SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

Wargeysyada Sweden oo qaarkood u soo dhigtay iney aflagaadeeyaan Nabi Muxamed (NNKH)

[Maxeyse tahay ujeedada ka dambeysa daabacada sawirada ihaanada ah?] 

Muddo dheer kama soo wareegin markii baadari ku sheeg hogaamiya mahdabka Kataliga ee diinta Masiixiga uu si badheedh ah goob uu ka aqrinaayey qudbad si aan xishood laheyn u aflagaadeyey  Suubanaheena Muxamed ah NNKH. Sidoo kale wargeys xag jir ah oo isana laga leeyahay dalka Denmark ayaa sawiro kartoono ah uu soo sawiray ku misaalayey suubanaheena. Dhacdooyinkaasina daan daansiga aad geed ku gabashada laheyn ee falalkaasi lugu ihaanayey Rasuulkii Alle cawaaqib xumadii ka dhalatay cid walbaa waa ay ogsooneyd, saas oo ay tahayna waxaa ay arrimahani ku soo af jarmeen in muslimiinta caalamka ee meel weyn looga dhacay lana ihaaniyey Rasuulkoodii ay talaabo muuqato qaadin halkaasina lugu damiyey xiisadihii falalkaasi la dhashay.

Hadaba iyadoo arrimahasi oo dhan ay warbaahinta caalamka si weyn u soo tebisay ayaa hada waxaa la isweydiinayaa sidee ayey wargeysyada wadankan qaarkood ay ugu bareereen iney soo daabacaan sawiro ihaano ah oo wax udhimaya dareenkana in ka badan labo bilyan oo muslimiin ah? Jawaabtu waa mid cad oo aan u baahneyn in su'aal laga keeno waxeyse ku xiran tahay sida falalka noocan ay ay muslimiinta uga gaashaanta si hada kadib aysan markale u dhacin.  

Muddo ku dhawaad toban cisho ayaa laga jooga markii wargeys lugu magacaabo  Nerikes Allehanda  (NA) oo kasoo baxa dalkan Sweden uu soo daabacay sawir kartoon ah oo u sawiray xag jir reer Sweden ah oo lugu magacaabo  Lars Vilks. Ninkani waxa uu sawiray sadex kartoon oo ugu talagalay in lugu soo bandhigo madxafyada dalkan qaarkood uu inta badan diiday iney sawiradaasi ihaanada ah soo bandhigaan hase ahaatee wargeyskan ku dhisan oo aaminsan afkaaraha xagjirnimada ah ayaa ogolaaday in sawiradaasi kartoonada ku soo daabaco taasoo keentay in muslimiinta reer Sweden gaar ahaan gobolka Örebro oo ah halka wargeyskaasi kasoo baxo ku banaanbaxay una diray waraaqo cabasho ah oo ku muujinayeen dareenkooda ku aadan sawiradaasi foosha xun, hase ahaatee tafaftiraha wargyskasi ayaan dhajlaq u siin cabashadaasi waxaana ay arrintani keentay in si tartiib tartiib ah ay cararadii muslimiinta Sweden soo baxdo. Maanta oo jimcahana waxaa xarunta wargeyskaasi ku hor banaan baxay in ka badan 400 oo muslimiinta magaaladaasi.

Dhinaca kale dowlada Iiraan ayaa noqotay dalkii ugu horeeyey ee muslin ah oo si diblomaasiyadeed arrintan ugala hadlay safaarada Sweden ee dalkeeda waxaana madaxweynaha dalkaasi Iiraan sheegay sawirada noocaasi iney yihiin kuwo ihaano ah oo wax u dhimayo damiirka muslimiinta caalamka. Sidoo kale wuxuu sheegayin kooxo xag jir ah oo diinlaawe yaal ah ay ka dambeeyaan daabacada sawirkaasi islamarkaasina aysan dooneyn in dowlada Sweden ay xirriir la yeelato dalalka Islaamka. Sarkaaö sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Iiraan waxa uu sheegay in xorriyada saxaafada ay dowladiisa tixgeliso balse loo baahan yahay in saxaafada reer galbeedka aysan xorriyadaasi meel uga dhicin waxa balaayin muslimiin ah ay aamisan yihiina la ihaaneyn. Dalka Pakistaan magaalo ku taala ayaa sidoo kale waxaa maanta oo jimco ah ka dhacay banaan bax ka dhan ah wargeyskaasi waxaana halkaasi lugu gubay calanka Sweden. Dowlada Sweden ee dhawaan talada dalkan la wareegtay oo haatan dareensan wel welka ay amuurtan leedahay ayaa u muuqata mid aan dooneyn ineywax ka qabto. Ra'iisal wasaaraha Rainfeldt waxa uu sheegay inuu texgelinayo waxa uu ku tilmaamay xorriyada saxaafada oo uusan dooneyn in wixii siyaasad shaqo ku leh ku amro wargeysyada iney daabacaan, hase ahaatee wuxuu sheegay inuu jecel yahay in dalkiisa muslimiinta iyo masiixiyiintaba ay nabad kuwada noolaadaan taasina uu ku da daalayo.

Ikraam Cali-kaar | Sweden

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 1, 2007 

minneapolis
Minneapolis: Maalintii Labaad ee Mutamarkii Muslimiinta W/Ameerika

Muxaadarooyinkii Sabtidii waxaa ka mid ahaa:
. Rumaynta Allah | Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar
. Hilibka Culimadu waa Sun | Sh. Nuur Ciise
. Khaladaadka la xiriira Guurka iyo Furiinka | Sh. M. Khadar
. Ha is Khilaafina si aydaan u Fashilmin | Sh. M.C. Kaariye
. Maxaa u dhexeeya Qabiil iyo Qabyaalad? | Sh. C/razaaq
Warbixino koobaya muxaadarooyinkaas ka akhri halkan... Sept 2

Mutamarkii 7aad ee Muslimiinta W/Ameerika oo Si Rasmi ah uga socda Minneapolis...
Muxaadarooyinkii laga soo jeediyey Jimcadii waxa ka mid ah:
.Tarbiyadda aan Saxda Ahayn | Sh. AxmedNuur Macallim
.Sidee Qur'aanka Uga Faa'iidaysanaa | Sh. Maxamed Khadar
.Ikhlaaska iyo Raadka uu Ku Leeyahay Dadka | Dr. Maxamed
.Sunnada iyo Xujanimadeeda (daliilsigeeda) | Sh. Sancaani
.Hanuunka iyo Sababihiisa | Sh. C/laahi ABul-Fadli
.Fahamka Sidii Loogu Gargaaray Rususha | Sh. C/raxmaan
Warbinno aan ka diyaarinnay muxaadarooyinka ka akhri halkan Sept 1

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com