SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Darawallada Taxi-yada Mareykanka oo ka cabanaya Tiknoolojiyada Casriga ah!

      Waxaa lagu wadaa in dhammaadka sanadkan Taxi-yada caanka ah ee magaallada New York (Yellow Cabs) lagu soo kordhiyo Adeeg Casri ah oo lagu magacaabo (GBS) dhammaadka sanadkan, kaasoo u saamaxaya darawallada in ay iska istareexaan inta ay gaarigooda midabka Jaallaha ah wadayaan iyagoo daawanaya Telefishinka, iyadoo qalabkanina lagu rakibi doono 13,000-Taxi.

      Qalabkan cusub ee lagu rakibayo Taxiyadan ayaa waxa uu ku shaqeyn doonaa taabashada, waxaana rakaabka uu u suurto gelinayaa in ay la socdaan cinwaannadii ugu dambeeyay Wararka inta ay Taxi-ga saran yihiin, in ay sii baartaan goobtii ay ka cunteyn lahaayeen iyo in ay Daawadaan heesaha nuucii ay doorbidayaan. Sidoo kale rakaabka ayaa inta ay saaran yihiin Yellow Cabs-ka waxa ay halka ay marayaan kala socon doonaan Khariidad Electronic ah, halka kirada Taxi-gana ay haddii ay doonaan Rakaabku ku bixin karaan Kaararka lacagta lagu shubto haddii ay doonaan.

      Mateo Dos oo ah Guddoomiyaha Guddiga Taxi-wadeyaasha New York oo ka hadlayay qalabkan cusub ee lagu soo kordhinayo taxi-yada Yellow Cabs ee New York waxa uu yiri ‘Waa nidaam aad u wanaagsan, horumarsan, dardarna gelinaya adeegyada Rakaabka”, waxaana uu intaa ku daray in New York ay tahay magaallada keliya ee qalabkani lagu soo kordhiyay caalamka, isagoo xusay in arrintani ay raaxo iyo farxad gelinayso rakaabka, inkastoo ay caro gelinayso Darawallada.

      Ku dhowaad 8,000-Darawal ayaa ku dhawaaqay in ay dibad bax kaga hor imaan doonaan sharcigani cusub haddii aan wax laga beddelin inta uusan hirgelin, waxaana sababaha ugu weyn ee ay Darawalladu uga soo horjeesteen qalabkan cusub ka mid ah iyadoo qalabkani uu sheegayo inta jeer ee Taxi walba uu maalinkii baxo iyo inta lacag ah ee uu qabtay.

      Bhairavi Desai oo ah madaxa Fulinta xiriirka Darawallada Taxi-yada New York oo u warramayay wargeyska “New York Times” waxa uu yiri “Arrintani waxay la mid tahay iyadoo lagu xadgudbayo quut maalmeedka darawallada iyo noloshooda gaarka ah”, isagoo carrabka ku dhuftay in shaqada darawalladu ay tahay mid aad u dhib badan, ayna yihiin bulshada kuwa ugu dulqaadka badan.

      Dhinaca kale Police-ka magaallada New York ayaa arrintani si weyn u soo dhoweeyay iyagoo sheegay in ay u arkaan adeeggan cusub mid fududeynaya isu socodka gawaarida iyo in si sahal ah lagu helo alaabaha iyo waxyaabaha yar-yar sida Boorsooyinka iyo waxyaabaha gacanta lagu qaato ee looga dhex tago Taxi-yada, iyadoo dib qalabkaasi looga eegayo socdaalka Taxi walba, iyadoo magaallada New York in ka badan 40,000 baabuur ay shaqeeyaan 12-saac maalinkii ama 6-maalmood Isbuucii.

      Qalabkan cusub oo ay soo bandhigeen 4-shirkadood ayaa Milkiilayaasha gawaarida la kireysto waxa ay bixin doonaan kiro 70-Dollar bil walba, iyadoo rakibidda qalabkani iyo iibsashadiisa ayaa saddexda sano ee soo socota waxa uu u dhexeyn doonaa $2800-Dollar illaa $5400-Dollar.

      Geba-gebadiina Matthew Peugeout oo xubin ka ah Guddiga Darawallada Taxi-yada Kirada ee New York ayaa waxa uu yiri “Annagu kama soo horjeedno Tiknoolojiyada casriga ah, laakiin Nidaamkani si fiican loogama fiirsan, waxaana mar walba uu yareynayaa kharashka soo gala qofka Darawalka ah”.

W/D: Yaxye Yuusuf Khasaaro

e-mail address: yaxyekhasaaro@hotmail.com  

                 yaxyekhasaaro@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com