SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

TACSI::
 

From: ruun1001@hotmail.com
Subject: tacsi
Date: Mon, 3 Sep 2007

waxan tacsi udiraynaa abtigay maxamed aden oo ku geriyooday magalada neyrobi ee kenya
waxana ilaahay oo ga baryeynaa inuu janadiisa kawarabiyo ehelkisana samir iyo imaan kasiyo.

by:Ramlo sirat iyo sirat macalin oo kunool magalada minnesota ee mareykanka

Dilal Kala Duwan Oo Ka Dhacay Caasimada Muqdisho Habeenkii Xalay Ahaa.

SEPT 5, 2007 Mid kamida saraakiisha nabad sugida dowlada KMG ah ayaa xalay lagu diley deegaanka dharkeynley ee caasimada muqdisho iyadoo ay dileen dabley aan haybtooda la aqoonsan .

Macalin cabdullaahi oo ah gudoomiyaha degmadaasi dharkeynley ayaa saxaafada u xaqiijiyey dilka sarkaalkasi islamrkaana sheegay in dabley hubasyani ay baastoolad ku dileen iyadoo uu sidaa ku geeriyooday ,

Gudoomiyaha ayaa intaasi sii raaciyey inuu dilka gaystay nin ku haubaysnaa baastoolad islamrkaana uu madaxa kala beegsaday rasaas iyadoo uu sidaa ku geeriyooday marxuumkasi ahaa sarkaalka nabad sugida diowlada KMG ahi .

Dhinaca kale nin meyd ah ayaa saaka lagu arkay xaruntii hore ee golaha murtida iyo madadaalada ee degmada xamar-weyne ee loo yaqaanay national teytayre oo sidoo kale sida ay sheegeen goob joogayaal ku sugnaa agagaarkaasi ay sheegeen inay rasaas kaga taalay meelo halis ah.

Dilalka kala duwan ee caasimada ka dhaca ayaa badanaaba salka ku haya amaan xumida ka jirta caasimada muqdisho oo mudooyinkan noqotay meel aysan nabadi ka jirin.

 

Ergada Shirka Uga Qayb Gashay Maamul Goboleedka Punt-land Oo Ku Tilmaamay Mid Ku Dhamaaday natiijo La ,aan.

Ergooyinka shirkii qaran ee soo gabagaboobay ee kasoo kicitimay maamul goboleedka punt-land ayaa ku tilmaamay shirkaas mid aysan kasoo bixin wax natiijo ah oo la oran karo waa wax ku ool islamrkaana uu ahaa mid ku salaysan dhoob dhoob iyagoo eeday dusha kaga tuuray gudiga shirka hogaaminaysay .

Ergooyinka reer punt-land ee ka qayb qaatay shirkii soconayey bisha iyo barka ee ka socday caasimada ayaa dhaliishooda shirka ku tilmaamay mid aan ku salaysnayn cadaalad islamarkaana aan ahayn shir loo wada dhamaa oo aysan kasoo qayb gelin xubnihii loo baahnaa ee soomaalida magaca weyn ku lahaa,

Afhayeenka Ergada reer punt-land Sheekh Axmed Cabdi Xuseen oo saxaafada la hadlayey ayaa tilmaamay in shirkii ka socdauy xaruntii hore ee gaadiidka booliska soomaaliyeed ee magalada muqdisho uu ku dhamaaday sacab iyo iyo isbarasho o keliya laakiin aysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay .

Sidoo kale sh,axmed ayaa intaas raaciyay in guddiga shir iyo guddoonka shirkuba ay is hortaag ku sameeyeen kulamadii la doonayey inay wada yeeshaan odayaasha metelayey qabaa,ilada islamrkana uu ahaa shir lagu doonayey dhaqaalo in lagu helo laakiin uusan ahayn shir lagu doonayo nabadayn waa siduu hadalka u dhigaye .

Axmed ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in lacago loo qoondeeyay ergooyinka inay ka qaataan shirkadaha xawaaladaha aanu si dhameystiran loo siin, isagoo sheegay in ergooyinka lacagta qaatay ay gaarayaan 30 qof oo keliya , iyadoo kuwa aan qaadana loo sheegay in kaararkii ay lacagta ku qaadan lahaayeen lagu tilmaamay in ay ka dheceen kaararkii taasina ay marqaati madoonto u tahay ayuu yiri cadaalad xumo iyo weliba musuq maasuq .

Si kastaba ha ahaatee shir-weynihii qaran ee dhowaan soo gaba-gaboobay ayaa waxaa kasoo baxaya hadal haynta halku dhega u ah inuu fashil ku dhamaaday islamrkaana ay kusoo beegmayso xili ay hareeyeen intii uu socday shiraaksi is bar bar yaac fara badan oo ay ka dhasheen dacwooyin fara badan oo lidi ku ah .

 

Iska Horimaad Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Maanta Ka Dhacay Suuqa bakaaraha Ee Muqdisho.

Magaalada caasimada ee muqdisho ayaa saaka ku waaberiisatay dagaalo iyo fowdo xambaarsan qalalaase islamrkaana ay ku geeriyoodeen in ka badan 8-qof inta la og yahay halka dhaawacuna lagu sheegay in ka badan 40-qofood .

Saaka aroornimadii ayaa dagaal faraha laysula tegey waxuu ka dhacay agagaarka suuqa bakaaraha gaar ahaan boosteejada loo yaqano ciise cabdi kadib markii ay ciidamada dowlada KMG ah ay howl-galo ka fulinayeen suuqa bakaraha gaar ahaan guri ku dhex yaalay suuqa oo ay isku gadaameen ciidamada dowlada KMG ahi islamrkaana ay iska caabin xoogani kaga timid kooxo hubaysan oo gurigaasi ku sugnaa iyadoo laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan .

Sidoo kale dagaalkan oo ahaa mid faraha lagaga gubtey ayaa gaystey khasaare nafeed iyo mid maalba taasoo sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kasloonaan karo ay ciidamada dowlada KMG ah lagaga gubey gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamadaasi kadib markii lala beegsaday qoriga basuukaha ,iyadoo sidoo kelena ay ciidamada dowladu ay gurigii ay isku gadaameen ay u gaysteen khasaare xoogan oo uu qaybo kamida gurigaasi gubtey .

Ciidamada isku jirka ah ee kuwa dowlada KMG ah iyo weliba ciidamada Ethiopia ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala suuqa weyn ee bakaaraha iyadoo aan maanta iridaha loo furin suuqa weyn ee bakaraha islamrkaana ay xirnaayeen wadooyinka aada xaafadaha iyo degmooyinka casimada muqdisho oo dhan .

Dhinaca kale isbitalada waaweyn ee magaalada muqdisho ayaa buux dhaafiyey dhaawacyada u badan dadka rayidka ah ee ay haleeshay rasaasta habowga ah iyo weliba mida ula kaca ah ee ay ridayaan ciidamadu tasoo galaafatay dad tiro badan oo rayid ah .

Qaar ka tirsan Maamulada isbitaalada caasimada ayaa saxafada u xaqiijiyey inay maanta oo keliya soo gaareen dhawacyadii ugu tirada badnaa ee dhowanahan ka dhaca muqdisho islamrkaana ay ku mash quulsan yihiin sidii loo daaweyn lahaa iyadoo dadka qaarkiisna sheegayaan inay jiraan dhaawacyo ku go,doonsdan xaafadaha dhexdooda oo waayey baabuur u gaarsiiya isbitaalada wadooyinka oo xirnaa darteed.

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com