SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo ah Gudoomiyaha Xuquuqda Aadanaha Haweenka iyo Caruurta Baarlamaanka FKMG oo booqatey Xabsiga Gobolka Baay   "layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey" 

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo ah gudoomiyaha Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo caruurta ee Baarlamaanka DFKMG oo booqaty Xabsiga Dhexe ee Gobolka Baay ayaa la kulantey Taliyaha Qeybta ciidamada Asluubta Gobolka, taliyaha  Xabsiga Gobolka iyo ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Gobolka Baay,iyadoo ujeedada booqashadeeda ku sheegtey inay ahayd si ay wax uga ogaato xaalada dhabta ah ee ka jirta Xabsiga iyo lacag yar oo deeq ah oo ay iyada ugu tala gashay inay gaarsiiso Maxaabiista ku xiran Xabsiga. 

Xildhibaanad Xaawo waxay su'aalo weydiisay Taliyaha Qeybta Asluubta ee Gobolka, kan xabsiga iyo ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Gobolka, su'aalihii ay weydiisay waxaa ka mid ahaa mudada ay xirnaayeen maxaabiista xiran, inay jiraan kuwo cuntada ka soomey?.  


labada xildhibaan iyo haweenka Asluubta oo ka muuqata duruuf iyo lebis la'aanta

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Jamaal Maxamed Axmed  ayaa wuxuu yiri " hada waxaa inoo diyaarsan 30 maxbuus inaan maalinta sabtida ah aan xukuno, dhibta kale ee meesha taala waa Maxaabiista looma hayo wax nolol maalmeed ku filan waana mid laga doonayey Dowlada, Caafimaadkooduna waa uu liitaa, Xukuumada iyo Baarlamaankuna kama warhayaan, waana dadd muwaadiniin ah oo dembi galay, waxayna leeyihiin in la ilaaliyo xuquuqdooda,maadaama bulshada inteeda kale laga qabtey dhibkii ay ku hayeen, waayo Baydhabo waxa ka dhici jirey waa la wada og'yahay, kuwa Xabsiga ku jira  waxaa ka mid ah 10- Maxbuus oo lagu soo eedeeyey dilall, Xabsiguna kuma jiraan Maxaabiis in mudo ah la hayey, sida sharciga uu qabo kuwa dilka geyta waxaa Xabsiga lagu hayn karaa 90-maalmood, kuwa kale waa 45-maalmood,sababaha waqtiga fogeynayo waxaa ugu wacan goobaha kala duwan ee dilallka ka dhaca oo aan isu dhoweyn, waxayna u baahan tahay in la tago, anigu gaadiid ma haysto oo waan iska lugeeyaa, xitaa nabadgelyadeena ayaa khatar ku jirta, mana haysano wax na ilaaliya, waxaa mararka qaar dhacda in ruux aan xukun ku ridney qaraabadiisa ay taleefoonka nagula soo xiriiraan iyagoo leh, waxaad naga helidoontaa jawaab kugu filan". 


ku xigeenka Xeer ilaaliyaha

Taliyaha Qeybta Ciidamada Asluubta oo aan si gooni ah su'aalo kooban u weydiiyey Aadan Cali Axmed ayaa wuxuu sheegey in xabsiga ay ku xiran yihiin 79 maxbuus,ayna xukuman yihiin 23, inta kalena ay yihiin xukun sugayaal,intii uu xilka hayeyna wuxuu sheegey in maxaabiis badan lagu soo xirey.


Taliyaha qaybta iyo Xaawo Qayaad.

 Mar aan weydiiyey in ay jiraan kuwo u xiran dembi qaran ayaa wuxuu yiri " ma jirto wax dembi qaran galey oo inoo xiran, sidoo kale mar aan weydiiyey xubno in muido ah ku xirnaa xabsiga halka ay ku dambeeyeen ayaa wuxuu yiri "waxaa loo gudbiyey xabsiyada kale ee dalka, wuxuuna ka meer meeray halka loo gudbiyey". 

Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo ka codsatey inay soo aragto xaalada maxaabiista, inkastoo loo diidey in wariyeyaasha ay raacaan, markii  ay soo dhameysatayey kormeerkeeda ayaa Xildhibaanada waxay ugu deeqdey Maxaabiista xiran $300 oo ay ugu talo gashay in wixii loogu qaban karo loogu sameeyo. 


bidix Xaawo qayaad, dhexda Jamaal midig Xildhibaanada Raabaco

Mar aan weydiiyey waxyaabihii ay kula soo kulantey Maxaabiista xiran ayaa waxay tiri "layma tusin kuwii dilallka u xiraa,laakiin waxaan arkey indhahooda iyagoo iga daawaney shabaq yar,laakiin waxaan arkey wajiyadooda, waxaan kaloo la kulmey kuwo kale oo xirxiran, waxayna isugu jireen kuwo xukuman oo 29 ah iyo 48 aan xukunayn, oo dhaafay mudadii xabsiga lagu haynlahaa, waxaa kaloo aan ku soo arkey mid u xiran mudane Baarlamaan ilaa 30 cisho, loomana soo gudbin wax maxkamad ah, waliba waxaa uu ka dhaawacan yahay lugta, midkii dhaawaca u geysteyna lama soo xirin, waxaana la ii sheegey in midka dhaawaca u geystey uu yahay mid ka mid ah ilaalada Golaha Wasiirada, dhamaan maxaabiistaas ma haystaan gargaar Bani'aadaninimo iyo mid Dolwadeedba ayey tiri Xaawo Qayaad oo hadalkeeda sii watada aya intaa ku dartey "in 35 kiis oo xadgudb loogu geystey Haween ganacsato yar yar ah iyo kuwo guryahooda joogeyba ay jiraa,kuwaasoo lagula kacay kufsi, waxaan keloo ka xumahay bay tiri in Magaalada Kismaayo ay dhacday dil aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka iyo Xeerrarka Caalamiga".  

Marka laysku soo duubo xaalada Bani'aadaninimada liidata ee Soomaaliya ayaa waxay tahay mid aan lagu soo koobi Karin warbixino yar, balse waxay bilow u tahay sidii laysaga kaashan lahaa sida looga  hortagikaro, xabsiga magaalada  Baydhabo waxaa ka muuqda waxyaabo badan oo u baahan in sharciga la waafajiyo, sida nidaamka dhibka badan ee 4.5-ka, kan shuruurcada Caalamiga, ciidamada ilaaliya ma aha kuwo sidii loogu talagalay u yaqaana xuquuqda Maxaabiista, qaarkood waxaa ka muuqda kutumasho xuquuqda maxaabiista,hlka kuwo kale ay yihiin kuwo jaantaa rogan ku jooga, sidaas ay tahay iyaguna ma haystaan waxyaabihii daruuriga ahaa ee ciidamada Asluubta lagu yiqiimey. 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com