SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 Kee Hadal badan Ragga mase Haweenka..?!!

Waxaa badanaaba la aaminsan yahay inay Haweenku aad uga hadal badan yihiin Ragga. Wax-qiyaasid hore u jirtay ayaa sheegaysa in ay Haweeneydu isku-celcelis-ahaan ku hadasho maalintii timaaddaba 20-kun oo Eray(kalmad), halka uu ruuxa Ragga ahi ku hadlo 7-kun Eray oo kaliya maalintii oo dhan.

Cilmi-baarayaal Maraykan ah, oo ka kala tirsan Jaamacadaha "Taksis" iyo "Arizona", ayaa Cilmi-baaris ay dhowaan sameeyeen, waxay ku soo bandhigeen Natiijo ka duwan taas hore u jirtay.

Waxay Natiijadan cusubi muujinaysaa in ay Ragga iyo Haweenku maalintii kastaaba ku hadlaan qiyaas isu-dhow. Waxay Cilmi-baaristani tibaaxaysaa in ay:- Ruuxa Haweeneyda ahi maalintii la arkaba meel-dhexaad ahaan ku hadasho 16.215-Eray, halka uu Ruuxa Ragga ahi ku dhawaaqo 15.669-kalmadood maalintiiba. Taas waxaa uu micnaheedu yahay inay Ragga iyo Haweenka u dhaxayso oo kaliya farqi ah 546-kalmadood/maalintiiba.

Cilmi-baaristan oo socotay 1998 ilaa 2004-tii, ayaa waxaa lagu sameeyay Rag iyo Dumar isla tira ekaa, kala nooc-nooc ahaa, duruuftooda nololeed kala duwanayd, kuna kala noolaa dalalka Maraykanka iyo Meksiko. Waxaa Cilmi-baarista loo adeegsaday Rikoorro, Kumbuyutarro, Cajalado iyo qalabyo kale ee casri ahaa.

Murtiyo Soomaaliyeed ayaa ahaa:- (a) Rag waa Shaah, Dumarna waa Sheeko. (b) Hadal Haan ma buuxsho. (c) Hadal nin badiyayna ma wada dhihin, nin yareeyayna kama wada tagin.. (d) Hadal waa Mergay oo kale, hadba meel buu u jiidmaa.. (e) Hadal yar, Hawl badan iyo Hanuunsanaan ayaa dhaqso lagu horumaraa...

M.M.Kaalmoy - kalmoi@hotmail.com
 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com