Dariiqa Toosan 1/2
Bilaal hargeisaawi
Bilaal_1985@hotmail.com
Qaybtii: 2aad
1- Dooda c/raxmaan waan soo dhawaynayaa.
Ilaahbaa mahadleh naxariis iyo nabadi nabi maxamed korkiisa ha
ahaato, rabbi haka raali noqdo dhamaan asxaabtii rasuulka, rabbiyow
barakee reer nabi muxamed iyo reer nabi ibraahiim, rabbiyow reer nabi
muxamed iyo reer nabi ibraahiim nabad korkooda ka yeel.
Allaha jibriil miikaa’iil iyo israafiilow, allaha samada iyo dhulkow,
allaha og waxa maqan iyo waxa joogow, illaahow adigaa ah ka kala xukuma
waxay adoomuhu isku khilaafaan, illaahayow khilaafka adoomaha igaga
hanuuni kiisa xaqa ah, ilaahayow adigaa kaad doonto ee adoomahaaga ka
mida ku hanuuniya dariiqa toosane.
Intaas ka dib:-
Marka laga yimaado qodobadii aan kusoo sheegay qormadaydii tan ka
horeysay oo ah qodobo aan dhamaantood mid mid uga hadli doono ayaa
waxaan jeclaystay in aan ka horu-mariyo qoraaladaas soo dhawayn aan soo
dhawaynayo dooda uu ku baaqay walaalkeen c/raxmaan.
Waxaan kusoo dhawaynyaa qalbi diiran iyo laab furan, waxaynu isugu
nimid waa in aynu isa saxno waxna kala faaiidno dadka akhristayaasha
ahna u faaiidayno.
Sida aynu wada ognahay doodu waxay leedahay ahmiyad aad u wayn, waxaa
ahmiyadeeda inoo cadaynaya sida uu allaah - isagaa ceeb ka nasahane -
ugu soo celceliyay in mar ka badan quraanka kariimka ah, sidaasoo kale
waxaynu ognahay in doodu tahay dariiq ka mida dariiqyada diinta lagu
fidiyo, iyo in ay tahay dariiqa lagu qanciyo qofka kaasoo horjeeda ra’yi
ahaan, iyo sidoo kale in ay tahay dariiq lagu kala faaiidaysto oo ay
labada qof ee doodayaa ku kala faaiidaystaan ra’yiga ama cilmiga ay kala
xambaarsanyihiin.
Sidaa aawadeed ayaa waxaan jeclaystay in aan dooda inta aanaan galin
ka horaysiiyo ereyo dhawr ah oo aan rajaynayo in ay aniga iyo walaalkay
iyo cid kasta oo kale oo isku khilaafsan ra’yi ay naseexo iyo waano u
noqoto, waxaanaan rajaynayaa in aan noqono kuwo wixii xaqa ah kala qaata
wixii ay isku khilaafaan ee arimo khilaafi ahna isugu cudur daara.
Waxaan kusoo koobi lahaa ereyadayda in aanay doodeenu ka madhnaan
qodobadan
1. Niyad wanaag:
Ujeedadeenu maaha in aynu ka guulaysano uun qofka ra’yi ahaan inagaga
soo horjeeda, waa in ay ujeedadeenu noqotaa sidii aynu xaqa u gaadhi
lahayn una ogaan lahayn.
Waxaa qofka muslimka ah la gudboon in uu si niyada u raadiyo xaqa iyo
xaqiiqada, Wuxuu yidhi imaamu shaafici alle ha u naxariistee : “Waligay
qof lamaan doodin, hadaan la doodana waxaan jeclaystaa in uu asiibo oo
uu ilaahay ilaaliyo oo uu xifdiyo, Waligayna qof lamaan doodin hadii aan
ladoodana wuxuu ilaahay xaqa ku cadeeyaa carabkayga ama carabka qofka
aan la doodaayo”.
Waa darsi aad u cajiibadan, oo uu inoo dhigayo imaamku, hadafka ama
yoolka dhamaadka doodeenu waa in ay noqotaa in xaqiiqo sax ah la gaadho,
waa in aynu xaqiiqada ku gaadhnaa labadeena carab mid uun kaaga ama
kayga, yanaan nusqaan u arkin hadii qof ka kale uu asiibo laakiin waxaa
nusqaan ah in aynu diidno in ay dhici karto in xaqu uu la jiro darafka
kale.
2. Is dhagaysi:
Waxaa laga yaabaa in aynaan hada cod ku wada hadlayn ee aynu qoraal
is waydaarsanayno, waxaanse shaki ku jirin in waxa aynu soo qoraynaa uu
yahay uun wixii aynu kuwada hadli lahayn oo aynu intii ugu muhiimsanayd
kusoo koobnay qoraal.
Waxaa tusaale iyo ku dayasho inoogu filan rasuulkeenii muxamed ahaa
SCWS, markuu la hadlaayay abul waliid oo mushrik ahaa, markii uu abal
waliid hadalkiisii dhamaystay ayuu rasuulku scwm yidhi “Ma dhamaysatay
abal waliidow” abal waliid wuxuu yidhi “haa”, markaa ka bacdi ayuu
rasuulku hadalkiisii bilowday kuna bilaabay aayado quraana oo ka mida
suuratu fusilat ilaa uu kazoo gaadhay ayaada 37 aad ee sujuuda,
markaasuu rasuulku sujuuday oo uu ku yidhi abul waliid: “waad
dhagaysatay abul waliidow ee waa ku kaas (waa adiga iyo kaad doorato)
Qisadaas waxaa inoogu xikamado fara badan oo aynaan halkan kusoo
koobi Karin, wuxuu rasuulku SCWS abul waliid siiyay fursad uu ku hadlo,
waliba wuxuu ugu daray fursad kale oo ah hadii uu wax ilaaway ama wax
cusubi kusee dheceen in uu yidhaahdo.
3. Inaynaan marada kudhegin wax aan xaqa ahayn.
Hadii aad maqaal qorto oo uu maqaalkaa qofkale wax ka sheego oo
khaladaad yar-yar ama waawayn kazoo saaro, oo uu xataa qofkaasi ku
aflagaadeeyo, yaanay kugu qaadin in aad maqaalkaad qortay marada ku
dhegto oo aad ceeb iyo nusqaan oo dhan ka nasahdo, una orodo sida uu
qofkaasi khaldaadka uga soo saaray maqaalkaaga aad adna wanaagyada
maqaalkaaga lasoo boodo, laakiin waxaa inala gudboon in marka hore aynu
qofka kale siino jaanis uu ku hadlo inana aynu si fiican u dhagaysanaa
sidaynu soo sheegnay, kadibna waa in aynu garawsano wixii uu qofka kale
asiibay ee sax ah kana faaiidaysanaa waayo siduu rasuulku yidhi SCWS
xikmadu waa badi ka maqan qofka mu’minka ah meeshuu ka helana waa in uu
ka qaataa. Marka uu dhamaystona waa in aynu ugu jawaabnaa si cilmiyaysan
oo ka fog caadifada.
4. Is ixtiraam
Waa in uu maskaxdeena ka baxaa fikirka xun ee ah in dooda guusheedu
ku xidhantahay in shakhsiyada kaasoo horjeeda aynu dulaysano oo dhulka
jiidno, balse arinkaasi marmarka qaar wuxuu cadaynayaa daciifnimadaada
iyo in aanaad awoodin in aad soo bandhigto wax xujo ah, ee waxaad
wadaaba ay tahay hadal hadal ka horgee.
Xadiis uu wariyay ibnu mascuud oo uu imam axmed soo saaray
saxiixiyayna xaakim ayaa wuxu ahaa in uu yidhi rasuulku SCWS :
“Mu’minku maaha mid wax dura, ama wax lacnada, mana aha mid hadal xun
ama badii ah”
Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu xaqa ina waafajoyo meel kasta oo
aynu joogno iyo waqtikasta oo aynu joognaba, noqdana kuwii kala
faaidaysta dadkana u faaiideeya… aammiin
Bilaal hargeisaawi
Bilaal_1985@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan