SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

TACSI::
 

From: ruun1001@hotmail.com
Subject: tacsi
Date: Mon, 3 Sep 2007

waxan tacsi udiraynaa abtigay maxamed aden oo ku geriyooday magalada neyrobi ee kenya
waxana ilaahay oo ga baryeynaa inuu janadiisa kawarabiyo ehelkisana samir iyo imaan kasiyo.

by:Ramlo sirat iyo sirat macalin oo kunool magalada minnesota ee mareykanka

Doorashada Kenya iyo aragteeda

 

Wadanka Kenya wuxuu qaatay xornimadisa 1963, ilaa xilligaas wuxuu soo marray 3 madaxeyne, Muzee Kenyatta, Daniel T. Arab Moi iyo M. Kibaki oo hadda talada haya, labadii hore waxay ku yimaadeen hababkii Africa xiliyadaas madaxdoodu ku imaan jireen ee ahayd ciidan, iyo awood, madaxweynaha hada haya taladase wuxuu ku yimid nidaam doorasho.

 

Wuxuu wadanku ka mid yahay waddamada bulshada Bariga Africa, iyadoo lagu tirinayo waddanka dhaqaale ahaan ugu hormarsan marka loo eego 4ta waddan ee kale ee Burndi, Ruwanda, Tanzania iyo Uganda, taas oo uu ku mutaystay maalgelin dheeraad ah oo uu ka helay ajaanib farabadan 30kii sano ee ugu danbeeyey.

 

Bulshada reer Kenya waa dad kala isir, diin iyo dhaqanba duwan, waxaase mideeya fakirka ah Kenyan (proud to be a Kenyan), waxayse waxbadan uga duwan yihiin bulshooyinka kula nool geeska Africa, xagga dulqaadka, isla noolaanshaha iyo tixgelinta qofka markaas ay u arkaan inuu ku cusubyahay wadankooda.

 

Mawduucaan waxan ku milicsanaynaa 4th sano ee xukunka uu hayey madaxweyne Kibaki iyo waxa uu qabtay.

 

Xilligii Kibaki la doortay ummada reer Kenya waxay muujiyeen inay cidii maamuli lahayd ay iyagu gacmahooda ku keensan karaan. Madaxweyne Kibaaki oo ah nin dhaqaale yahan ah, waxyaabihii ugu horeeyey ee  u balan qaaday dadka reer Kenya waxaa ugu muhiimsanaa inuu ka saari doono wadanka habacsanaanta dhaqaale iyo musuq maasuqa la degay wadanka, taas oo dawladdi Moi ee isaga ka horaysay u ahayd wax aan lala dhuuman oo wadooyinka iyo dhamaan xafiisyada dawladda ka noqotay wax aan la qarsan (kiti kidogo) iyo nabadgelyada oo markaas xaalkeedu aad u liidatay, hadh galay lagaa dhacayo waxaad wadato.

 

Maxaa ka fulay balanqaadyaddii Kibaki?.

Kibaki waxa uu balan qaaday waxyaalo dhowr ah oo ay kamid yihiin

1. Dhaqaalaha

2. Amaanka

3. Waxbarashada dugsiyada hoose oo lacag la’aan laga dhigi doono

4. Shaqa la’aanta oo sannadkiiba la abuuri doono in ka badan 500,000 oo shaqo

 

Balanqaadyadii Kibaaki waxa la oran karaa waxaa ka fulay:

Xagga dhaqaalaha: Kenya waxay u muuqataa mid ka sii baxaysa habacsanaantii dhaqaale, iyadoo fursaddaha shaqo ee waddanka ka jira ay hada ka wanagsanyihiin wakhtigii Moi inkastoo tiraddii shaqo abuuris ee balantu ahayd la oran karo weli lama gaarin. Xagga amaanka waxaad mooddaa in wax weyn iska sii bedelayaan oo ay sii yaraanayso budhcadnimadii iyo bookii ay ku caanbaxeen magaalooyinka waaweyn,. inkastoo ay weli jiraan. Waxaa iyana meesha ku jira dib u dayactirka dhamaan kaabayaasha dhaqalaha waddanka sida jidadka ay hada hawlo badani ka socdaan.

 

Tan ugu muhiimsan ee dhamaan dadka reer Kenya aysan weligood ilaawayn waa tan waxbarashada, wuxuu Kibaki ka dhigay waxbarashada aasaasiga ah in ay tahay lacag la’aan, taasoo wakhtigii hore dadka reer Kenya ugu kici jirtay qiime aad u sareeya, maanta waxaa lagu wada faraxsanyahay sida ay ilmaha Kenya ku nooli u heleen waxbarasho aysan cidi lacag u raacayn, waana guusha ugu weyn ee madaxweyne Kibaki ku amaanan yahay.

 

Xagee hadda marayaa tartanka doorashada wadanku?

Waxaa wadanka ka jira xisbiyo marka la tiriyo dhowr xisbi, kuwooda ugu waaweynise waa:

Xisbigga Kanu oo uu hogaamiyo Wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horeeyey  ee Kenya

Xisbiga Narc ee talada dalka haya

Iyo Xisbigii xamaassadii Doorashadii Dastuurkii la diiday ku soo shaacbaxay ee ODM oo kula jabay laba qaybood oo la kala baxay ODM Kenya iyo ODM. Oo ay kala hogaaminayaan Raila Odinga oo laga soo doorto degmada Bondo ee ku taal Galbeedka Kenya iyo Kolonso Masayoka oo ka soo gala Mwingi oo ku taal bariga wadanka

 

Markaad dadka Kenya ee wakhtiga badan soo joogay la sheekaysato waxay ku oranayaan dhamaan madaxda hogaaminayssa xisbiyaddaan meesha marayaa waa kuwo siyaassada ka soo galay xilligii Kanu oo dhamaan waxay wataan fikirkii iyo musuqii Kanu, shaatigii ayey bedesheen keliya, waxayna ka wada midaysan yihiin in ay helaan dhamaan wax beddella, markayse isu soo saftaan kala saarkooda waxaa loo badinayaa in jagadda musharaxnimo ee madaxweyne nimo ay isu soo taagaan saddexda nin ee kala ah:

Madaxweyne Kibaki

Raila Odinga

Iyo Kolonso M.

 

Oo u kala safan saddex xisbi. Sida rajaddu tahay dadka Reer Kenya waxaa ka go’an ama talada ay u badinayaan in Kibaki mar kale ku soo bixi doono doorashada sababo jira awaadood.

  1. Isagoo balan qaad ah sameeyey in waxbarashada dugsiga sarre laftigeeda lacag la’aan lagu soo dabaali doono, waana qodob tiir dhexaad u noqon kara in Kibaki mar kale la doorto.
  2. Iyadoo xilligan awoodda dhaqaale ee dawladdu wanaagsantahay
  3. Himilidda dadka ee ku jeeda dhanka horumarka ay meel fiican marayso
  4. Waxaad wadanka ka dareemaysaa afartii sano isbedel dhinac kasta ah.
  5. Kala tagsanaanta xisbiyadda kula loolamaya doorashada iyagoo qaarkoodna laguba xamanayo inay isaga hoos kala safan yihiin.

 

Somalida Deggan waddanka

Somaalida deggan waddankaan oo laba qaybood u kala baxda dad Kenyan ah iyo dad ku soo qaxay. Somalida reer Kenya waxay firkirka kala midaysan yihiin bulshada kale ee Kenya iyagoo kala taageersan xisbiyadaas faraha badan, doorashadii ugu danbaysay Soomaalidu waxay badi u codaysay xisbigii talada markaas hayey ee Kanu, iyadoo bulshada kale ee Kenya artinaas la yaabeen, waxay ugu cudur daareen in dadka Soomaalida ahi wakhtigaas baqdini ku jirtay, hadii ay taageeraan xisbi kale in dhibaatooyin hore loogu gaystay kuwo la mid ah ay ku dhacaan. Haddase waxaad moodda inay ay la mid noqonayaa bulshada kale ee Kenya oo ay meesha ka baxday cabsidii arintaas ahayd, ciddii ay u arkaan inay dan u tahayna taageerayaan, waxaa socday maalmahan shirar Somalida Kenya siyaasiyiintooda hoos ugu socday kana arinsanayey bal inay yeeshaan cod midaysan oo ay kula gorgor tamaan baahida baaxadda weyn ee ka jirta gobolka Soomaalida Kenya si ay bal isugu deyi lahaayeen in gobolka Kenyada kale la soo gaarsiiyo. Taasina waxay u muuqataa mid aan miro fiican dhalayn marka loo eego siday u kala fikir duwanyihiin iyo xisbiyaday la kala socdaan.

 

Maxay tahay cabsida haysata dadka ku nool Kenya xilliga doorashada?

Kenya marka la dhaho ururo hubaysan kama jiraan haba yaraatee, waxaa doorashooyinkii hore laga baqan jiray in isku dhacyo siyaasadeed yimaadaan oo u dhaxeeya dadka isku haya siyaassadda, sidii xukunkii Kanu loo bedelayse taasi meesha way ka baxday oo dadku haba yaraatee ma qabaan wax baqdin ah oo dhanka doorashada ah, iyagoo aaminsan in wax kastaa si fiican ku dhamaan doonaan, waxaase jira ururo markii hore qawlaysi dhaqaalo doon ku bilowday hadase dhibaatooyin u gaysta bulshada ku nool Kenya sida ”Mungigi” ururkaani awood ahaan waa mid xooggan iyadoo lagu eedeeyo in rag siyaasiyiin ahi hoos ula shaqeeyaan, hadii ay rabaana wax ku xumayn karaan, waxayse beryahaan dagaal iskula jireen cidanka nabad gelyadda iyagoo dad badan dhibaateeyey, haddase waxay u muuqdaan inay awoodoodu sii yaraanayso, ayna ku ururinayaan hawlahoodii hore ee ahayd inay baad ka qaataan gawaarida loo yaqaan (PSV) isaga dhex shaqaysa waddanka gudihiisa.

 

Marka saadasha iyo dhaqdhaqaaqyadda socda la isu geeyo doorashada dhacaysa sanadkaan dabayaaqadiisa waxay u muuqataa mid si habsami leh u dhacaya iyagoo dadkuna si aan xamaasad lahayn ugu fekeraya yaa dalkiina iyo dadkiina dan u ah, markaad si kale u eegtana Kenya waxay u muuqataa inay cagta ku hayso inay ka mid noqoto waddamada dunnida saddexaad ee horumarka wanaagsan gaaraya haddii siday ay hadda wax yihiin ay ku sii socdaan.

 

Waxaa soo ururiyey

Maxamed Xasan Ciro

Kayse25@hotmail.com

Nairobi, Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com