SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Rajada Asmara Ma Runbaa !

Hussein A. Gendisch
Rolesville, NC, USA
Gendisch@aol.com 

“Diidnayey Ogoow dalkyaga ninkii doonayayoow, inuu duudsiyo raboow, inagu diidnayey ogoow. Ninkii dilay walaalkaay inana waa noo danleeyehay daqarbaa gari doonee , soomalaay daya“ 

Shaki badani iigama jiro in soomaaliya ay ku dhacday hadaan jiritaankeeda qatar ku ah  aad u hoseeysa oo ay adagtahay in dib looga soo saaro inta jiilka maanta joogaahi nool yihiin . waxaa is biirsaday fikirkii qabiilka ee lagu hoday soomaliya, kii argagixisada ee lagu hoday islaamka ee reer galbeedku salka u yihiin iyo kii cadowga itoobiya oo in ka badan  700 sano ku taamayey in soomaliya uu maalin ka tali doono. Miyaa soomaliya looga saari karaa dagaalka qabaailka gilgishay iyo kan wadaada oo kaliya mise waxaa loo baahan yahay waji kaa ka duwan oo siyaasadeed oo mideeya xoogaga kala fikirka duwan ee cadowga ka soo horjeeda soomaliya loo bandhigo. 

Siyaasada Diinta iyo Qabiilka ! 

Waxaa inta badan la isku raacsan yahay in salka dhibaatada soomaliya hoday  ee ay u lumiyeen dalkoodii ay tahay cudurka qabiil ee la siyaasadeeyey, ee loo isticmaalay in lagu fuliyo dano qabiil oo meel ay ku dhamaan doonto aanay qof garanayn. Waxaa  uu cadowga itoobiya hore u hantiyey goboladii waqooyi iyo bari , isagoo ku beer laxawsaday in ay yihiin dad xor ah oo nabadi ka jirto uuna doonayo inuu la sameeysato wada shaqayn ganacsi  maadaama dhulkaasi nabad yahay, waxaa maanta rafadkii ugu danbeeyey ku jira muqdisho oo kaliya oo ah meesha wax dhaqdhaqaaq  iska cabin ka jiraan dalka gudihiisa, oo dagaal diimeed mid wadanimo intaba ka jiro si looga saaro cadowga soomaliyeed dhulkii hooyo. Waxaa ay ila tahay in  dadkaas dagaalmaya ay inaga mudan yahay in lala garab istaago taageero, niyadeed mid dhaqaale iyo mid ciidan intaba , si cadowga dalka looga xoreeyo “ soomali dadkeedaa leh , kana talin kara “ waxaa unkamaya guddiga midnamada hawiye ee uu Hogaamiyo dhaqameed aan siyaasad  shuqul  ku lahayeen  , balse dareensan dhibaatada dalkooda cadowgu ku hayo, waxaa ay noqdeen buundadii kaliya ee fureeyd ee  looga gudbayey wadaadnimada lagu istaanbeeyey shacabka reer muqdisho si loo gumaado iyo  mida dhaqdhaqaq  xornimodoon oo baahsan oo soomali oo dhan ka qayb qaadan karto. miyeey wadaadadu aaminsan yihhin in kaligood ay dalka ka xoreeyn karaan itoobiya ?

Jawaabtu waa maya. Waxaa loo baahan yahay in  ay soomali oo dhan ay dagaalka ka qayb qaataan dalka meesha ay rabaanha ka joogaan , oo ay somaali dhisato hogaan siyaasadeed oo isku dubarida , xoogaga siyaasadeed iyo ciidan tasoo saldhig u ah sidii dalka looga saari lahaa cadowga itoobiya. Loona gaarsiin lahaa asxaab siyaasadeed oo qaranka doorasho  ku soo dabaasha. Ururka midnimada beelaha hawiye waxaan leeyahay ,waad mahadsan tihiin inaad ka soo baxdeen kaalintiinii markii aad si cad u hor istaagteen cadowga itoobiya iyo kuwa uu ku adeegto waxaa la joogaa waqtigii laga gudbi lahaa qabiil in qaran lagu raadiyo loona gudbo in inta isku quuluubta ah ay wax soomaali u cuntami kara sameeyaan oo qaranka dib ugu soo celiya meeshii uu joogay 47 sano ka hor. Tasoo aan u arko in ay tahay waqti soomali ka lumay maadama ay dib u gashay mustacmirad kale oo ka liidata kuwii ay gobonimada ka qaadatahy. Oday somaliyeed oo ka soo jeeda Gobolada waqooyi ee soomaaliyeed  baa reer koofureedku uga cawdeen in qabaailka koofurta jooga ay itoobiyaanku dhexdhexaadiyaan maanta kadib markii ay hub isugu dhiibeen,  markaaasuu yiri “maadinkaaba wali wax arkay hadii aadan  hada iska qaban waxaad gaari doontaan maalin  in marka aad gabdho kala guursataan ,  ay Yardaha idiin kala qaadaan . miyaanaan ku socon fikirkaas guracan ee soomali lagu kala qaybiyey si miidkoodna aanu kan kale ula hadal si ay u gartaan maxaa inoo dan ah. 

Dhaqdhaqaaqa Xoreeynta Qaranka soomaiyeed  

Hadii aan mar isla garanahy in soomaliya in la xoreeyo loo baahan  yahay , maadaama cadow isu baheeystay  uu dalkii qabsaday , waxaa loo baahan yahay in ururkaas lagu unko iyadoo la eegayo arimo badan oo  hadii aan muhimad la siin lagu fashilink karo. Oo maxaa ka mid ah : 
 

  1. In marka hore ururku uu soo bandhigo qorsho siyaasadeed oo dalka looga xoreeyn karo cadowga itoobiya .iyadoo aan cadowtimo loo muujinayn dowladaha garadarada ku taageersan itoobiya, iyo waxa xigaya marka cadowga dalka laga saaro.
  2. In ururku sameeyo hogaan , dadka hogaaminiyaa ay yihiin kuwo aqoon siyaasadeed u leh cadowga ka soo horjeeda ee sedexda waji leh ( Mid argagixiso u haysta, mid dalka inuu dhaxal guuriyo u qabsaday , iyo mid soomali ah qabiil , Lacag iyo awood doon cadowga ugu yeertay) . qofkaasi waa in ay aadna ay ugu dheer tahay Somali nimadu kuna yartahay ficilka qabiilku. Hadii loo baahdo, Waxaa haboon in aan laga dhigin beelaha aad isugu heeysta qaranka hogaankiisa oo intooda badan ah kuwa masuulka ka ah  dhibaatada maanta ku dhacday qarankii soomaliyeed  ( H&D).
  3. In hogaanka uu noqdo , mid aan isagu meesha u iman dhaqaale kororsi iyo awood jacayl arigtidooduna ka fog tahay  , xooggaa magaca oo aad maanta hesho. ( qof aan u baahnayn iinuu nolol ka dhigto siyaasada oo kaliya ee hadii howsha wadi waayo ama waqtiguusu dhmaado u leexan kara xirfadihiisa kale sida aqoonta ama ganacsiga )
  4. In la iska ilaaliyo hadaantii siyaasadeed  ee maxaakiimtu ku dhacaan , kadib markii ay kasi waaayeen inaan loo baahanayn inaad hogaan ka dhigato , qof la doondoonayo waqtigan , sidii la doono haloogu soo marmarsiyoodee wax uusan  shuqul ku laheeyn . ( people who can play Political Games)
  5. In aan leeysku qaldin laysna hoos galin qarankii soo maliyeed ee lumay iyo kuwii hore uu cadowgu u heeystay  sida Soomali galbeed , tasoo hadii aan laga fiirsan keeni karta jahawareer siyaasedeed. Waxaa ay ila tahay in walaalaha soomali galbeed ay halgankooda u wataan si gooni ah oo barbar socota kan dib loogu radinayo qarankii soomaliyeed.

Guntii iyo gababadii waxaa ay sooomalida  iyo dunida oo dhami isha ku haysaa waxa ka soo bixi doona halganka laba geesoodka ah ee siyaasadeed ee dibada  iyo kan dhaqdhaqaaqa ciidan  ee dalka gudahiisa ka jira , kuwaas oo sida la isu waafajinyo ay u baahan tahay xirfad siyaasadeed iyo hogaan saliim ah oo soomaliyeed. Kasoo noqon doona dhaqdhaqaaqii ugu horeeyey ee lagu dhisay rabitaanka shacabka somaliyeed  , tasoo aan sal looga dhigin qabiil in wax lagu dhisto qaran soomaliyeed, ama lagu hogaamiyo qaranka somaaliyeed. markii ugu horeesay taariikhda tan markii la aasaasay Ururkii SYL . 
 

Halgan, Hore-u-mar, iyo Guul

Hussein A. Gendisch

Rolesville, NC, USA

Gendisch@aol.com 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com