SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Wadaniga Axmed Jaamac Maxamed (Sagaarey) waxaa uu ka mid yahay daljirayaasha dahsoon ee Soomaaliya- Al jundul majhuul.

  • Mushaharka uu ka qaadan jirey  maqaayad ku taalay Hargeysa oo ahaa 10 Rubi ayuu bil walba ka siin jirey SNL & USP asagoo cadaalad u kala siin jirey 5 rubi SNL 5 Rubina USP
  • 1960 Asagoo goobjoog ka ahaa habeenkii xornimada ee beerta xoriyadda Hargeysa(Sareeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eegee kana siib kana saar) haddana afar beri ka dibna goob joog ka noqday calansaarkii Xamar asagoo soo galay safar deg deg ah.  Sageerey farxad darted hal xaflad oo calan saar ah kuma filnayn.
  • 1963 Sagaarey waxaa uu ka mid ahaa mutadawiciintii Hargaysa ee ku biirtay xoogga dalka Soomaaliyeed ee tababarka ku qaatay Hargeysa. Sagaarey waxaa tababarka loogu soo xirey  Cadaadle.
  • 1964 Markii Hargeysa sigatay inay inay gacanta ciidamada Ethiopia gasho Sagaarey Ina Guuxa ayuu difaac ka galay oo dalka difaacay halka saaxiibadii difaaca ka galeen Wajaale iyo Daba Gorayaale  
  • 1977-1978 Inkastoo dayuuradaha dagaalka ee Ethiopia ku heleen baabuurkii uu waday maalinimo wado cidla ah bambooyinna ku tureen Ilaahay ayaa dhinac mariyey asagana kama cabsan inuu sahay gaarsiiyo xooggii dalka Soomaaliyeed ee wadada ayuu marna ka degayey marna dib u soo karayey si uu ugu googooyo bambooyinkii xagga cirka uga imaanayeen.

Hordhac:

Maxaad ka taqaanaa dadkii xornimada iyo qaranimada Soomaaliyeed u soo halganay ee aan la aqoon? 

Waxaan ka dheregsanahay taariikhda SYL SNL USP iyo madaxadii halganka xornimadii Somaliyeed laakiin dadkii halyeyadaas baalasha u ahaa ee ay ku duulayeen waa kuwama?  Dadkii tiirarka u ahaa ama taageerada waa kuwama?  Dadkii la giraangiriyey ama goolka la dhaliyey waa kuwama.  Waa arrin wanaagsan in la  wareysto ama wax taariikh ah laga qoro,  sababtoo ah jiilkii xornimada dheliyey oo aan aniga ugu yeero faca ugu mudan jiilasha Soomaalida cimrigooda waa gabaabsi dhowaana dunida waa ka suuli donaan. 

Sababta aan ugu yeero jiilkii ugu wanaagsanaa Soomaalida (The best generation) waa sidatan: 

1)     Ayagoo qabiil meel isla dhigay oo si wada jir ah xornimo u wada doonay

2)     Ayagoo gartay inay wadaagaan dhalasho, af, diin dhaqan iyo ayagoo gartay dhulka wanaagsan ee Ilaahay ugu siiyey iyo Soomaalinimo oo midoobay,   

Aqristow maanta waxaan isku deyayaa inaan idiin baro mid ka  mid ah wadaniyiinta aan la aqoon ee runtii soo halgamay si asaga u gaar ah waxaana filayaa inaad igu raaci doontaan in sagaaray soo halgamay 

Waa kuma Axmed Jaamac Maxamed ? 

Axmed Jaamac Maxamed oo loo kala yaqaanay naaneeso badan sida: Sagaarey, Ogol ama Gacal  waxaa uu ku dhashay balliga Cirbadhkii ee u dhow Buuhoodle degaankaasna waxaa uu ka wareegay markii ay asiibtay abaartii siigocase sanadkii ka danbeeyey ee duumaale waxaana uu u wareegay dhinaca magaalooyinka.   Sagaarey waxaa uu ka mid ahaa dadkii u qaxay Burco ee degay xero qaxooti oo ku taalay Burco. 

Ahxmed Sagaarey waxaa uu Burco ka bilaabay mehraddisii ugu horeysay asagoo wiil yar ah kana shaqeeyey hudheelo badan asagoo aad moodo  inuu qasab isku qorey shaqadii ugu horeysey loona bixiyey qasbaaye.  Axmed waxaa uu u wareegay Berbera halkaas oo uu hudheelo badan ka shaqeeyey. Ugu danbayntii Axmed waxaa uu u wareegay Hargaysa halkaasoo uu ka sii waday xirfadiisii Hudheel ka shaqaynta,  Burco, Berbera iyo Hargeysa hudheeladii uu ka shaqeeyey waxaa ka mid ahaa: 

  • Gaalo Fadhiisatay (Berbera)
  • Dhalaal weyne
  • Indho cas
  • Fooq Dheere (Hargeysa)

Hudheeladan waxaa ay isugu jireen kuwa caadi ah iyo kuwo qaali ah oo markaas loo yaqaanay Oriental.  Waa hudheeladaas kuwa uu ka taageeri jirey xornimo doonkii SNL iyo USP. 

Waxaa uu fursad u helay inuu maqli jiray halku dheggii xornimo doonka iyo heesahoodii Sida: 

  • Garaad xumo yey ku qaadinoo
  • Gumeysi gacan ha ii gelin,

Waxaa uu fursad u helay Inuu la kulmo Abwaankii weynaa ee wadaniga ahaa ee Cabdulaahi Suldaan Timo Cade, dabcan markii uu abwaan Timocade lahaa 1964 

Hashii Geedankeedii rag badan goodka ku casheeyey

Hashaan gaado weynow Libaax uga Gabón waayey (Gumaysigii Ingriiska)

Inaan Gorayo Cawl (Itoobiya) uga tagaa waa wax soo gudhayeey. 

Wadaniyiinta uu isku halaynayey waxaa ka mid ahaa Sageerey oo markaa ku sugnaa jiida dagaalka ee Ina Guuxa. 

Sagaarey maanta waxaa uu ku joogaa Minnesota waxaana uu aad uga wal walaa bur burka qaran ee soo gaaray Soomaaliyadii uu u soo halgamay dad iyo dalba.  Sagaarey waxaa uu si gaar ah uga welwelaa dadka Soomaaliyeed oo beryahan doomaha kula degaan gacanka cadmeed iyo qaxootiga soomaaliyeed ee Yemen ku sugan iyo dhamaan dhibka haysta shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan caruurta Soomaaliyeed. 

Axmed Jaamac Maxamed oo aan ka quusan naxariista Ilaahay ma dhigo magaca SOOMAALI mana dhigo astaanta asagoo ku xardhay koofiyadiisa magaca Somali.

Waxaan leenahay Ahmed Jaamaca Maxamed ku mahadsanid halgankaaga iyo nafta aad u soo hurtay Somaliya abaalna  waa lagaaga hayaa dadaalkaaga. 

Maxmuud Nuur Wardere

mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2007


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com