku takri falay si qaawan lacago fara badan oo soo galay Qasnada DFS.

Cali Geedi aya waxaa uu tan iyo markii uu xilkaan qabtay ka badbaday dhawr Mooshin oo ay Xildhibaano ku doonayeen in ay xilka kaga qaadaan laakin uu ku badbaaday si dirqi ah kadib markii uu adeegsaday lacago uu magaca Qaranka markii horeba ku soo qaatay.

Wargeyska Finational Times ee ka soo baxa Magaalada London ayaa waxaa uu todobaadkaan soo daabacay Warbixin uu kaga hadlay Aduun fara badan oo Geedi u yaala Bankiyada ugu caansan Caalamka Sida Bankiga Aduunka oo la qiyaasay sida wargeysku daabacay in ay u taalo lacag dhan boqol 100 milyan oo $ halka Bangiyo ku yaala Dalal Yurub ah uu dhigtay lacago kale oo la qiyaasay in ay gaarayaan ilaa 200 Milion .

Wargeyska ayaa warbixintisa waxa uu ku sheegay in lacagaha ay yihiin inta badan Deeqo ay beesha Caalamka ugu talagashay in ay ku kobciso dhaqaalaha Dalka Somalia iyo lacago kale oo loogu talagalay Dib u dhiska Dalka Somalia oo ay ku soo yabooheen Midawga Yurub iyo waliba Deq bixiayayaasha Caalamka.

Warbixinta ayaa waxaa uu wargeyska ku soo qaatay Arooskii taarikhda mdaw galay ee Cinwaanada hore ka galay Warbaahinta caalamka, iyadoo geedi inta la ogsoon yahay mudadii uu Ra'iisulwasraha ahaa wuxuu ka gatay magaalada Nayroobi guri weyn oo qasri ah, kaas oo uu lahaan jiray hogmiyaha jabhada SPLA john Graing.

Ra'iisul wasaare Geedi oo ah nin aqoon durugsan leh, ayaa hadana lagu eedeeyaa inuu yahay nin aan la tashan dadka, islamarkaana waa nin si aad ah iskula weyn, wuxuuna jecelyahay mar walba inuu qaato go'aan isaga u gaar ah.

Dhinaca kale waxaa lagu eedeeyaa Mr.Geedi in xubno fara badan oo ay qaraabo yihiin inuu xilal kala duwan u dhiibay, waxeyna taasi ka careysiisay beelo dhowr ah, iyadoo taasi kuu muujinayso sida weyn ee Ra'iisul wasaare geedi u yahay mid Qabiili ah.

Su'aasha ay dad badan isweydiinayaa ayaa ah sidee Prof. Geedi mar kale loogu aamini karaa inuu qabto jagada ra'iislawasaarenimada, mise u qalanyaa xilkaas inuu sii hayo iyadoo la og yahay inuusan laheyn waxqabad balaaran oo buuran.

W/Q: Cali Xasan Xaaji

L/H: Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com