SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
Wararkii: Oct 31, 2007
 
.Maraykanka oo C/laahi Yuusuf ku cadaadinaya in uu wada hadal la furo isbahaysiga dib-u-xoraynta Soomaaliya
.C/llaahi Yuusuf oo Ra'isul Wasaare ku meel gaar ah u magacaabay  
.Yaa la hadal hayaa in loo magacaabi doono xilka Ra'isul Wasaarenimo...
.Ciidamada Mareykanka oo gacanta ku dhigay Markabkii laga afduubtay
.Xafiis lagu uruuriyo Canshuuraha oo ku yaala Suuqa bacaad oo xalay lagu weerary Bam
.Xaaladda Magaalada Muqdisyo oo shalay deganeyd.
.Iska hor imaad ka dhacay Magaalada Kismaayo
 
Dowladda Mareykanka oo la sheegayo in C/llaahi Yuusuf ay ku cadaadineyso in uu wada hadal la furo.....
 
Dowladda Mareykanka oo iyadu lagu eedeeynayo in ay Ra'isul Wasaarihii DFKMG Geedi ku cadaadisay in uu isaga dego xilka Ra'isul Wasaarenimo ayaa haddana warar aanu heleyno waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf lagu cadaadinayo in uu wada hadal la furo Isbahaysiga dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliya ee lagu aasaasay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.
 
Waxaa magaalada Baydhabo la sheegay in ay ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka oo C/llaahi Yuusuf kala hadlaya sidii uu u magacaabi lahaa Ra'isul Wasaare Cusub oo bulshada soomaaliyeed ku leh sumcad iyo taageero fara badan, waxaa laga yaabaa in ergay ka socda C/llaahi Yuusuf uu u kicitimo dalka Jabuuti si uu ula kulmo qaar ka mid ah Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya, oo laga yaabo in uu kala hadlo sidii ay u qaadan lahaayeen Ra'isul Wasaare DFKMG iyo waliba xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.
 
Sheekh Shariif oo isbabahsigaasi hogaamiya ayaa waxa uu sheegay in aysan marnaba xil ka qaban doonin Dowladda Federaalka tan iyo inta ay ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin dalka Itoobiya.
 
"Isku mabaadii' maba nihin, anagana mabaadii'deenu waxay ku saleysan tahay diinta Islaamka, balse iyagu gacantooda ayay ku sameysteen iyo gacmo shisheeye" ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in iscasilaaddii Cali Max'ed Geedi ku timid cadaadis kaga yimid dhanka Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya, isagoo sheegay in Itoobiya ay haatan raadineyso mid ka shar badan Cali Max'ed Geedi, waayo Itoobiya ma dooneyso ayuu yiri in soomaaliya degto ama ummadda Soomaaliyeed helaan xasilooni.
 
C/llaahi Yuusuf oo Ra'isul Wasaare ku meel gaar ah u magacaabay  
 
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa RA'isul Wasaare ku meel gaar ah u magacaabay ku xigeenkii Ra'isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow.
 
Xilkaan ayuu sheegay Madaxweynuha DFKMG in uu hayn doono mudo dhowr maalmood ah, kadibna la magacaabi doono Ra'isul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya.
 
Saalim Caliyow Ibrow ayaa shalay kulamo la lahaa Golaha Wasiirada, isagoo la sheegay inuu shir guddoomiyey kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada.
 
Saalim Caliyow Ibrow ayaa waxa uu ka mid ahaa dadka sida aadka ah u taageersanaa Ra'isul Wasaarihii DFKMG Cali Max'ed Geedi, waxayna wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo sheegayaan in Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf uu wado kulamo iyo la tashiyo uu la leeyahay xubnaha labada Gole ee Dowladda Federaalka, waxayna wararka qaar sheegayaan in Madaxweynuhu uu damacsan yahay in uu Ra'isul Wasaaraha ka keeno banaanka.
 
Yaa la hadal hayaa in loo magacaabi doono xilka Ra'isul Wasaarenimo...
 
Iyadoo Ra'isul Wasaarihii DFKMG Geedi uu iska dhiibay xilka Ra'isul Wasaarenimo ayaa waxay wararka ka imaanaya Baydhabo sheegayaan in loo xusulduubayo cidda loo magacaabi doono ra'isul wasaare, waxayna hadal hayenta ugu badani sheegeysaa in xilkaasi loo magacaabayo Wasiirkii arrimaha gudaha ee dowladdii Cali Max'ed Geedi, Max'ed Sheekh Maxamuud (Gacma Dheere), halka warar kale ay sheegayaan in laga yaabo in loo magacaabo Xasan Dhimbil Warsame oo Dowladdii Geedi ka ahaa wasiirka arrimaha garsoorka.
 
Hadalhaynta kale ee ugu xoogga badan waxay tahay in loo magacaabi Doono Axmed Cabdi Salaan oo ka mid ah mas'uuliyiinta idaacad ka hadasha Muqdisho, wararka kale ayaa iyana waxay sheegayaan in Ra'isul Wasaare laga yaabo in uu noqdo Cali Mahdi Max'ed oo isagu hadal hayntii ugu horeysay oo soo baxda la sheegay in loo magacaabi doono xilkaasi.
 
Waxaa Magaalada Baydhabo ka socda kulamo la tashiyo ah oo la xiriira ciddii loo magacaabi laha xilka Ra'isul Wasaarenimo ee DFKMG Soomaaliya. warar ayaa waxay sheegayaan in maalmaha soo socda kulan isugu imaan doono golaha Baarlamaanka oo la hor dhigi doono in Ra'isul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya laga soo magacaabo banaanka Baarlamaanka, sidoo kale wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in uu kulan u socdo siyaasiyiinta Beelaha Hawiye, waxa uuna kulankoodu ku saabsan yahay sidii ay uga dhex muuqan lahaayeen Dowladda Federaalka, maadaama xilkii uu ka degay Ra'isul Wasaarihii DFKMG Cali Max'ed Geedi.
Isku soo wada duuboo shacabka Soomaaliyeed waxay indhaha ku hayaan waxa ka soo socda Magaalada Muqdisho.
 
Ciidamada Mareykanka oo gacanta ku dhigay Markabkii laga afduubtay
 
Sida uu noo xaqiijiyey ninkii uu u kireysnaa markabkii laga lahaa dalka Taylan oo shalay laga afduubtay dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Mariiniska Mareykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.
 
Dhamaan afduubayaashii ayaa waxaa la sheegay in ay gacanta ku hayaan ciidamada Mareykanka, iyadoo markabkaasi lagu wado in uu dib ugu soo laabto dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho oo la doonayo in uu ka qaado rar.
 
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Mareykanka gacanta ku dhigaan markab laga afduubto xeebaha Soomaaliya, kal hore ayay ahayd markii ciidamada Mareykanka ay gacanta ku dhigeen sagaal burcad badeed ah oo doonayey in ay afduubtaan markaba marayey xeebaha Soomaaliya, waxaana dadkaasi haatan maxkamad lagu soo taagay dalka Kenya.
 
Doraad ayay ahayd markii kooxo burcad badeed ah ay afduubteen markab laga leeyahay dalka Japan oo ay siday waxyeelo kiimiko ah ilaa iyo haddana lama garanayo halka markabkaasi lala aaday, iyadoo kooxaha burcad badeedka ah ay haatan gacanta ugu jiraan ilaa iyo shan markab oo laguhayo  xeebaha Xarardheere.
 
Xafiis lagu uruuriyo Canshuuraha oo ku yaala Suuqa bacaad oo xalay lagu weerary Bam
 
Ilaa iyo saddex bam ayaa lagu dhuftay xafiis lagu uruurinayo canshuuradaha oo ku yaala Suuq Bacaad ee degmada Yaqshiid.
 
Xafiiskaasi waxaa la sheegay in ay ka maqnaayeen ciidamadii ka hawlgalayey, waxaana lagu waramay in aysan cidina khasaaro ka soo gaarin, basle warar ayaa waxay sheegayaan in hal qof ay waxyeeloka soo gaartay.
 
Ma ahan markii ugu horeysay ee Suuq Bacaad waxyeelo loogu gaysto kooxaha ku hawlan canshuur uruurina maamulka Gobalka Banaadir, waxaana dhawaan halkaasi lagu dilay labo sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Dowladda Hoose.
 
Qaraxyadaan ayaa waxay ku soo beegmeen xili ay Magaalada Muqdisho shalay deganeed, iyadoo meelaha qaar ay dib ugu soo laabteen ganacsigii iyo isku socodkii, walow ay weli xiran yihin wadooyinka qaarkood.
Qaraxyadaan ayuusan ka hadlin maamulka Gobalka Banaadir, iyadoo saddex maalmood dagaal uu ka socday Magaalada Muqdisho, kaas oo sababay in dad fara badan ay isaga qaxaan Magaalada, ayaa haatan dadku waxay ku jiraan walwal iyo cabsi iyagoo ka cabsi qaba in mar kale ay isku dhacaan koxoaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.
 
Xaaladda Magaalada Muqdisyo oo shalay deganeyd.
 
Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa shalay ahayd mid aad u deganeed, axaana dib loo furay qaybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, sidoo kale waxaa dib loo furay qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, sidoo kale dadka qaar ayaa dib ugu soo laabtay guryahooda, kadib markii ay maqleen hadal ka so yeeray guddoomiyaha Gobalka Banaadir Max'ed Dheere oo ahaa in aysan dadku barakicin guryahoodana ay ku nagaadaan.
 
Qaar ka mid ah wadooyinka ayaa weli xiran, oo gawaaridu meelo fog fog ayay ka soo wareegayaan, sidoo kale ciidamada Dowladda Federaalka ayaa meelaha qaar ay dhac ka gaysteen, iyadoo dadka qaar ay ka cabsi qabaan in mar kale uu isku dhac dhex maro kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka.
 
Dadka qaxaya ayaa waxaa la sheegay in ay dhibaato ku haysato duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu jiro xili aad u kulul, iyadoo sidoo kale lagu guda jiro xiligii dayr oo laga cabsi qabo in dadkaasi ay ku dadaan roobab aad u xoogan.
 
Bulshada rayidka ayaa ugu baaqday maamulka Gobalka Banaadir in ay ciidamadaka saaraan qaar ka mid ah wadooyinka si ay Bulshadu kalsooni u hesho dibna ugu soo laabato Magaalada Muqdisho, waxayna xaaladda Muqdisho shalay la dhihi karaa waa ay deganeed, wallow ay meelah qaarkood weli is hor fadhiyaan ciidamada iyo kooxaha ka soo horjeeda.
 
Iska hor imaad ka dhacay Magaalada Kismaayo
 
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad dhex maray labo kooxood oo maleeshiyo ah oo ku sugan Magaalada Kismaayo, waxaana iska hor imaadkasai ku dhintay labo qofood waxaana ku dhaawacantay dhowr qofood oo kale.
 
Inkastoo aan la garanayn sababihii uu iska hor imaadkasai ku bilowday haddana waxaa Magaalada Kismaayo ka dhacayey iska hor imaadyo iyo dilala, inkastoo odoyaasha Kismaayo ay ku guuleysteen in labo qofood oo horey dil u gaystay ay meel fagaare ah ku toogtaan, balse arrintaasi ma yareyn dilalka iyo iska hor imaadyada ka jira Magaalada Kismaayo.
 
Ilaa iyo hadda gobalku ma lahan wax maamul ah, waxaana arrimaha Magaalada Kismaayo lagala tashadaa Odoyaasha Beelaha oo iyagu markasta kala dhex gala ishaysiga u dhexeeya Beelaha halkaasi ku nool.
Isku soo wada duuboo Gobalka J/hoose, gaar ahaan Magaalada Kismaayo waxaa 17-kii sano ee laga soo gudbay isku bedbedelayay maamulo dhowr ah oo aan ku guuleysan in ay nabad buuxda ku soo dabaalaan gobalkaasi.
 
Amiin Yuusuf Khasaaro

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com