SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa saamayn ku yeesha caafimaadka qofka?

Caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa siwayn waxa uu ugu xidhan yahay hab-dhaqankiisa nololeed qofka shaqsiga ah, taasoo qofku ku noolaado caafimaad hadii qaab nololeedkiisu hagaagsan yahay, ama uu xumaado hadii qaab nololeedkiisu xun-yahay.

Sida ay had iyo goor sheegaan culimada arimaha caafimaadka u dhabo galaa, caafimaadka waxaa saamayn ku yeesha waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin

  • Isticmaalka sigaarka
  • isticmaalka alkoolka (Khamriga)
  • Cunto xumida
  • isticmaalka jaadka iyo jimicsi la'aanta

Waxaa intaa raacda wasakhawga biyaha, sida biyo aan nadiif ahayn, qiiqa mashiinada. Waxyaabahaasi waa kuwa ku lugta leh ama sida laxaadka leh u keena cudurada ay ka mid ka yihiin sida kansarka, wadne iyo sambab xanuunka, kelyaha iyo beer xanuunka. iwm.

Lacag badan ayaa dadka kaga baxda caafimaadka, iyadoo hadana lacag badan oo kale ay kaga baxdo waxyaabaha cudurada keena ee aynu hore u soo sheegnay. Baadhitaano laga sameeyay meelo badan oo ka mid ah caalamka ayaa lagu ogaaday in waxyaabahani marka ay caado u noqdaan qofka inaanay saamayn oo kaliya caafimaadkiisa hase yeeshee ay raad ku yeeshaan oo kale cimrigiisa nololeed.

Caadooyinka xun-xun waxaa lagu bedeli karaa kuwa lidkooda ah ee wanaagsan sida cabid la'aanta sigaarka, cabid la'aanta kahmriga, cunid la'aanta jaadka, cunitaanka quraacda, inaan wax la cunin inta u dhaxaysa xiliyada cuntada, in lagu dadaalo miisan dhex-dhexaad ah, hurdada oo la seexdo ilaa 7-8 saacadood maalin kasta iyo jimicsi joogto ah.

La qabsiga caadooyinka wanaagsan ayaa ka fudud bedelka kuwa xun-xun, tusaale ahaan inaad diido cabida sigaarka ayaa ka fudud inaad joojiso cabida sigaarka. Arin tani waxa ay si wayn muhiim ugu tahay dhalinyarada waayo marxaladan wuxuu qofku wuxuu qaabayn karaa inta uu yahay dhalinyarta, iyadoo go'aanada uu marxaladan uu qaataa iyo caadooyinka uu sameeyaa ay raad ku yeelan doonaan mustaqbalkiisa dambe.

Bal u fiirso hadii qaab-nololeedkaagu halis gelinayo caafimaadkaaga ka waran hadii marka aad waayeel noqoto (qof wayn noqoto) inay kugu adag tahay bedelka qaab-nololeedkaaga.

isbedelka qaab nololeedka xun ee halista ku ah caafimaadka wuxuu ku xidhan yahay inta badan sida ay taageerada la siiyaa iyo dhiiri galinta wanaagsan ee uu helo. Wacyi galinta iyo ololeyaasha ka dhanka ah cudurada iyo caadooyinka keena ayaa wax badan bedeli kara.

Hadaba caafimaadka wacan sida loo gaadhaa ma adka, hase yeeshee way fududahay sida loo waxyeelaa. talaabo wanaagsan ood qaadaa waxay dhalin kartaa xaalado fayo-qab ah oo aad ku faraxdo.

Dhayalsiga ku xad-gudubka jidhkaaguna waa macno daro marka caqli fayow la adeegsado.

WQ: Maxamuud maxamed yusuf
Hargeisa, Somaliland.
E-mail: xuuto_2005@hotmail.com or wali335@gmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com