SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

TACSI::
 

From: ruun1001@hotmail.com
Subject: tacsi
Date: Mon, 3 Sep 2007

waxan tacsi udiraynaa abtigay maxamed aden oo ku geriyooday magalada neyrobi ee kenya
waxana ilaahay oo ga baryeynaa inuu janadiisa kawarabiyo ehelkisana samir iyo imaan kasiyo.

by:Ramlo sirat iyo sirat macalin oo kunool magalada minnesota ee mareykanka

Dariiqa Toosan 1/2

Bilaal hargeisaawi
Bilaal_1985@hotmail.com 
Qaybtii: 2aad  
 

1-      Dooda c/raxmaan waan soo dhawaynayaa.

Ilaahbaa mahadleh naxariis iyo nabadi nabi maxamed korkiisa ha ahaato, rabbi haka raali noqdo dhamaan asxaabtii rasuulka, rabbiyow barakee reer nabi muxamed iyo reer nabi ibraahiim, rabbiyow reer nabi muxamed iyo reer nabi ibraahiim nabad korkooda ka yeel.

Allaha jibriil miikaa’iil iyo israafiilow, allaha samada iyo dhulkow, allaha og waxa maqan iyo waxa joogow, illaahow adigaa ah ka kala xukuma waxay adoomuhu isku khilaafaan, illaahayow khilaafka adoomaha igaga hanuuni kiisa xaqa ah, ilaahayow adigaa kaad doonto ee adoomahaaga ka mida ku hanuuniya dariiqa toosane.

Intaas ka dib:-

Marka laga yimaado qodobadii aan kusoo sheegay qormadaydii tan ka horeysay oo ah qodobo aan dhamaantood mid mid uga hadli doono ayaa waxaan jeclaystay in aan ka horu-mariyo qoraaladaas soo dhawayn aan soo dhawaynayo dooda uu ku baaqay walaalkeen c/raxmaan.

Waxaan kusoo dhawaynyaa qalbi diiran iyo laab furan, waxaynu isugu nimid waa in aynu isa saxno waxna kala faaiidno dadka akhristayaasha ahna u faaiidayno.

Sida aynu wada ognahay doodu waxay leedahay ahmiyad aad u wayn, waxaa ahmiyadeeda inoo cadaynaya sida uu allaah - isagaa ceeb ka nasahane - ugu soo celceliyay in mar ka badan quraanka kariimka ah, sidaasoo kale waxaynu ognahay in doodu tahay dariiq ka mida dariiqyada diinta lagu fidiyo, iyo in ay tahay dariiqa lagu qanciyo qofka kaasoo horjeeda ra’yi ahaan, iyo sidoo kale in ay tahay dariiq lagu kala faaiidaysto oo ay labada qof ee doodayaa ku kala faaiidaystaan ra’yiga ama cilmiga ay kala xambaarsanyihiin.

Sidaa aawadeed ayaa waxaan jeclaystay in aan dooda inta aanaan galin ka horaysiiyo ereyo dhawr ah oo aan rajaynayo in ay aniga iyo walaalkay iyo cid kasta oo kale oo isku khilaafsan ra’yi ay naseexo iyo waano u noqoto, waxaanaan rajaynayaa in aan noqono kuwo wixii xaqa ah kala qaata wixii ay isku khilaafaan ee arimo khilaafi ahna isugu cudur daara.

Waxaan kusoo koobi lahaa ereyadayda in aanay doodeenu ka madhnaan qodobadan

1.    Niyad wanaag:

Ujeedadeenu maaha in aynu ka guulaysano uun qofka ra’yi ahaan inagaga soo horjeeda, waa in ay ujeedadeenu noqotaa sidii aynu xaqa u gaadhi lahayn una ogaan lahayn.

Waxaa qofka muslimka ah la gudboon in uu si niyada u raadiyo xaqa iyo xaqiiqada, Wuxuu yidhi imaamu shaafici alle ha u naxariistee :  “Waligay qof lamaan doodin, hadaan la doodana waxaan jeclaystaa in uu asiibo oo uu ilaahay ilaaliyo oo uu xifdiyo, Waligayna qof lamaan doodin hadii aan ladoodana wuxuu ilaahay xaqa ku cadeeyaa carabkayga ama carabka qofka aan la doodaayo”.

Waa darsi aad u cajiibadan, oo uu inoo dhigayo imaamku, hadafka ama yoolka dhamaadka doodeenu waa in ay noqotaa in xaqiiqo sax ah la gaadho, waa in aynu xaqiiqada ku gaadhnaa labadeena carab mid uun kaaga ama kayga, yanaan nusqaan u arkin hadii qof ka kale uu asiibo laakiin waxaa nusqaan ah in aynu diidno in ay dhici karto in xaqu uu la jiro darafka kale.

2.    Is dhagaysi:

Waxaa laga yaabaa in aynaan hada cod ku wada hadlayn ee aynu qoraal is waydaarsanayno, waxaanse shaki ku jirin in waxa aynu soo qoraynaa uu yahay uun wixii aynu kuwada hadli lahayn oo aynu intii ugu muhiimsanayd kusoo koobnay qoraal.

Waxaa tusaale iyo ku dayasho inoogu filan rasuulkeenii muxamed ahaa SCWS, markuu la hadlaayay abul waliid oo mushrik ahaa, markii uu abal waliid hadalkiisii dhamaystay ayuu rasuulku scwm yidhi “Ma dhamaysatay abal waliidow” abal waliid wuxuu yidhi “haa”, markaa ka bacdi ayuu rasuulku hadalkiisii bilowday kuna bilaabay aayado quraana oo ka mida suuratu fusilat ilaa uu kazoo gaadhay ayaada 37 aad ee sujuuda, markaasuu rasuulku sujuuday oo uu ku yidhi abul waliid: “waad dhagaysatay abul waliidow ee waa ku kaas (waa adiga iyo kaad doorato)

Qisadaas waxaa inoogu xikamado fara badan oo aynaan halkan kusoo koobi Karin, wuxuu rasuulku SCWS abul waliid siiyay fursad uu ku hadlo, waliba wuxuu ugu daray fursad kale oo ah hadii uu wax ilaaway ama wax cusubi kusee dheceen in uu yidhaahdo.

3.    Inaynaan marada kudhegin wax aan xaqa ahayn.

Hadii aad maqaal qorto oo uu maqaalkaa qofkale wax ka sheego oo khaladaad yar-yar ama waawayn kazoo saaro, oo uu xataa qofkaasi ku aflagaadeeyo, yaanay kugu qaadin in aad maqaalkaad qortay marada ku dhegto oo aad ceeb iyo nusqaan oo dhan ka nasahdo, una orodo sida uu qofkaasi khaldaadka uga soo saaray maqaalkaaga aad adna wanaagyada maqaalkaaga lasoo boodo, laakiin waxaa inala gudboon in marka hore aynu qofka kale siino jaanis uu ku hadlo inana aynu si fiican u dhagaysanaa sidaynu soo sheegnay, kadibna waa in aynu garawsano wixii uu qofka kale asiibay ee sax ah kana faaiidaysanaa waayo siduu rasuulku yidhi SCWS xikmadu waa badi ka maqan qofka mu’minka ah meeshuu ka helana waa in uu ka qaataa. Marka uu dhamaystona waa in aynu ugu jawaabnaa si cilmiyaysan oo ka fog caadifada.

4.    Is ixtiraam

Waa in uu maskaxdeena ka baxaa fikirka xun ee ah in dooda guusheedu ku xidhantahay in shakhsiyada kaasoo horjeeda aynu dulaysano oo dhulka jiidno, balse arinkaasi marmarka qaar wuxuu cadaynayaa daciifnimadaada iyo in aanaad awoodin in aad soo bandhigto wax xujo ah, ee waxaad wadaaba ay tahay hadal hadal ka horgee.

Xadiis uu wariyay ibnu mascuud oo uu imam axmed soo saaray saxiixiyayna xaakim  ayaa wuxu ahaa in uu  yidhi rasuulku SCWS : “Mu’minku maaha mid wax dura, ama wax lacnada, mana aha mid hadal xun ama  badii ah”

Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu xaqa ina waafajoyo meel kasta oo aynu joogno iyo waqtikasta oo aynu joognaba, noqdana kuwii kala faaidaysta dadkana u faaiideeya… aammiin

Bilaal hargeisaawi
Bilaal_1985@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com