SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

[somali] Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU, 23ka Bisha 8aad, 2007

Gacaliyeyaal, 

Waxa halkan ku lifaaqan Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU taasoo ka kooban natiijooyinka ugu muhiimsan ee Qiimaynta iyo Falanqaynta Guga 2007 Kadib ee FSAU iyo hay’adaha ay isbahaystaan, oo ay ku jirto falanqaynta qaybaha iyo gobollada.  Waxa kale oo aad warbixintan ka heli kartaa Websaytka FSAU marka aad gujiso xidhiidhiyahan:   

Warbixintan gaarka ah waxay tilmaan ka bixinaysaa natiijooyinka qiimaynta oo muujinaya in tirada dadka u baahan gargaar bina-aadamnimo ay korodhay 50%, iyadoo ka korodhay 1 malyuun oo qof waxana ay gaadhay 1.5 malyuun oo qof.    Tiradan ah 1.5 malyuun ee qof, 295,000 waxay ku jiraan Gurmad Bina-aadamnimo (GB) dadkaasoo u baahan wax-qabadyo lagu badbaadinyo noloshooda 490,000 qofna waxay ku jiraan Xiisad Cuntada iyo Hab-nololeedka ah oo Aad u Xun (XCHAX) dadkaasoo u baahan taageero hab-nololeedka ah. Waxa intaas dheer, waxa jira 325,000 oo qof oo cusub oo ka soo barkacay Muqdisho oo u baahan wax-qabadyo lagu badbaadinyo noloshooda iyo hab-nololeedkooda labadaba. 

Sidii ku tilmaannayd war-saxaafadeedkii FSAU iyo FEWSNET ay soo saareen 14kii bishii 8aad, Warbixintan Gaarka ahi waxay fiirada dadka ku soo jeedinaysa xaaladda sida degdegga ah u sii xumaanaysa ee hubinta cuntada iyo nafaqada ee gobollada Shabeellada Hoose iyo Dhexe oo la ciiraya culayska saamaynta waxyaabo naxdin leh oo keenay inay jiraan heerar sare oo nafaqa darro xun iyo mid aad u xun iyo in si degdeg ah ay u galeen Gurmad Bina-aadamnimo.  Waxa lagu qiyaasay inay jiraan dad ka badan 600,000 oo qof oo jooga gobollada Shabeellada Hoose iyo Dhexe iyo Muqdisho oo degdeg ugu baahan wax-qabadyo.  

Natiijooyin kale waxay xaqiijinayaan xaaladda ka sii daraysa ee hubinta cuntada ee dhulka webiyada iyo beera-iyo-xoola-dhaqatada ee gobolka Hiiraan. Dhinaca wanaagsa, qiimayntu waxay muujinaysaa horumar ah qaybo ka mid ah gobollada Jubbada Hoose iyo Dhexe, iyo waliba gobolka Gedo maadaama ay bulshooyinku ku wadaan inay dib uga soo kabanayaan saamaynta abaartii 2005/6 iyo daadadkii Deyrtii 2006/7. 

Warbixintan waxa aad ka heli karta Websaytka FSAU marka aad gujiso xidhiidhiyahan:  http://www.fsausomalia.org/fileadmin/uploads/1157.pdf

Sidaas iyo nabadgelyo, Cindy  

Cindy Holleman
La-Taliyaha Sare ee Farsamada 

Hay'adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka  
Qaybta Falanqaynta Hubinta Cuntada ee Soomaaliya (FSAU)
Tilifoonka: +254-(0)20-3745734
Cinwaanka: P.O. Box 1230; Post Code: 00621,

Village Market, Nairobi, Kenya

Website: http://www.fsausomali.org

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com