SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

TACSI::
 

From: ruun1001@hotmail.com
Subject: tacsi
Date: Mon, 3 Sep 2007

waxan tacsi udiraynaa abtigay maxamed aden oo ku geriyooday magalada neyrobi ee kenya
waxana ilaahay oo ga baryeynaa inuu janadiisa kawarabiyo ehelkisana samir iyo imaan kasiyo.

by:Ramlo sirat iyo sirat macalin oo kunool magalada minnesota ee mareykanka

TAARIIKHDU BEEN QORIMAYSO RUUXNA BAADILIMAYSO!..(3aad)..

SALAAMULLAAHI CALAYKUM WARRAXMATUHU WA BARAKAATUHU.

 
Waa faallo aad u xiiso badan, oo dad badan ay wada sugayeen oo ay ku taxnaayeen. dadkii aan la socconna waxaan filayaa in haddii ay akhristaan ay fikraddooda wax badan ka bedelI doonto. Ee la socosho wanaagsan..
  
Waxaan qaybtii koowaad(1aad) ee faalladaan ku sheegay in, Maxamed Siyaad Barre, oo kamid ahaa madaxdii dalka soo martay mid ka mid ah, aysan taariikhdu illaaweyn. Waa marka koowaade, wuxuu madaxweynhii kacaankii luggooyo uu sheegay inuu u dhashay dadka qaarkiis, ee uusan uwada dhalan shacabka Somaliyeed.
 
Dadka uu u dhashay oo uu Siyaad barre sheegay ayuu ku tilmaamay inuu yahay dadkii dulmanaa oo uu ula jeeday, beel beelaha dalka deggen kamid ah. uuna ku dhashay amaba uu ka soo horjeedo dad uu ku tilmaamay, laan geedgeedii ka dheeraatay, oo uu iyana ula jeeday beel beelaha dalka dega kamid ah. Hadalkan oo uu marar badan ka sheegay Idaacaddii codka kaccaanka.
 
Haddaba marka uu saas u hadlayo wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabayn jiray inuusan kaccaanku oggolayn wax la yiraahdo qabiil, isaguna uu saas u hadli jiray uuna uqabay inaan shacabku garanayn micnaha hadalkiisa. saasoo ay tahay wey jireen dad badan oo aanan garanayn micnaha hadalkiisa kana mid ahaa dadkii kacaanku ku dhashay oo uusan oggolaynba jiritaankooda.
  
Su aasha meesha taalla waxay tahay: Yaa weeye laanta geedkeedii ka dheeraatay ee kaccaanku sheegay?
  
Waa su aal jawaabteedu ay aad u sahlantahay, dadkaasi waa dad aan dembi gelin ee kaliya Kaccaanku uu u arkayay inuusan xilka sii haysannayn illaa uu dabargooyo. laakiinse waxaa jananka ka maqnayd inaan qabiil ama hayaraado amaba ha badnaadobee aan la dabargoyn karin, lana baabi in karin.
  
Dadkaasi ma aha hal qabiil ee waa ay badnaayeen oo waxaa ka mid ahaa: Dadka dega gobolada waqooyi beri (Harti). iyo dadka dega gobolada waqooyi (Dirta Waqooyi), dadkaasi markii ay u adkaysan
waayeen xassuuqii kacaankii aan barakaysnayn ayay waxa ay samaysteen jabhado xaq u dirir ah.
 
Su aasha labaad ayaa waxay tahay ninka saas ah oo aaminsan wax layiraahdo qabiil ma u qalmi karaa inuu xukkun dowladeed amaba madaxweyne qaran qabto. xaq uma lahan umana yeelanm karo, fikrad ahaanteyda, laakiin waqtigaa siiyay ninka sidaas ahi inuu 21 sano uu dadkii ka dhigo wax lalaayay iyo wax niyadda laga guumaysto lagana dhigo wax aan jirin.... Diin baa waxaa laga sheegay meesha haadi (shimbiro) iigu tashanayeen ma waan ilaahay joogin...
  
Jabhaddii xaq u dirirka ahayd ee SSDF ayaa la aas aasay dabayaaqadii sanadkii 1978, waa isla sannadkii uu dhicisoobay Inqilaabkii ay horkacayeen allaha u raxmee Col. Maxamed Sh. Cismaan (Cirro) iyo Mudane Cabdullaahi Yuusuf oo isagu ka badbaaday dilkii asxaabtiisii uu ka mid ahaa (Cirro) ee ay Afgambiga isla wadeen.ee ay ku xukkuntay Maxkamadii Kaccaankii xaqdarro Dil toogasho ah oo aan kama dambeyn lahayn, uuna saxeexay
S/guutto Siyaad.. Waa saxeex la isaga daba imaan doonee..
  
haddaba waxaan aAkhristayaashayda weydiinayaa Kaccaankii Udhashay Dadka qaarkii sida uu in badan kusoo celceliyay Gen. Siyaad barre, iyo Jabhaddii SSDF ee iyana sheegatay inay xaq u dirir ahayd, ahaydna Jabhaddii ugu horreysay ee ay ucuntami weyday Dhibkii dadkeeda lagu hayay, iyo xassuuqqii kaccaanka:
 
Keebaa xaqqa u dhowaa?
Keebaa xaq u lahaa hoggaanka dalka?
Maxaa taariikhda u gashay kaccaankii?
Maxaa sidoo kale taariiklhda u gashay Jabhaddii SSDF? Waa Su aalo jawaabahooda ay u furantahay akhristayaasha sharafta leh ee diyaarka u ah inay fikraddooda halkan ka dhiibtaan...
 
FIKRADDIINA SALIIMKA AH AYAAN SOO DHAWEYNAYAA!!..
  
WAXAADNA IIGU SOO GUDBIN KARTAAN ADDRESSKA HOOS KU QORAN..
  
Lasoco qaybta xigta........................
  
Waa qalinkii: Xassan Maxamuud Shiikh Cismaan(Baashe)
Nairopi Kenya.  
Tell: +254 726 256 250

Qaybtii 2aad

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com