SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

RUSSIA: Meel Noloshu ka raqiisan tahay Geerida! 

      Haddii aad maqasho meel Noloshu qaali ka tahay oo dhimashaduna raqiis ka tahay wax weyn oo aad la yaabto ma laha, laakiin ka warran haddii ay jirto meel Noloshu raqiis ka tahay, geeriduna qaali ka tahay oo aan la awoodi Karin in qofkaasi la duugo!.

      Dhammaan goobaha dadka lagu aaso/Qabuuraha waaweyn ee caasimadda dalka Russia Moscow ayaa lagu warramay in ay gaareen heereen heerkii ugu sarreeyay illaa Naxashkii Madaxweynihii hore ee Russia Boris Yeltsin uu ku sigtay in uu boos lagu aaso ka waayay Qubuuraha weyn ee Magaallada Moscow!.

      Mas’uul sare oo ka tirsan Dowladda Russia oo wareysi siinayay warbaahinta waxa uu xusay in aysan haatan jirin goobo lagu aaso siyaasiyiinta waaweyn iyo ragga caanka ah, taasoo uu xusay in ay xoogaa la mid tahay Qubuuraha magaallooyinka waaweyn ee dunida, balse midda Moscow ay sii dheer tahay lacagta qofkii dhinta lagu aasayo oo gaareysa 14,000-Euro.

      Maadaama Qubuuraha dadka lagu aaso ay cariiri ka noqdeen dalka Russia ayaa haweeneyda duqa magaallada Moscow waxa ay ugu baaqday Muwaadiniinta in ay qofkii dhinta ay gubaan, maadaama ay yaraatay ama aan loo heleyn meel lagu aaso, waxaana tani ay ka careysiisay Kaniisadda weyn ee Orthodox-ka iyadoo arrintaasina ku tilmaantay Fal aad u xun oo aan loo dulqaadan Karin, waxaana ay tilmaantay in goobta qofka dhintaa loogu talo galay ay tahay Ciidda.

      Caddeymo dhowaan la soo bandhigay ayaa waxay caddaynayaa in 20% dadka Russia ay haatan Gubaan Meydadkooda, iyadoo qolyaha Meydadka guba ee Caasimadda Russia-na haatan lagu warramayo in shaqadoodii ay aad u korortay, maadaama dadku ay haatan halkii ay ka aasi lahaayeen meydadkooda ay gubayaan, sida dhaqanka Hindida oo kale.   Khabiir u dhashay dalka Jarmalka oo ka hadlayay dhaqankan dhowaan ka soo cusboonaaday dalka Russia ayaa waxa uu xusay in loo baahan yahay in si weyn loogu baraarugo, isla markaana jiilka cusub laga yareeyo qiimaha qofka meydka ah lagu aaso oo sida caadiga ah gaareysa 400 Rouble (RUR) oo u dhiganta (14,000-Euro), halka meydkii la gubayana uu ku kacayo 4,000-Rouble oo qura.

      Saxafiyad u dhalatay Russia oo ka hadlaysay sare u kaca qiimaha dadka lagu aaso iyo goobaha lagu aaso oo iyagana buux dhaafiyay waxa ay ku maah-maahday “Nin dhintay Kobtiisaa ka roon!” ama “Nolol ka raqiisan geerida!!!”. 
 

W/D: Yaxye Yuusuf Khasaaro

e-mail address; yaxyekhasaaro@hotmail.com  

                 yaxyekhasaaro@gmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixa

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com