SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ururka Al-qaacida oo ciqaabaya dowladad Uganda, haddii aysan ka bixin arrimaha Somalia.

 

BIN LADIN “Magaaladda Kampala waan bur-burineynaa”

 

          Jariiradda Saturday Paper ee ka soo baxda Magaalada Kampala ee wadanka Uganda ayaa sabtidii waxay qortay maqaal si aad ah saameyn ugu yeeshay dadka reer Uganda, kaas oo ku saabsanaa hanjabaadyo cusub oo ka soo baxay Hoggaanka sare ee Uuruka Al-qaacida wadaadka la yiraahdo Usama Bin Ladin.

 

            Jariiradu waxay maqaalkeeda ugu magacdartay {Islaamiyiinta Argagixisada ah ee AL-qaacidda oo ku ciqaabaya arrimaha Somalia Dowladda Uganda iyo Usama Bin Ladino oo qorsheynaya inuu Qaraxyo ka fuliyo Magaaladda Kampala).

 

            Jariiradda oo sheegeysa in ay sirtan heshay oo ka dhigeysa mid u gooni ah iyada (Exclusive) waxay leedahay “Farriin cusub oo culus oo ka timid Hoggaanka sare ee Ururka Al-qaacida Usama Bin Ladin ayaa sheegeysa in ururkiisa AL-qaacida ay howl galo ciqaab ah ka fulinayaan Wadanka Uganda, ciqaabtaas oo Uganda ay ku muteysatay fara galinteeda arrimaha Somali ka taagan iyo ciidamadeeda ka jooga gobolka”

 

            “Haddii Uganda aysan arrimaha Somalia ka fiirsan, Usama wuxuu qorsheynayaa qaraxyo xoog leh oo ka dhaca Magaaladda Kampala, wuxuuna dooonayaa in ay xanuunsato dowladda Uganda, isagoo ciqaab ahaan arrinkaas uga dhigaya, waxaana hanjabaadan dhalineysaa weji cusub oo hore leh”.

 

            Wargeysku wuxuu sheegayaa in al-qaacida ay leedahay awood xoog leh “Sanadkii 1998 waxay dhulka dhigeen safaaradihii Mareykanku ku lahaa Wadamada Kenya iyo Tanzania, sidaas oo kale waxay dhul bannaan ka dhigeen xaruntii ganacsiga adduunka ee World Trade Center ee twin towers, sidaas oo kale waxay fir-fircooni ku leeyihin wadamo badan oo ay ka shaqeeyaan, waxaana cad in ay yihini koox Muslimiin argagixiso ah”

 

            Maqaalkan oo uu la socday Sawirka Wadaadka wuxuu sare u qaaday dareenka dad badan oo reer Uganda ah oo isku diyaarinaya soo dhaweynta iyo casuumaada ku dhawaad madaxda 50-dal oo caalamka ah oo dabayaaqadda November ilaa horaanta December shirka Commonwealth uu uga furmaya magaaladdan Kampala, iyadoo ay shirkaas furi doonto Boqoradda INgiriiska Queen Elizabeth, waxaana hanjabaadan ay dhaawici kartaa habsami u bilaabashada shirkaas iyo imaanshaha wufuud badan oo ka qeyb qaadan doonta CHOGM 2007.

            Sidaas oo kale wuxuu maqaalku ka hadlayaa qaabka qorshe ee  ay Uganda uga qaashaamaneyso hanjabaadaas Al-qaacidda, “Madaxweyne Museveni wuxuu shir ku saabsan sidii Uganda  uga hor tagi laheyd hanjabaadyaha iyo waxyeeladda Al-qaacidda la yeelanayaa dhiggiisa George Bush, waxaana shirkaas uu yeelan doona tix galin gaar ah, sidas oo kale Ciidanka Qaranka Uganda wuxuu diyaar u yahay ka hor taga wax kasta oo lagu carqaladeynayo Nabadda Uganda, mana dhici doonto in indha laga qarsado dhibaato soo socota, diyaar ayayna u yihiin difaaca dalka iyo dadka, guuto kastaahina waa diyaarsan tahay”.

 

              Wargeysku wuxuu maqaalkiisa ku soo daray “Ciidanka Midowga Africa ee Muqdisho ku sugan todobaadyadii la soo dhaafay waxay ku jireen xaalad xun, weeraro ayaa lala beegsanayay saacad kasta, waxaana ku dhaawacmay dhowr Nabad ilaaliye oo ciidankeena ka tirsan, laakiin mar kasta waxay ciidankeenu ka shaqeynayaan Nabadda, ilaa iyo haddana ma cada cidda weerarada la soo beegsaneysay ciidankeena dhinacyadda isku haya magaaladda”.

 

            Dowladda Uganda waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleysaa sidii si nabad ah ay ugu qaban lahaayeen shirka Commonwealth oo Madaxweynayaal badani ay ka soo qeyb gali doonaan, waxaana dareenka Ammaanku uu yahay mid la sii adkeynayo, iyadoo Dowladdu ay soo fasaxday kumanaan ciidanka sida goonida ah u tababaran ee SPC  oo xaafad iyo degmo kasta ee wadanka ka tirsan dhex dhooban, gaar ahaan caasimadda Kampala.

                                

            Waxaa soo aqriyay:-

            Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

           Email:- farahblue_545@hotmail.com   

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2007

Kulan looga hadlay arrimaha Somalia iyo ciidamada Africa oo ka dhacay Kampala, yaase ka soo qeyn galay kulankaas?

Kulan ay soo qaban qaabisay Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay wadankan Uganda gaar ahaan Magaaladda Kampala, isla markaana ay ka soo qeyb galeen, wasiir ku xigeenno, taliyaal, generalo iyo wakiilo ka socda dhowr safaaradooda oo Africa iyo Yuurb iskugu jira, ayaa galabta ka dhacay qasriga Joachlim House, waxaana kulankaas ku saabsanaa ka war jeynta iyo dhiiragalinta Ciidamada Midowga Africa ee kugan Magaladda Muqdiso iyo u olo oleynta sidii wadamo kale oo African ah ay ciidamo ugu diri lahayeen Wadanka fowdada iyo qasku uu ka taagan yahay ee Somalia.

Is aragan oo qaatay muddo laba saacadood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Gaashan-dhiga wadanka Uganda haweyaneyda la yiraahdo Ruth Nankabirwa, Taliyaha Ciimada Lugata ee Uganda General Katumbe Wmala, Taliyaha isku xirka good ahaan ciidamada Uganda Robert Rusoke, iyo u qeysamaha arrimaha Africa ee Safaaradda Mareykanka Eric L. Prenelow.

Somalia waxaa is aragtaas uga qeyb galay Guddoomiyaha Jaaliyadda SOmaliyeed ee Uganda Mudane Xuseen Abuukar Xasan wuxuuna ii shegay in mas'uuliyiintii kulanka ka soo qeyb galay ay marka hore isku baraarujiyeen in xaalad xun oo adag ay Somalia ka jirto, ayna ka xun yihiin wax dhan ahaan ka jira dalka.

"Tacadiyo iyo falal xun oo ammaan darri ah ayaa ka jira SOmalia, waxaana ka codsaneynaa dadka ay khuseyso in ay joojiyaan dhibka taagan" sidaa waxaa yiri u qeybsanaha arrimaha Africa ee safaaradda Mareykanka Prenelow.

"Dhowr wadan oo African ah oo ciidamo u soo dira Somalia ayaan sugeynay, laakiin weli ma soo dirin, waloow weli aan laga rajo dhigin, waxaana ka codsaneynaa in Midowga Africa ay dar-dar galiyaan sidii loo soo kordhin lahaa ciimadamo gobolka loo diro" ayay ku sii dartay Erica Prenelow.

Saraakiisaha Uganda ee is argaas ka sheekeyay ayaa iyaguna sheegay in ay walaahooda Somalia la dadaalayaan, isla markaana ay Nabadda ka taakuleynayaam, iyagoo sheegay in dhawaan ay ku darayaan ciidankooda ka jooga SOmalia 250 askari oo kale, ayna la shaqeynayaa Midowga Africa iyo beesha caalamka wixii looga baahdana ay diyaar la yihiin.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee halkan Uganda Xuseen Garweyne oo xafladdaas ka qeyb galay ayaa sheegay in arrimaha Somalia ay u dhuun duleenaan guud ahaan diplomatsiyiinta halkan joogta, isagoo sheegay inuu kulamo kale la yeelan doono safiiro Kampala jooga oo ay galabta isku soo hadal qaadeen arrimaha SOmalia, waxaana kulankii maanat uu gogol xaar u yahay kulan kale oo ballaaran oo arrimaha SOmaliya looga wada hadli doono.

Dhawaan waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha wadankan Uganda Yoweri Kaguto Museveni uu u duulo wadanka Mareykanka, halkaas oo uu wada hadallo arrimaha Somalia kula soo qaadan doono dhigiisa Mareykanka Busha oo uu marti qaad ka helay, iyadoo sidaas oo kale Uganda ay tahay wadanka kaliya ee ciidankiisa ku aaminay dalka aan siyaasad iyo nabad degan intaba aan laheyn.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kampala, Uganda
Email: farahblue_545@hotmail.com

 


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com