SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

4,000-QOF OO SOO GALAY DIINTA ISLAAMKA DALKA JARMALKA SANADKII 2006!

      Machadka diiwaan geliya Islaamka Dalka Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in sare u kac aad u weyn laga dareemay dadka soo galay Diinta Islaamka sanadkii tegay ee 2006 kaddib markii 4,000-qof ay soo Galeen Diinta Islaamka, halka sanadkii ka sii horeeyay ee 2005-tiina ay Diinta Islaamka soo galeen 1,000-qof.

      Maamulaha Machadkani Diiwaan geliya Islaamka Jarmalka Saliim C/llaahi ayaa waxa uu xusay in 18,000-Dhalashadoodu tahay dalka Jarmalka ay doorteen Diinta Islaamka, ILAAHAYNA uu ku soo duway Waddada toosan.

      Claudia Dantck oo ah Khabiirad u dhalatay Jarmalka oo ku takhasustay arrimaha Diimaha waxa ay shaaca ka qaadday in tirada dadka soo galaya Diinta Islaamka ee u dhashay dalka Jarmalka ay gaarayaan intaas ka badan yihiin ayna gaarayaan 100,000-qof, sidoo kale laba ka mid ah Rag lagu tilmaamay in ay argagixiso yihiin laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Jarmalka, dhowaanna ay soo galeen Diinta Islaamka.

      Saliim C/llaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dadka ugu badan ay Diinta Islaamka hoy ahaan u doorteen wixii ka dambeeyay weerarradii 11/09/2001 lagu qaaday dalka Mareykanka, waxaana uu yiri “Marka Diinta Islaamka weerar lagu soo qaado, dad badan ayaa garwaaqsanaya in loo baahan yahay in la midoobo Diinta darteed”, sidoo kalena wixii ka dambeeyay 2001-dii ay sanadkiiba diinta Islaamka soo qaabilayeen 250 illaa 300-qof.

      Ustaad Saliim C/llaahi waxaa kale oo uu soo bandhigay in 80% dadka soo galay Islaamka dalka Jarmalka ay markoodii hore heysteen Diinta Christian-ka, halka 20% wax diin ah aysan haysan, 60% waxa diinta Islaamka soo galaya ay yihiin Dumar, waxaa kale oo intaa ku daray in dadka Diinta Islaamka soo galay ay cadaadis xooggan oo midab takoor ah kala kulmayaan bulshada Jarmalka ee ay ku dhex nool yihiin.

      Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha gobolka Bavaria (Bayern) Gunter Pickstein ayaa si weyn uga xumaatay dadka faraha badan ee soo galaya Diinta Islaamka, waxayna ku baaqday in fiiro gaar ah loo lahaado, maadaama ay sheegtay in ay dalka u keeni karaan khatar weyn oo ku saabsan waxa ay ku tilmaantay Argagixisada.

      Geba-gebadiina waxaa Qaaradda Yurub iyo Mareykanka si weyn ugu soo badanaya dadka soo galaya Diinta Islaamka maalinba maalinta ka dambeysa iyadoo Bishii October ee la soo dhaafay wargeyska “The Daily Le Figaro” ee ka soo baxa France uu qoray in dad ka badan 50,000-qof ay Diinta Islaamka soo galeen tan iyo wixii ka dambeeyay 1950-kii, waxaana hadda Faransiiska oo dadkiisa lagu qiyaaso 60-Milyan, 10% ay yihiin Islaam, isku cel-celis (6-Milyan), sidoo kale Waddanka Ingiriiska oo isna dadkiisa lagu qiyaaso 60-Milyan ayaa isna Islaamka waxa uu ka yahay 3% (1.8-Milyan), Mareykanka oo isna dadkiisu ay gaareen 300,000,000-Milyan ayaa islaamku waxa uu ka yahay 1.5% ama 5-Milyan.

W/D: Yaxye Yuusuf Khasaaro.

e-mail address: yaxyekhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com