SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Barnaamijkii Radio Xoriyo
08 September 2007.  
 
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya .
 
Dad rayad ah oo ciidammada gumaysigu dileen.
 
Dad lagu xidhxidhay meelo kala duwan iyo tuulooyin la gubay.
 
Shir wayn oo Jaaliyada Ogaadeenya ee Ontario(Canada) yeelatay
 
Gudigii xaqiiqa raadinta ee QM oo dib ugu laabtay Addis-Ababa.
 
Xukuumada TPLF oo xabsiga dhigay 4 askari oo Maraykan ah oo ay ka qabatay wadanka Ogadenya.
 
======================            
 
 Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya .
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo waxyeello ba’an loogu gaystay ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
 31/08/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Garbo, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
30/08/07 fal gaadmo ah oo lagu fuliyay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Huuraale, waxaa lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
29/08/07 weerar ciidammada gumaysigu loogu gaystay Gurumo, oo ka tirsan degmada Garbo, waxaa lagaga dilay 4 asakri, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
26/08/07 ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal dadwaynaha ka dhan ah u yimid Gaaratooyiga, oo ka tirsan degmada Galaalshe, ayaa lagu qaaday weerar gaadmo ah, waxaana lagaga dilay 6 asakri, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
25/08/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidammo gumaysiga ka tirsan oo hawlgal u yimid Bir-diidaha, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxayna 3 askari, 2 kalana way kaga dhaawaceen.
 
Sidoo kale 25/08/07 ciidammo guamysigu leeyahay oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo Garrida, oo ka tirsan degmada Galaalshe, ayaa lala beegsaday kadiso ah, waxaana lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
24/08/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar si fiican loo qorsheeyay ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Duud-libaax, oo ka tirsan degmada Sagag, waxayna weerarkaas kaga dileen 13 askari, 5 kalana way kaga dhaawaceen.
 
23/08/07 Ceela-cad, oo ka tirsan degmada Sagag, waxaa weerar kadiso ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u yimid, waxaana lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
19/08/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar kadiso ah ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Malqaqa, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxayna kaga dileen 4 askari, 5 kalana way kaga dhaawaceen.
 
Dad rayad ah oo ciidammada gumaysigu dileen.
 
Wariyaha arrimaha bulshada ee RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dad rayad ah oo ciidammada gumaysigu ku laayeen meelo kala duwan oo ka mid ah gobollada Ogaadeenya.
 
05/09/07 ciidammada guamysigu waxay Geeddi-aar, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur, ku dileen nin lagau magacaabo C/casiis oo aanaan helin magaciisa oo buuxa.
 
02/09/07 waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya ku dileen Laasoole, oo ka tirsan degmada Shilaabo, ninka lagu magacaabo Axmed-nuur Haayir
 
29/08/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Yucub ku dileen dhawr qof oo shacab ah, waxayna kala yihiin;
1-    Maxamed Cabdi Wayd
2-    Cabdi C/llaahi Xirsi iyo
3-    Wiil iyo gabadh Ilma Sh Maxamed Cabdi Yuusuf ah oo magacyadooda aanaan haynin.
 
27/08/07 Arroy, oo Galaalshe ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo la dhihi jiray Cali Dayr.
 
03/08/07 ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Asad Xasan Waadi ku dilay Dhoobaale, oo ka tirsan degmada Fiiq.
 
Dad lagu xidhxidhay meelo kala duwan iyo tuulooyin la gubay.
 
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan ku xidhxidhay dad rayad ah oo aan waxba galabsanin oo Ogaadeenya u dhashay.
 
02/09/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Addis Ababa ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Maxamed C/llaahi
2-    Axmed Ayuub
3-    C/llaahi Khadir iyo
4-    C/waaxid Dhirindhir
 
01/09/07 magaalada Diridhabe waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad rayad ah, waxaanan magacyadooda helnay;
1-    Maxamed Xasan Diyaar
2-    C/llaahi Xasan Diyaar
3-    Maxamed Ismaaciil iyo
4-    C/wali oo magaciisa oo buuxa aanaan helin
 
31/08/07 markii ay CWXO mireen ciidammada gumaysiga eek u sugan magaalada Garbo, waxay ciidammada gumaysigu sidii lagu yaqaanay ku gadoodeen dadwaynihii magaalada ku dhaqnaa, iyagoo magaalada oo dhan baadhay, isla markaana dadwaynaha ka dhacay hanti badan oo kala duwan oo isugu jirta lacag, badeeco iyo qoryo.
 
28/08/07 waxay ciidammada gumaysigu baadheen oo ay ka dhaceen wixii hanti iyo badeecad ahaa ee ay wateen safarro ka yimid Fiiq, kuwaasoo ay ku heleen Gudhis. Waxay safarradaas, dhaca ka sokow, u gaysteen jidhdil aad u ba’an. Dadka dhibkaas loo gaystay waxaa ka mid ahaa;
1-    Wali Xuseen Shaakir
2-    Cabdi Maxamed Cabdi Sahal iyo
3-    Cumar Baddal Xaashi
 
21/08/07 Kugta, oo Dhagaxmadow ka tirsan, waxay ciidammada guamsyigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Ibraahim Sh C/raxmaan
2-    Carab Macalin Xasan
3-    C/llaahi Maxamed Muxumed
4-    Maxamuud Cabdi Cali
5-    Abiya Shariif Maxamed iyo
6-    Saynaba Saxardiid, oo ay faraxumeeyeen
 
09/08/07 ciidammada gumaysiga ayaa dad rayad ah oo dhawr iyo toban gaadhaya ka qaqabtay meesha lagu magacaabo Gasaangas, waxayna ku xidxidheen magaalada Xamaro. Dadkaas waxaan magacyadooda helnay;
1-    Cabdi-raaxo Barkhadle
2-    Madar Barkhadle
3-    Xuseen Cumar Qaniin
4-    Aamina Cabdi Cayuun iyo
5-    Cadir C/risaaq
 
Dhinaca kale ciidammada gumaysigu waxay gubeen intii u dhaxaysay 30 – 31/08/07 seddex tuulo oo ka tirsan degmada Garbo, waxayna tuulooyinkaasi kala yihiin Gurmo oo ay gubeen 31/08/07 iyo Heella-dheere iyo Gol-libaax oo iyagana gubeen 30/08/07.
 
Shir wayn oo Jaaliyada Ogaadeenya ee Ontario yeelatay
 
Jaaliyada Ogaadeenya ee Gobolka Ontario ee wadanka Canada ayaa shir ballaadhan isagu timid maalintii Sabtida ee bisha Sept 01, 2007.
 
Shirkan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa uu ahaa mid looga arrinsanayey Xasuuqa bani'aadamnimada ka baxsan ee ay Xukumada Itoobiya ka wado geyiga Ogaadeenya.
 
 Ka soo qaybglayaasha shirkan ayaa halkaas ku dhegaystay warbixinadii ugu dambeeyey ee Ogaadeenya oo ay soo jeedisay Nimco Axmed oo ah Gabadh da'yar oo sannadkii 2006 lagu xidhay Magaalada Jigjiga, taasoo dadkii shirka isagu yimid taabsiisay xaaladda dhabta ah ee ka jirta Ogadeniya iyo gumaadka ay ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Ogadeniya. Sidoo kale Nimco waxay sheegtay in Hooyaddeed la xidhay 4 jeer.
 
Sidoo kale, dadkii halkaasi ka hadley waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdiraxmaan Yusuf oo aad uga hadlay xaalada Ogaadeenya ku sugan tahay iyo dhibaatada shacabka ka soo gaadhay cunaqabateynta ay Itoobiya ku soo rogtay dhamaan Gobollada Ogadeniya, isaga oo sheegay in Itoobiya ay ku fashilantay ujeedadii ay ka lahayd tallaabadaas nacabnimada ah oo maanta aduunku uu indhaha ku hayo dambiyada ay Itoobiya ka gaysato Ogadeniy,  iyadoo ugu wacan tahay in shacabka Ogaadeenya adkaysin dheeraad ah u muujiyay dhibaatada uu gumaysigu ku hayo.
 
Waxaa isna halkaasi ka hadley Suldaan C/raxmaan Olol Diinle oo shirkan uga soo kicitimey Magaalada Ottawa oo isaguna ka hadlay arrimaha Ogaadeenya manta ka taagan.
 
Gudigii xaqiiqa raadinta ee QM oo dib ugu laabtay Addis-Ababa.
 
 
Gudigii xaqiiqa radinta ee QM  u dirtay Ogadenya ayaa dib ugu laabtay  caasimada gumaysiga itoobiya magalada Addis-Ababa  malintii khamiista ahayd ee bishan  ku beegnayd 6-08.
 
Gudigan oo ka koobnaa ha,yada qaramada midoobay ayaa soo gaadhay magaalada Jigjiga 29-08-07 waxayna hawshooda xaqiiqa raadin ka bilaabeen magaalada Dhagaxbuur ee gobolka Dannood 01-09 iyagoo  gobolkaas ku hakaday 2 maalmood oo ay waraysiyo iyo xog uruurinba la yeesheen shacabka halkaas dagan oo  si geesinimo leh ugu sheegay gudiga dhibka yaala wadanka Ogadenya,
 
03-09 ayay gudiga QM ka ambabaxeen magaalada Dhagaxbuur iyagoo kusii jeeday dhanka magaalada Qabridahare waxayna sii mareen magalaada Birqod iyo Shaygoosh oo ay habeenkaas baryeen, dadka dagan Birqod iyo Shaygoosh iyo weliba dadka ay dhexda ama wadada kusii arkayeen ayay gudigu warayso badan la yeelatay si ay wax uga ogaadaan gumaadka lagu hayo  dadka magaalada iyo miyigaba.
 
04-09    amin casarki ah ayay waftigu gaadheen magaalada Qabridaharre iyagoo markay magaalada soo galeen  la fasaxay khadadkii talefonada oo  magalada muddo usbuuc ah laga xanibay si aysan ula soconin akhbaaraadka waftiga iyo halka uu xaal marayo, aroornimadii maalintas uu waftigu soo gaadhay Qabridfahare waxaa magalada lagu xidhxidhay 5 qof oo kala ah.
 
Gumaysiga iyo dabaqoodhiga ayaa dhibanayaashaas u xidhxidhay cabsi ay ka qabaan inay sheegana xaqiiqda dhabta ah ee deegaanka taala,hasa yeeshee  jawiga guud iyo geesinimadii shacabka Qabridahare waxba kamaysan badalin xidhaygaas waxayna ku dhiiradeen inay waftiga  ugu cadeeyaan dhibka jira iyadoo ay ciidamada gumaysiga iyo kuwa dabaqoodhiguba ay maqlayaan arkayaana,taas oo kutusinaysa geesinimada iyo wadaniyada shacabka Ogadenya.mar ay waftigu meel fagaare ah kula hadleen shacabka Qabridahare ayay u sheegeen inay arkaan dhibka meesha yaala oo ay indhahoodu macalin uyihiin ayna daremayaan siday shacabku u wada doonayo in mid kasta la waraysto
 
Xukuumada gumaysiga ayaa wax ka badashay hab ula dhaqanka waftiga iyo sida ay hawshooda uwataan markay yimaadeen magaalada Qabridahare waxayna saareen culays weyn oo ay kuxanibayaan hawsha gudiga,iyagoo ku cadaadinaya gudigu inay waraysiyo badan samaynin,dadka ay waraysanaysana u caga juglayso.
 
Ugu dambayntiina waxay waftigii guoaansadeen inay iskaga baxaan wadanka maadama laga qaaday xoriyadii ay waraysiyada iyo xogta ku heli lahaayeen waxanya ka ambabaxeen magaalada Qabri dahare 05-09 iyagoo qaaday jidka dheer ee isku xidha Qabridaharre iyo Godey,waxayna dhexda kusii mareen Tuulooyinka kala ah dalaad,Kabtinaag, Dambarweyne,Degmada Dhanaan,Hadhaawe  wxayna isla habeenkiba u hoydeen magaalada Godey,intii ay tuulooyinkaas sii marayeen iyo magaalada Dhanaan ba waxay sidoo kale sii waraysanayeen ciday arkaan ama reer baadiyaha ay arkaan.
 
Aroornimadii  khamiistii ee bishan ahayd 06-09- ayay diyaarad ka fuuleen magalaada Godey iyagoo dib ugu laabtay magalada Adis-ababa.
 
Gudiga badhitaankoodii intaas kusoo gabagabeeyey waloow loo diiday inay tagaan gobolada Doollo iyo Nogob iyo meelo kamid ah gobolka Qoraxay.madaxa gudigaas mar uu daraad la hadlay saxaafada caalamiga ah ee Routers ayuu sheegay inay warbixinta oo dhamaystiran soosaarayaan usbuuca soosocda.
 
Xukuumada TPLF oo xabsiga dhigay 4 askari oo Maraykan ah oo ay ka qabatay wadanka Ogadenya.
 
Xukuumada TPLF ayaa xabsiga dhigtay afar askari oo ka tirsan cutubyada ciidamada Maraykanka ee ka hawgala geeska afrika.
 
Sida laga soo xigtay saxaafadda lagu magacaabo Associated press ee marka la soo gaabaiyana loo yaqaan AP ayaa ku canbaaraysay xukuumadda Ethiopia xadhig bilaa sharci ah oo ay la beegsatay qara ka mid ah cutubyada dawladda maraykanka uga hawlgala geeska afrika.
 
 Barakat SimoN oo ah Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda TPLF ayaa wuxuu su’aalo kulul oo ku foorara xadhigga  kala kulmay Suxufiyadda uga hawlgasha AP geeska Afrika,  haweeneyda lagu magacaabo Anita Powel.
 
Barak Simon oo la rafanaya su’aalaha kulul ee saxaafadda AP ayaa jawaabtiisii waxay dhaafi weydey weedha ah ** waxaan helnay warar lagu kalsoon yahay oo tibaaxaya in cutubyadaa ka tirsan ciidamada maraykanku ay kulamo hoose la sameynayeen cutubyada ciidanka JWXO ee ka hawlgala Dhulka Ogadenia!
  
Saraakiil sare o oak tirsan wasaaradda arimaha dibadad ee maraykanka iyo safaaradda maraykanka ee ku taal dalka Ethiopia ayaan wali iyagu wax jawaab ah ilaa maanta ka soo sarain falka guracan eel ala beegsaday ciidamadooda aagaggaa uga hawl gala.
  
Wargayska la yidhaa TIME MAGAZINE faalo lagu soo dabaacay sitimanakii hore ayaa soo xigatay waraysi uu K/Taliye Melez ku sheegay inaysan Ethiopia ilaa iyo hadda aysan hayn caddaymo muujinhaya xidhiidh hoose oo dhex maray cutubyada ciidamada JWXO & Kuwa xadhigga lala beegsaday ee ka tirsan cutubyada ciidamada maraykanka ee geeska afrika ku sugan,  K/Taliye oo hadalkiisa sii wata ayaa ku soo gabagabeeyey inay cutubyada ciidamada maraykanku ay ahaayene kuwo ku sii socday jihada ciidamada JWXO  sidaa darteedna aan ka shakinay, halka uu Barak Simon oo ah wasiiru dawlihiisa u qaabilsan warfafaintana ku sheegay inay ilo ay ku kalsoon yihiin ka heleen wada-shaqayn dhex mari kartay labada cutub!  Saxaafadda TIMES MAGAZINE oo faaladeeda sii wadatana waxay ku tilmaantay soo bandhigid arimo aan sinna isku qabanayn!!
  Sarkaal ka gaabsaday magaciisa in la sheego ayaa xaqiijiyey in xubnahaa ka tirsan cutubyada maraykanka uu xadhiggoodu  xaqiiq yahay ,  balse ay Ethiopia ku dadaashay inay ka ilaalaiso bulshada!
Xoogagga milatari ee TPLF ta oo in dhawaydba ku can ahaa eryidda hay’aadka samafalka, qarxinta baabuurta hay’aadka aan dawliga ahayn, xadhigga wariye-yaasha caalamiga ah ayaa maanta ku darsatay xadhigga saraakiisha maraykanka ee ka hawlgala geeska afrika! 

 
08 September 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2007 

Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha
.Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Caddaani
.Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact G.
.Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho
.Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf
Warar GoosGoos ah ka akhri halkan... Sept 8

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqatey Xabsiga Gobolka Baay   
"layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey".... Akhri... Sept 8

Somalia: Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU.. Bishii 8aad, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com