SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gadoodka Geedi  Ma Guulbaa ?

“... qofku marka uu wax barto waa uu jilcaa ( simplicity) Laakiin marna kama  lunto waajibaadka xilka uu hayo iyo   meesha uu ka  yimid ,   shacabku maanta waxaa ay la jiraan  Cali geedi waayo hadalkiisa ayaa ahaa mid uu ku kasbaday quloobtooda waqti yar oo xadiidan iyo kii gudoomiyaha gobolka banaadir, ee ahaa  waa in xabsiga laga sii daayo dadka u xiran  iyadoo aan la soo saarin maxkamad, hadii uu  ka dhabeeyn waayana  shacabku waa  ay ka baxayaan taageerada PM“   ..Gendisch 

Waa nin dhalin yar oo da’diisu ay 50 wax yar ula jiraan, waa aqoon yahan lagu soo barbaariyey Nolosha ugu sareeysa ee magaala madaxda muqdisho waqtiyadii ay ugu wanaagsaneyd, waxaa uu ka faaideeystay Jaanis  kasta oo qof somaliya heli karo ee u ogolaanayey inuu noloshiisa hore u mariyo, waxaa aan marna lagu ababin inuu noqdo nin hogaamiye qabiil, taasoo uu waligiis iskala  waynaa , taasi waxaaa ay ka qarisay inaanuu noqon nin garan kara dibin daabyada fog ee qabiilka siyaasadeed, waxaa uu ku hodmay kuwa uu moodayey in ay somalinimdu run ka tahay, oo aan waligood soomalinimo ka shaqayn tan iyo maalintii awood maamul ay faraha la galeen. 

Maanta, waxaa ay joogtaa murdud iyo mariid sumeeysan inuu calooshay dhigtay, sidii caadada ahayd  reer  muqdisho oo lagu xanto in ay yihiin dad sii jeed badan oo hurdada aan ka kicin ilaa iyo  markii  mididu caloosha ku tagto ayeey u egtahay inuu xaalku yahay mid hadal ka badin waayey, dadka taarikhda saaxiibka u ah ayaa dib u xusuustay  dhowr iyo  30 sano ka hor markii sidaan oo kale wiil daacad ah oo la yiraahdo Ina Gabayre kadiye  qarka uga dhacay kadib markii uu hore u gumaaday ragii garbaha u noqon lahaa.  Hadii aan dib u jaleeco taariikhdaas waxaa dhacday mudo haatan laga joogo 38 bishaan  oktoobar oo ay kacaan wadi dhaliyeen saraakiil soomaliyeed oo 25 labatan sarkaal ah. Kacaankaas oo noqday bar madoow oo Somali ku taala. Intii aan kacaanka la dhalin waxaa jiray in  raga saraakiisha sar sare ee militerigu ay u badanaayeen reer muqdisho , maadaam talyaanigu dadka uu tababbary ee aqoonta ka  helay in Dowladii talyaaniga  ( 1950-60) reer banaadir u badnaayeen, saraakiishaas oo darajada koorneyl buuxa gaaray ee ciidamadii Xooga Dalka ( 8 off 13 waxaa ay dhalasho la wadaageen Salet gabyre kadinye, waxaa reer banaadir baarlamaanka uga jiray dhowr iyo labaatan xildhibaan oo marka ay dhaqaaqaan aan cidan ka dab hadlin, waxaa sodoh iu ahaan madaxwaynihii ugu horeeyey ee somaliya, miyuu kacaan u baahnaa, ragga jaalka la haa ee uu uga siibtay ( waxaa ka mid ahaa  , Col. Mahamed farah caydiid, Col. Ibrahim rooble Warfaa ( doonyaale)  , Col. Elmi noor  TREMBI, Col. Noor cadoow cali , Col. Maxamed noor baarqab. Col.Xasan M. Sabriye ( Gaamuur) , Abuukar H. Wehelie ( Suulaleey) . Saraakiishaas intooda badan waxaa ay ku danbeeyeen xabsi ka hor 1973,  marka laga reebo Gen. Noor cadow  Cali oo isaga shaqada la ruqseeyey wixii ka danbeeyey 1974.  hadaba maxaa dhacay 

Waxaa dhacday inaanuu midkoodna  Salaad  Gabayre kadiye uga darin golihii kacaanka, kadib markii loo dhigay qidad siyaasadeed laguna yiri waxaa keensaneeynaa wiilal yaryar oo aan xukumi karno , arintaas waxaa uu salad Gabayre u sheegay General aay aad isu xigaan   oo layiraahdo Gen. Cabdille Bare Qalaaye  , waxaa uu ku yiri adeer Kacaan baan dhalinay oo aan dalka ku qabtay, waxaa uu yiri yaa ku jira gudiga golaha sare  ee kacaanka, rag yaryar buu yiri oo meeyey ragii saaxiibadaa ahaa ee isku darajda aheydeen, waxaa uu yiri ragaas waxaan jeclayn saaxiibkeeyga wayn  ee kacaanka ila wada  odaygana inoo ah , amakaag ayeey la noqotay Cabdille bare talo xumida wiilkiisa oo ay markaas la socdaan labo  wiil  Lt. xidigle oo cabdile dhallay ( aabi iyo siid cali ) , waxaa uu yiri adeer kacaanka aad dhalisay ee aad sheegayso waa “ Sulus iyo soor danbeed “ oo ula jeedo waa suntaad ku dhiman laheeyd , intii aan waqti yar ka soo wareeginba waxa ragaas oo dhan laga wareejiyey guutooyinkii ay xukumayeen , waxaa la daba dhigay jawaasiis dhaqdhaqaaqooda  la socota, waxaa qaarkood loo wareejyey hay’do civil ah oo aan ciidamada shuqul ku laheeyn . SGK  oo arintii la xummaatay dhowr  bilood ka dib markii kacaanku dhashay ayaa isku dayey inuu isticmaalo awood militari uu saaxiibkiis ku qaarijinayo , waxaa godoomiyihii golaha sare ee kacaanka loo shaagay in salad gabayre  ku qaarijin doono shirka ay afisyooni ku leeyihiin , waxaa uu markiiba soo saaray dikerreeto uu ku leeyahay wixii maanta ka danbeeya ( Oggi giorno) in shirka golaha sare ee kacaanka lalama  soo gali Karin hub oo saraakiisha ciidanka looga dhigayo hubka irida hore ee qolka shirarka marka lagu daro xoghayaha  gaashaandhiga oo  markaas ah General salad Gabayre . dhowr maalmood kadib  Abaarigii april 13 , 1970 waxaa dhexmaray wada hadalkan isaga iyo  Col. Elmi noor trembi ( ENT) , oo madax ka ahaa ciidanka 2000 nin ahoo tababar ku qaadanayey  bottega ( xalane )  lagana wareejeiye oo laga bedelay dhowr bil ka hor  Kaas   u dhacay sidatan, Kadib markii uu salad damcay in ragii uu shalay darajada ka xayuubiyey kaalmo warsado si ay  qaladkii uu shalay galay  ula saxaan.  Dib u eeg buuga aan wali la daabicin ee Bartii MadooBayd ( IL buco Nero) . 

Ring..rrrr

Col. ENT : brunto  chi parla   ( waa kuma oo hadlaya )

Gen. SGK : sono salad gabaye.

Col:L ENT . Dimi   ( ii sheeg maxaad dooneeysay.)

Gen.SGK: Adesso mi dispiace per lui ( Hada waan ka xumahay )

Col. Ent  : dimi , andare all'inferno  (  waryaa naarta gal )

Gen :SGK Elmi , e tuo giorno  ( Cilmiyoow waa maalintaadii “  oo uu ula jeeday maalin dagaal) .

Col. ENT : Qrrb   ( Telephonkii uu damiyey isagoo og in KGB  loo xilsaaray dhaqdhaqaaqooda ay duubeeyso warka) . 
 

      Inkasta  oo arin aanay intaas ku  dhamaan  waxaa  dhowr maalmood kadib u yimid Col. ENT  oday ka soo socdaalay Degmada balcad oo la oran jiray Faarax Gololoeey, oo suuqa ka maqlay in Salat gabayre doondoonayo , ragii uu marka hore meesha cidlada ah uga dhaqaaqay. Waxaa dhaxmary arintan . 
 

FG: Col. ENT come sta “ (  ii waran )

ENT : ottimo    ( Heer sare )

FG:  waxaa maqlay in salad G. ku doondoonayo ee maxaa ka jira.

ENT: Brutto : yaase kuu sheegay, in SGK I doonayo maadiguu ku soo diray . isma aanaan arage.. waa aan   ka diiday inaan la kulmo, waxaa uu   iga soo raacay autobar isago baabuurkiis  cadaa ee Fiat 125 wata  mana u istaagin ilaa aan  airport civile imid ay uu dib uga noqday .

FG: Waxaa ii sheegay nin intelegencia ah oo aanan rabin inaan sheego magaciisa. Inuu marba  meel u boodayo

ENT : Daccordo,ee  maxaay u jeedada socdaalkaagu ahayd ee aad bottigo u timid ( bottigo waa meesha loo yaqaan dugsiga xalana )

FG : Inaan talo ku siiyo.

Col: ENT :  Oo taldu maxaa ay tahay., talo waa tii ilaahe ( dio) . 
FG. Waxaad tahay nin aan si wanaagsan u garanayo oo Somali dhab ah , bahanshaanu meel xun bay SGK  la gashay ee  waa nin dhintay oo socda ee yaanuu ku maran (  Luo e uomo morto  camminare )  

Col.: ENT : grazie  ( waad mahadsan tahay )  

Tan iyo maalintii la dhisay dowlada FKG  waxaa Cali maxamed gedi ku jiray tababar siyaasadeed oo dad badani la yaabanayeen goorta uu qalin jabin doono, ma maalinta uu lacag ku filan helo, ma maalinta ay dhamaato  waqtigii loogu talo galay lagana gaaro ujeedadii laga lahaa , waxaa ay noqotay maanta inuu u gacan haatiyo kuwii uu shalay godka u shaaqalay. Oo qaarkood baa wali dhegeeysanaya , samir badanaa . waxaan shakki iiga jirin in  hogaamintu tahay wax la baarto oo maalin kasta kuu saaida marka aay hesho waayo aragnimo kugu filan. Waxa la yiraahdaa booska uu hayo qofku ma ahan waxa hogaamiye sameeya, ee waa in hogaamiyuhu uu booska sameeyaa ama booskiisa ka dhigo   si uu  ujdaduu lahaa u gaaro isagoo raad ku yeelanaya dadka uu hogaamiyo ( influence) . cabdilaahi  yousef si wanaagsan buu u garanyaa    waxaa lagu qiimeeyaa 5 arimood oo muhiim ah   oo aan u maleeeynayo inuu hada cali geedina si hufan u gartay kadib markii cabdilaahi yousef ( big bully) uu raacdadii ka badiyey ilaa uu gaaray inuu ku soo jeesto.  

Waxaa muhiim ah in qofku leeyahay shaqsiyad furfuran, xiriir la leh dad badan ( sida uu waayadan danbe xiriir ula yeeshay laga bilaabo shirkii jabuuti, kii hogaamiyeyaasha beelaha ee uu Hogaamiyo Xassan xaad , kan hogaamiya kooxeedkii ,  kan uu hada ku jiro ee barlamaanka xorta ah iyo maxaakiimta , waxaa kale oo hogaamiye lagu qiimeeyaa aqoontiisa iyo waayo aragnimada uu leeyahay tasoo aan filayo in cali geedi hore u heystay, waxaa maqan oo aan jirin in lagu qiimeeyo hayado uu sameeyey ama uu dhisay haba yaraatee markiu lagu daro ragga iyo haweenka dowladiisa ku jira oo qwaad isaga cuna baydhabo , magic mooyee aan wax kale soo kordhin isaguna aanuu sii  hogaamintii la doonayey sidoo kale waxaan guulo kale oo uu hore u soo hooyey oo  usii jiro karo.  

Waxaa ila tahay in Cali geedi  wax ka bedelo habka maamulkiisa oo meel ay u socoto aan la garanayn. Waxaa uu u baahan yahay in awoodiisa sare ugu qaado si u gaaro hore – um-mar siyaasadeed kasbadana taageerada wasiirada dowladiisa, sideey ku dhacday in 24 wasiir ka soo hor jeesato ,  kana mid noqdo ninkii ay isgu dhawaayeen  dr.Saalim Malaaq Caliyoow IBroow. mark uu ciidamad xamar ha laga saaro yiri .oo gudoomiyaha maxkamda yiri ha la soo daayo  inkasta oo shacabku u riyaaqeen , hadana cidina dhag uma dhigin , ilaa uu gaaro in uu  yiraahdo dadka xamar joogaa waa in ay dagalamaan oo cadowga iska kiciyaan..taasi waxaa ay ku sheegeysaa inaanuu awood lahayd 

Waxaa maanta  soomali badan ka doodeeysaa in , gadoodka geedi , iyo guuldarada uu soo heeyey Somali Guud ahaan iyo reer muqdisho gaar ahaan  ,ma waxaa ay noqon doontaa mid uu wax ku qaato oo dib u saxo oo  aanu mar danbe dib ugu noqon odayga miciyaha dhiiga ku lah  oo taarikhda dib buu u qori doonaa , mise maalmo kadib ayaa la maqli doonaa waa is bedalay oo halkiisii ka bilaabi doonaa halakadii shacabka muqdisho uu dusha ka saaray.. Maxaa Hadaba la haboon inuu cali eedi ku dhaqaaqo maanta. Waxaa muuqata in soomali aanu qabiil u talin Karin , Cabdulaahi yousef ha wato ama tigreey ha wadato ee waxa la haboon. 

  1. Inuuu ciidamada itoobiya iyo kuwa mooryaanta Dowlad ku sheega sida  uggu dhaqsaha badan ,  magaalada xamar dibada uga bixiyo si shacbka  geedaha hoostooda taagn u soo noqdaan . muqaawamaduna u joojiso dagaalka .
  1. Inuu marka u horeeysa ee ka soo noqdo itoobiya , xiriir la sameeyo  Asmara lana kulmo raga ay iska soo horejeedaan, oo garbihiisa noqon kara, kuna casuumo in ay muqdisho dib ugu soo noqdaan oo ay ka qayb qaataan dib u dhiska inta dalkii ka hartay.
  2. In laga shaqeeyo in la  ciidanada muslinka iyo carabtu yimaadaan oo ay la wareegaan nabadgelyada lana dhiso ciidan soomaliyeed oo ka caafimaad  qaba Qabiil iyo mooryaan lana mid ah kii uu hogaamin jiray Genaral daauud Cabduille xersi.
  3. In soomali meel ay joogtaba loogu baaqo inaay isu calool fayoobaadan meelna iska dhigaan  codowtinimada dhexdooda ah cafis guudna lagu dhawaaqo , kuwii dagaalka qabiilka , diinta iyo gobolada ka qayb qaatay qolo kastana joogto meesha ay hada joogaan inta Somali la isaga keenayo.
  1. Inuu cafis waydiisto ilaaha abuuray iyo ummada soomaliyeed meel kasta  ay joogto. Kadibna dhiso dowlad  isaga ku fakir ah ee wasiiradeedu daacad u yihiin.

Hussein abdikarim Ahmed Gendisch

Corcent citizen,

North Carolina, USA

Gendisch@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com