SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

hurreDooxato (Gabay) - WT: Hurre

AS/WR/WB

 hurreaxmed@yahoo.co.uk

Sept 4, 2007


Bacda salaan tixdan hoos kamuuqata waxaa tiriyey nin la yidhaaho Hurre Dabayl, tixdu iyada ayaa is fasiraysa waxaana ogahay bulshada soomaaliyeed inaan hadalka loo tafsiirinba oo ay yihiin umad aad ugu xeeldheer xaga baandhaynta hadalka oo waxaaba laga yaabaa adigii sheegey inayba sidii aad u rabtey si kaga haboon mararka qaarkod iyagu uduwaan, wixii su'aala ah, sixida iyo dhaliilba diyaar baan u ahay insha allah sidaa iyo akhrin wacan 

  1. Da'da maanso doorkeeda gabay amase deeleeyda

  2. Doodeeda nimankii yiqiin daaye midhihiiye

  3. Dabaylaha socdiyo waxay arkeen dayra dhaaf yada'e

  4. Ninweliba markuu daqaqamay dib uga maageene

  5. Daab_gudinka lala yaacayay doc uga baydheene

  6. Aniguna daleel baan kahelo waysku deyeyaaye

  7.  

  8. Qaaruu duwaday oo ibleys dacay geshoo waalay

  9. Shaydaan inuu duufsadoo dalow ka tuuryeeyey 

  10. Dijaal iyo nimruud baa kakacay degeladeeniiye

  11. Diintuna danteen maahabay duhur yidhaaheene 

  12. Dastuurkii ilaahay markii debeda loo tuuray

  13.  

  14. Dariiqii rasuulkiyo intii dawgi laga leexday [SCW]

  15. Diiwaanki gaaladu qortaa deegta noo sudhane

  16. Daliil waxan u soo qaadaniyo waxay ku doodaanba

  17. Diimuqraadi mooyee mamaqal daa'im baayidhiye

  18. Dulmigii fircoon lagu rogaan dabada haynaaye

  19.  

  20. Afartaa sidii danab qarxaday dininig maw yeedhshey

  21. Diryaanka iyo qaylada dheguhu haba dilaaceene

  22. Dananka iyo qoobkii farduhu duul ha kiciyeene

  23. Diyaar haw noqdeen inamadii diinta loodhigaye

  24. Dab weyn waa inaan oogo oo dogobya saaraaye

  25.  

  26. Nimanyohow damiir xumada waa lagu duloobaaye

  27. Nin dayacay dalkii uu xukumay waa damiinimo'e

  28. Dareenkaygu diid ina ragow waxad dul joogtaane

  29. Dad_qalatooyin baa soo bixiyo qaar dad qaadya’ahe

  30. Duubi weyne iyo suudi iyo duulkaloo wehesha

    Dugaal malaha cali geeddi iyo xayle dabagaabe

  31. Dilaa weeye ina yuusuf aan waana dahirine

  32. Duruus iyo culuun wuxu yaqaan dumiya weeyaane

  33.  

  34. Dillaaleyda nimmankii ahaa daydaygiyo hoogga

  35. Dugaagii in badan joogey iyo diiratadi dhaaftay

  36. Dulinkii arliga boobayoo degelka qaadaayey 

  37. Daafkii indhaha ina tiriyo tiibbey nagu daahday

  38. Dabadheer abaartii ahayd lagana soo doogey

  39.  

  40. Duufaanti ina soo martiyo durrey wixii yiiley

  41. Duumadii fadhiyey koonfur iyo cudurki daahyaale

  42. Duligay wadaadadu baxsheen lagana daawoobey

  43. Duulkii horoo xamar fadhiyey wax'isma doorshaane

  44. Darkan maanta joogiyo iyagu waa dirkii ba'aye  

  45. Danna kamale soomaaliyeey dabar go'aagiiye

  46.  

  47. Si'uu ugu dangiigsado kursiga uguna dooyaysto

  48. Dallacaad si uu ugu heliyo dereja dheeraada

  49. Dawlada shisheeyiyo intuu duulal ugu yeedhay

  50. Duulaan intuu ciriyo dhulla daafta kala raacay

  51. Dugaag iyo intii uu dalbaday dooxtiyo qawle 

  52.  

  53. Diigaanya gaalaa intuu xamar dabaalsiiyey

  54. Digifiyo amxaar iyo tigriyo doofil noo taliye 

  55. Duqayn iyo madaafiic intuu daawa uga yeelay

  56. Dabaabaadka aan guban wixii nalagu soo daayey

  57. Kaaraha dandaamani wuxuu dulun_dulcaynaayey

  58.  

  59. Afartaa sidii danab qarxaday dininig maw yeedhshey

  60. Diryaanka iyo qaylada dheguhu haba dilaaceene

  61. Dananka iyo qoobkii farduhu duul ha kiciyeene

  62. Diyaar haw noqdeen inamadii diinta loodhigaye

  63. Dab weyn waa inaan oogo oo dogobya saaraaye

  64.  

  65. Dumar wada xijaabnaa kufrigu wuxu ku doobyaayey

  66. Hablihii daboolaa wixii daaha laga qaaday

  67. Darmaan ugub dariiqyada wixii lagu dulaalaayey

  68. Diinlaawe jaahili wuxuu doca docaynaayey

  69.  

  70. Doqoniyo amxaariyo waxay dabato boobaysey

  71. Iyadoo an doonayn wixii lagu duduucaayey

  72. Daa'ima caruureed halgaad wuxu ku duubaayey

  73. Daraasiin agoomaa wixii debeda loo saaray

  74. Deregli'i masaakiin wixii dhaxanta loo daadshey

  75.  

  76. Daadkiyo wixii uu lategey webiga soo daacay

  77. Dumaal naaga waayiyo wuxuu dumarku ooyaayey

  78. Duqooshi iyo waayeel warmaha wuxu ku duugaayey

  79. Digtooriyo waxay xaaqayeen culimadii diinta

  80. Dulaabtiyo waxii'ay ardada dacawo boobaysey

  81.  

  82. Da'yartiyo waxay laynayeen doobabkiyo xooga

  83. Duubcad iyo waxay cuqaladii digi kayeedhaysey

  84. Denbi li'i wadaad wuxuu xabsiga ugu diboodaayey

  85. Daraawiish sideedii wixii nala duqaynaayey

  86.  

  87. Afartaa sidii danab qarxaday dininig maw yeedhshey

  88. Diryaanka iyo qaylada dheguhu haba dilaaceene

  89. Dananka iyo qoobkii farduhu duul ha kiciyeene

  90. Diyaar haw noqdeen inamadii diinta loodhigaye

  91. Dab weyn waa inaan oogo oo dogobya saaraaye

  92.  

  93. Dacwad kale hadii aan dadyohow idin dareen siiyo

  94. Daboolkiyo hadii aan karogo deyrka yare saaran

  95. Dabcigeenu waa miday dadkiyo dunidu yaabeene

  96. Duurjoogtu ficilkaa maliyo habar dugaageede

  97. Wax naloogu dawgalay caqliga daxashan weeyaane

  98. Dibin_daabyadiyo beenta iyo dalabta weeyaane

  99.  

  100. Dabaqawda ina haysa iyo diiftan bixi weydey

  101. Dabaylahakan soo foole baa noogasii darane

  102. Dulalaati baa muuqda oo daaqadaa furane

  103. Dunuubteena qaybteed miyaa nalagu soo daayey?

  104. Dembigaan falloo badan miyaa nala dareensiiyey?

  105. Dubihii ilaah naguma dhicin waase noo digaye

  106.  

  107. Qof haduu dambaaboo markale dib uga soo laabto

  108. Dulqaad badan ilaah baalehoo doo'imoo jira'e

  109. Deyntii horoo lagu lahaa wuu ka daahirine 

  110. Daba qabasho waa leenehee sidan inaan deyno

  111. Dib inaan u eegnay lamudan duug waxay noqone

  112. Hadii kale deyoowgaa kujira dacar ad leefteene

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com