SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo
30 October 2007.
 
Dagaallo badan oo cadowga lagu jabiyay.
 
Dilal iyo xidhay guamysigu dadwaynaha u gaystay
 
Shirar lagu qabtay London iyo Johannesburg.
 
Gudoomiyaha jwxo oo ka shirka London kaga warbixiyey dagaaladii Doollo
 
Gudoomiyaha H/arimaha dibada oo shirka London kaga warbixiyey guulaha diplomasi ee ay jwxo gaadhay.
 
 
======================        
 
 
Dagaallo badan oo cadowga lagu jabiyay.
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
 
27/10/07 Malqaqa, oo degmada Galaalshe ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, waxaana halkaas ku dhintay 60 askari oo baabuurkaas saarnaa.
 
26/10/07 Girrisa, oo Dhuxun iyo Barmiilka u dhaxaysa, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, iyadoo baabuurkaas iyo ciidammadii saarnaa oo 50 gaadhayayba ay halkaas ku bas-beeleen.
 
25/10/07 Gulasho, oo u dhaw Ceel-xaarka Qorraxey, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, iyadoo ay halkaas ciidammada cadowga kaga dhinteen in ka badan 50 askari oo baabuurkaas saarnaa.
 
21/10/07 weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidammo guamyisgu leeyahay oo ku sugnaa Daarasalaam, waxaa lagaga dilay 1 askari oo wardiye ka ahaa xerada ciidammada gumaysiga, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 2 askari. Isla ciidammadan waxaa mar kale weerar mir ah lagu qaaday 23/10/07, iyadoo weerarkaas loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
20/10/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray Qadaamuro, oo Wayla-lagu-xidh u dhaw, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 20/10/07 Huuraale waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, iyadoo khasaare aan faahfaahintiisa la haynin loogu gaystay.
 
16 iyo 18/10/07 waxaa weerarro mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhiya Dig, waxaana loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
Dilal iyo xidhay guamysigu dadwaynaha u gaystay
 
Ciidammada nacabka ah ee guamysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan oo dil iyo xidhay isugu jira u gaystay dadwayne rayad ah.
 
25/10/07 ciidammada gumaysigu waxay magaalada Fiiq ku dileen nin waayeel ah oo 75 jir, kaasoo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ibraahim Baribari.
 
27/10/07 ciidammada gumaysiga magaalada Dhagaxbuur ku xidhay nin oday ah oo lagu magacaabo Aw Daahir Shuuriye.
 
26/10/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Gabagabo ku xidhxidheen odayaal beeleedyo diiday inay ka qayb qaataan samaynta malleeshiyo Dabaqoodhi ah. Dayaashaasi waxay kala yihiin;
1-    Muxumed Faarax Qase
2-    Gaas Axmed Nuur iyo
3-    Maxamed Cabdi Gadhle
 
Isla 26/10/07 ciidammada gumaysiga ayaa magaalaad Dig ku xidhxidhay dadka kala ah;
1-    Tiimbad Dayib Cabdi Cumar
2-    Faarax Xuseen Guuleed iyo
3-    Cabdi Xuseen Guuleed
 
25/10/07 waxay ciidammada gumaysigu Daarasalaam ka soo qaqabteen dad rayad ah oo fara badan, kuwaasoo ay ku xidhxidheen magaalada Garbo. Dadkaasi waxay kala yihiin inta aan magacyadooda helnay;
1-    Cabdi-gacan Maxamuud Faarax
2-    Faadumo Makhtal C/llaahi
3-    Khadra Macalin Ismaaciil
4-    Nimco Iidoor
5-    Sahra Gaboobe Axmed
6-    C/llaahi Saxane Maxamed iyo
7-    Maxamuud Xaaji Cabdi
 
Isla 25/10/07 ciidammada guamysiga ayaa dad rayad ah ka soo qaqabtay Gurracan, waxayna ku xidhxidheen Awaare. Dadkaas waxaan maghacyadooda helnay;
1-    Nuur Ismaaciil Ibraahim iyo
2-    Catooshe Kayd Muxumed
 
24/10/07 waxay ciidammada gumaysigu guri magaalada Qabridaharre ku yaalla kala baxeen gabadh da’yar ah oo lagu magacaabo Xamdi Maxamed Mursal. Gabadhaas ilaa iyo hadda lama garanayo meel ay geeyeen.
 
22/10/07 War-gaadsan waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen gabadh da’yar oo lagu magacaabo Kawsar Cabdi Ibraahim.
 
24/10/07 Dhalacad-dhiita waxay ciidammada gumaysigu ku gubeen aqaalo soomaali dhawr ah oo dadwaynaha rayadka ahi lahaayeen. Dadka Aqalladaas laga gubay waxay kala yihiin;
1-    Cabdi Sh Biixi oo 2 Aqal laga gubay
2-    Iimaan Cabdi oo isagana 1 Aqal laga gubay iyo
3-    Maxamed Cabdi oo isagana 1 Aqal laga gubay.
 
Shirar lagu qabtay London iyo Johannesburg
 
Maaliintii sabtida ee taariikhdu ku beegnayd 27/10/07 waxaa magaalaad London ee dalka Britain lagu qabtay shir ballaadhan oo lagu falanqaynayay arrimaha Ogaadeenya, kaasoo ay soo qabanqaabisay Unugta London iyo nawaaxigeeda, waxaana ka soo ayb galay dadwayne ad u fara badan oo isaga yimid meelo kala duwan oo dalka Britain ah.

Ujeeddada shirkan loo qabtay waxay ahayd in lagu waraysto waftigii JWXO ee in dhawaalaba kormeerka ku joogay dalka Maraykanka. Shirkan waxaa sidoo kale lagu lafa-guray arrimaha ka taagan gobolka Geeska Afrika iyo saamaynta ay Qadiyada Ogaadeenya ku leedahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
 
Shirkan, oo ahaa mid aad loo xiisaynayay, waxaa hadallo dhaadheer, oo warbixin iyo falanqayn isugu jira ka soo jeediyay guddoomiyaha JWXO Admiraal Maxamed Cumar Cismaan iyo Guddoomiyaha Hooggaanka Arrimaha Dibada C/raxmaan Sh Mahdi.
 
Madaxda JWXO waxay ka qayb galayaashii shirka u faahfaahinyeen meesha ay manta marayso arrinta Ogaadeenya iyo sida dhibaatada Ogaadeenya ay u noqotay mid caalami ah oo beesha caalamku si gaar ah u danaynayso, iyadoo ay tilmaameen in taasi ay ku timid dadaalkii ay JWXO ku bixisay kasbashada beesha caalamka iyo soo afjarida siyaasadaha beenta ah ee gumaysigu ka fidiyo qadiyada Ogaadeenya.
 
Waxay sidoo kale tilmaameen in guul aad ugu ballaadhan laga gaadhay safarkoodii ay ku tageen dalka Maraykanka, iyagoo tilmaamay inay dhibaatada Ogaadeenya hordhigeen hay’ado rasmi ah iyo kuwo aan rasmi ah ahayn intaba, isla markaana loo ballanqaaday waxqabad dhab ah.
 
Sidoo kale maalintii axadda ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 28/10/07 waxaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika lagu qabtay shir wayn oo Jaaliyadda Ogaadeenya ee Koonfur Afrika ay markii ugu horraysay ku qabsatay magaalada Johannesburg.
 
Waxaa shirkaas hadal dheer ka soo jeediyay wakiilkii hore ee JWXO ee dalka Koonfur Afrika oo ka warramay marxaladaha uu soo maray halganka Ogaadeenya iyo heerka uu hadda gaadhay iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la sii kordhiyo xawliga uu halganku ku socdo, si loo soo dedejiyo xorriyada Ogaadeenya.
 
Waxaa isaguna shirkaas ka hadlay guddoomiyaha Jaaliyada Ogaadeenya ee Koonfur Afrika oo sharraxdaad ka bixiyay qaabka ay Jaaliyaddu u samaysan tahay iyo waxqabadkeeda, isagoo waliba ka digay inay jiraa dad sheeganaya inay u dhasheen Ogaadeenya oo gumaysigu hawlgaliyay, kuwaasoo ka hawlgala Koonfur Afrika iyagoo ku andacoonaya inay matalayaan shacbiga Ogaadeenya
 
 
30 October 2007
 Axmed Gaal-Eri
 
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com