SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Xildhibaan Xuseen Keynaan oo loo doortey xiriiriyaha 14-ka Guddi ee Baarlamaanka “mooshinkii in xukuumadda kalsooni waydiisato Baarlamaanka anigaana  ka mid ahaa, waxyaabihii ka soo baxay dhowaan….”

 

Kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen 14-ka Gudi ee Gudoomiyayaasha Baarlamaanka DFKMG, isla markaana uu soo qaban qaabiyey Guddoomiyaha Farsamadda Cilmi Baarista iyo Tiknoolajiyada Xildhibaan Xuseen Maxamed Jaamac (Xuseen Keynaan) ayaa lagu qabtey Hoteel Manchester ee Magaalada Baydhabo Maalintii Sheley.

 

Xildhibaan Xuseen Keynaan oo aan wax ka weydiiyey waxyaabihii ay iskula soo qaadeen kulankooda ayaa waxaa uu yiri“ Kulankan waa kulankii labaad waana mid hore u socodey, waxaana looga hadlaayey dardar galinta Guddiyada hawlaha Baarlamaanka iyo xaaladaha ka  jira guud ahaan Dalka, sixitaanka howlaha baarlamaanka, iyo sidii ay u kala mudan yihiin in talo iyo fikir sax ah loo siiyo Guddoonka, kulankana waxaa ka soo qaybgaley 8-Gudoomiyeyaasha Guddiyada Baarlamaanka iyo 6-ku xigeenadooda  kuwaasoo Guddoomiyaashooda ay howlo shaqo ku maqanaayeen” ayuu yiri isagoo intaa ku daray in  gunaanadkii kulanka ay ka soo baxeen  qodobo muhiim ah oo aan u gudbin doono Guddoonka baarlamaanka, islamarkaana waxaa la ii doortey xiriiriyaha 14-ka Guddi ee Baarlamaanka, laakiin kulamadeenuna way sii socon doonaan todobaan waliba in aan mar kulano ayaan doonaynaa wixii ka soo baxana waxaan u gudbinaynaa Guddoonka wixii horey inoogu qabsoomey iyo wixii aan qabsoominba”. 


Xildhibaan Xuseen Keynaan

 

Mar uu ka hadlaayey qodobada ay isla soo gaareen ayaa wuxuu ku sheegay Xildhibaanku in  Guddi ka kooban dhowr xubnood oo ay gudoonka u gudbinayaan waxyaabihii aan isku afgaraney, kuwaasoo Muqdisho loo diridoono waxayna u kuurgelidoona xaaladaha dhabta ah ee ka jirta Magaalada Muqdisho, gudiyada la magacaabeyna waxaa ka mid ah Xildhibaan Sh, Jaamaca Xaaji Xuseen, 
Xildhibaan Cawad Axmed Cashara, Xildhibaan Cali Cisman Jidow, Xildhibaanad Xaawo C/laahi Qayaad, Xildhibaan Avv.Subeyr, Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed, Xildhibaan Axmed Ducaale Geele {Xaaf}, Xildhibaan C/llaahi Shaleetey.

 


Guddiga oo shiraya

 

Mar aan weydiiyey mala dhihi karaa gudiyada Baarlamaanka ee la magacaabo gunaanadka shirka ma ahan kuwo hawshooda u basil, magacaabid mooyee lama arko wax qabadkooda?.

 

Xildhibaan Xuseen Keynaan waxaa uu ku jawaabey  “inta badan gudiyada marka la qabanayo waxaa jirta xaalad markaa taagan, hadii aan xuso waxaa jiray gudi loo saarey mooshinkii in xukuumadda kalsooni waydiisato Baarlamaanka anigaana  ka mid ahaa, waxyaabihii ka soo baxay dhowaan ayaa baarlamaanka u soo gudbin doonaa, waxaa kaloo jirey guddi kasoo talo bixiya baahida baarlamaanka isaguna waa sidoo kale howlihiisa gebo gebo ayay marayaan, Guddi aan shaqadiisa qabana ma jirto waana howlo aad u culus marka gudi la magacaabo wuxuu u baahan yahay in uu helo xog dheeraad ah inta uu ku guda jiro howshiisa.

 

 

Mar uu ka hadlaayey Shirkadaha iyo hay’adaha ku shaqada leh arimaha Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa wuxuu yiri “Howlaha ay qabanayaan waa howlo bulshada ay u baahan tahay laakiin waxaa lagu howlan yahay qaabkii shaqada sharciyadooda xadidi lahaa in baarlamaanku uu soo jeediyo, Hay’daha ku howlan arinkaasna waan is aragney meel fiican bay wax inoo marayaan, in kastoo howlaha baarlamaanku ay ka muuqato habacsanaan”.

 


Qaar ka mid ah guddiga

 

laakiin waxaa la hadal hayaa in maalmaha soo socda Baarlamaanku uu fasax geli doono, islamarkaana ay jaanis fiican u tahay kuwa mucaaradka ah oo kaga faa'iideysan doona fasaxa ay ku jiraan xubnaha Baarlamaanka, ayna soo bixidoonaan kuwo badan oo taageersan kuwa la baxay Baarlamaanka Xorta ah, waxaana soo bixidoona boosas badan oo hore u buuxay inay soo banaanadaan, taasina waxay la mid noqondoontaa wadadii ay martey dowladii TNG-da ee ay xilka kala wareegeen mida hada jirta, maalmuhuna way is gurayaan dadkuna  waxay ku mashquulsan yihiin hawlo fara badan oo aan loo baahneyn , qaar ka mid ah Gobolada dalkuna oo muhiim ahaana waxaa soo gaarey burbur aad u daran dadku waxay u muuqdaan kuwo sarqaasan, waxaana si halhaleel ah looga qaxaa dalka, lamana oga waxa ka horeeya iyo waxa laga faa'ididoono, koleey talo waa tii Rabi.

 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2007 

Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha
.Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Caddaani
.Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact G.
.Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho
.Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf
Warar GoosGoos ah ka akhri halkan... Sept 8

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqatey Xabsiga Gobolka Baay   
"layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey".... Akhri... Sept 8

Somalia: Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU.. Bishii 8aad, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com