SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Warar: Sept 10, 2007

  • C/waaxid “Ciidamadu waxay dib ugu laabteen fariisimihii hore markii aan helnay xog sheegeysa in miinooyin lagu aasay goobahaasi”
  • Cadde Muuse “Waxaan Baarlamaanka uga digayaa in ay meel mariiyaan Sharciga Batroolka..”
  • Yuusuf Daba-Dageed oo ka badbaaday qarax la doonayey in lagu qaarajiyo
  • Gaari  rogmaday inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay dad wax u noqdeen
  • Xaflad qalinjabin ah oo ka dhacday Xarunta WDC

C/waaxid “Ciidamadu waxay dib ugu laabteen fariisimihii hore markii aan helnay xog sheegeysa in miinooyin lagu aasay goobahaasi”

Iyadoo maalintii Jimcaha ahayd ee la soo dhaafay Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka ee saldhigyada ku lahaa degmada Heliwaa gaar ahaan SOS, Shaneemo Cabdi Waayeel iyo Warshaddii Barafuunka halkaasi soo faarujiyeen oo ay gebi ahaanba isaga soo baxeen, ayaa shalay dib mar kale ciidamadaasi ugu laabteen fariisamahoodii hore. Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay si aad ah u hubeysnaayeen isla markaana ay wateen gaadiidka dagaalka sida ay dadka deegaanadaasi sheegeen. C/waaxid Max’ed Xuseen oo ah afhayeenka ciidamada Dowladda Federaalka ayaa ku laabashada ciidamada Dowladda goobihii ay horey uga guureen waxa uu ku sheegay in ay jiraan kooxo goobahaasi ku aasay miinooyin isla markaana xasilooni daro ka wada sida uu hadalka u dhigay. “Ciidamadu waxay maqleen in halkaasi miinooyin lagu aasayo, waxayna halkaasi ka bilaabayaan hawlo la xiriira miino baaris si dadka loo badbaadiyo” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska C/waaxid Max’ed Xuseen. Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in markii ay halkaasi gaareen in gebi ahaanba uu isataagay isku socodkii Gaadiidka deegaanka Heliwaa oo isagu dib u hawl bilaabay dhawaan kadib markii ay halkaasi horey isaga baxeen ciidamad Dowladda Federaalka.

Cadde Muuse “Waxaan Baarlamaanka uga digayaa in ay meel mariiyaan Sharciga Batroolka..”

Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in uu gebi ahaanba ka soo horjeedo Sharciga la xiriira arrimaha shidaalka ee ay Xukumadda Federaalka hor dhigtay Baarlamaanka si uu u ansixiyo, waxa uuna taasi ku tilmaamay in ay tahay mid la isaga hor keenayo ummadda Soomaaliyeed.

Cadde Muuse ayaa tilmaamay in arrintaasi ay burbur mooyee wax horumar ah soo kordhin Karin. Madaxweyne Cadde Muuse ayaa uga digay Baarlamaanka Dowladda Federaalka in ay ansixiyaan sharciga la xiriira Batroolka, “Baarlamaanka waxaan uga digayaa in xiligaan ay sharci Bartoolka ku saabsan ansixiyaan” ayuu yiri Cadde Muuse oo booqasho ku jooga Magaalada Dubai ee dalka isku tagga Imaaraadka Carabta, waxa uuna Cadde Muuse sheegay in Puntland arintaani ka hadashay Xukuumadda Federaalka, isla markaana sidoo kale ay iska arkeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka, balse uusan isagu garaneyn meesha laga keenay sharcigaan la sheegay in ansixinayo, waxa uuna Cadde Muuse sheegay in arrinta Baarlamaanka la dhex wado in ay u dhigmeyso mid lagu hor istaagayo horumarka dowlad gobaleeda Puntland. “Puntland anaga ayaa madax u ah, waxaan diyaar u nahay in aayaha dadka reer Puntland ka talino, Puntland waa dowlad gobaleed madax banaan sidaa darteed cid is hor istaagi karta ma jirto heshiisyada ay la gashay shirdaha shidaalka Baara’ ayuu yiri Cadde Muuse.

Hadalka Cadde Muuse ayaa ku soo beegmaya xili Baarlamaanka Dowladda Federaalka dhawaan mooshin ku saabsanaa shidaalka isku maan dhaafay oo uu buuq ku dhamaaday, waxayna xildhibaanadu sheegeen in ay arinta Bartoolka ka horeyso arrimo badan oo ku aadan dhanka la xisitaabtanka Xukuumadda.

Yuusuf Daba-Dageed oo ka badbaaday qarax la doonayey in lagu qaarajiyo

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ka badbaaday qarax miino oo lala bartilmaa-meesanayey Gawaari siday Guddoomiyaha.

Qaraxaan ayaa dhacay habeen hore. Waxaana si aad ah looga maqlayey xaafadaha Magaalada Baladweyne ee gobalkaasi Hiiraan.

Qaraxaasi kadib ayaa rasaas ay rideen ciidamada Guddoomiyaha la socotay, waxaa ku geeriyooday nin ganacsade ahaa oo ka ag dhawaan goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana meeshaasi gaaray saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka, oo sheegay in miinadaasi ahayd mid culus oo culeyskeedu dhamaa Hal Kiilo.

Weerarkaan ayaa noqonaya middii ugu horeysay oo mas’uul gobalka Hiiraan ka tirsan lala beegsado.

Gaari  rogmaday inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay dad wax u noqdeen

Gaari ah nooca loo yaqaan Caasiga oo qaadka ka doonayey Garoonka Nambar 50 ee Gobalka Sh/hoose ayaa shalay ku rogmaday inta u dhexeysa Mudisho iyo degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose.

Gaarigaan qalibmay ayaa waxaa saarnaa Haween kuwa qaadka ka ganacsada ah, waxaana 10 ka mid haweenkii gaariga saarnaa soo gaaray dhaawacyo u badnaa jabniin, xubnaha madaxa isugu jiray, iyadoo la sheegay in dhaawacooda loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Gawaarida haweenka Qaad wadayaasha ah ayaa darawadalad kaxeeyaa waxay isticmaalaan xawaare sare, taas oo keenta in dhibaato dhowr ah oo isugu jira in Gaarigu rogmado ama uu dhibaato u gaysto dadka wadooyinka maraya, iadoo mararka qaarna uu Gawaarida qaadka wada ay isku dhacaan, ma ahan markii ugu horeysay oo Gaari qaad doonaya amaba sida uu rogmado amaba uu shil ku galo inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana horey u rogmaday gawaari badan oo qaad dooneysay kuwaas oo ay ku naf waayeen dad badan oo saarnaa oo u badnaa Haween Qaadka ka ganacsada. 

Xaflad qalinjabin ah oo ka dhacday Xarunta WDC

Waxaa shalay xarunta Horumarinta Haweenka WDC (Women Development Centre) ee Magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad si heer sare ah loo agaasimay oo shaahaadooyin lagu guddoon-siinayey arday dhameysatay Barashada Ganacsiga, Maareynta iyo Xogheynnimada.

Xafladaan ayaa waxaa ka soo qayb galay martisharar kala duwan, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Faadumo Xaaji Iidle oo ah Guddoomiyaha Xarunta WDC oo iyadu hoos tagta Hay’adda CORD, waxayna sheegtay in ardaydaani yihiin dufcaddii ugu horeysay oo ka baxeysa xarunta gaar ahaan maadooyinka kor ku xisan, waxayna sheegtay Faadumo in ardaydaan oo war baraneysay mudo sanad ah tiradood ahayd 35 arday, balse ay 8 ka mid ah u suurtagashay inay dhameystaan waxbarashadooda oo ay shahooyin ka qaataan, iyadoo kula dardaarantay in ay wax-barashooda sii wadaan.

Faadumo ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan dadaalada ay ku soo uruurinayaan Gabadhaha Soomaaliyeed oo ay ku horumarinayaan dhanka waxbarashada ee Haweenka Soomaaliyeed, waxayna sidoo kale sheegtay in xarunta ay horey uga qalinjabiyeen Arday badan oo qaybo kale bartay ka bartay sida Cunto karinta.

amiin khasaaro
amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Koobka Ramadaan ee bulshada Soomaalida ku dhaqan Addis Ababa oo furmaya dhawaan

 

Guddiga Somalia community library center waxey  dhamaan dadka xiseeya ciyaaraha kubadda cagta ugu bishaareynayaan inuu bilaabanayo koobka bisha Ramadaan.

Sanad kasto waxaa lagu qabtaa wadanka Ethiopia caasimadiisa Addis Ababa koobka ramadanka, waxaana kasoo qeyb gala dhamaan   ciyaartooyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Addis Ababa, iyagoo isku abaabula xaafad xaafad.

Xaafadaha kasoo qeyb gala tartanka ayna dagan yihiin Soomaalida waxaa kamid ah

1- Bole
2- Maganaanya "Haayaa Araat"
3- Saaris
4- Saaris "Shell"
5- Bole "Tele"
6- Gabriil
7- Saaris "Addis Safar"
8- Saaris "Bunka"

Tartankan waxaa la qabtaa sanad kasta marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo uu soo marey marxalado kala duwan.

Mar waxaa soo abaabuley dhalin yaro Soomaaliyee doo is xilqaamey dagana magaalada Addis Ababa, mar waxaa soo qaban aabiyey hey'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee "UNHCR", midkan aanu hadda joognana waxaa soo qaban qaabiyey xarunta jaaliyadda Soomaalida ee Addis Ababa "Somali Community Centre"

Tartankan wuxuu dhacey shan jeer wuxuuna soo bilawdey sanadku markuu ahaa 2002-dii, xaafada Bole ayaa ugu badan qaadashada koobka, waxaa kusoo xiga kooxaha xaafadaha Haayaa Araatka, Saaris iyo Bole Tele waxeyna heystaan koobka kooxahaas min hal hal jeer.

Kobka oo ay soo qaban qabiyeen Somali cmmity dhamaan dhaliyarada jecel sportiga iyo waliba dad tariikh dheer kuleh sporiga somaliyeed sida nuur amin cabdi booy iyo dhaliyaradii xiliga danbe  ku waas oo aan halkan magacayadooda ku soo kobi Karin gudomiya Somali community library center

Kobkan oo dhaqalaha ku baxayo ay bixineyso qeeb kamida ah Somali community library center nadiyada ka soo qeeb galaya iyo xawaladaha ka furan Addis Ababa qaar ka mid ah oo dhaqale galinaya nadiyada qarkood.

Koobka oo la rajeynaayo in uu biloowdo hadii rabi yiraah   19 September, 2007  sida ay iskugu adaan kooxaha iyo malamha uu dhacayo iyo natijooyinka soo baxa waxaan dib idiinkala soo socodsin donaa aqbaraheena danbe.

Kala xariir waxii ku soo kordha koobkan somaliaddis library center www.somaliaddis.com 

Mohamud Mohamud
qoobeey13@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2007  

cadde

Cadde Muuse oo caddeeyey in uu Xumaan Doono Xiriirka DFKMG iyo DGPL Haddii la ansixiyo sharciga Batroolka DFKMG
iyo buuq ka dhashay sharciga batroolka oo sababay in la xiro baarlamaanka
Akhri/Dhegeysi


Warbixin Shirka Casmara. (Sept 9, 2007)..
Warbixintii iyo Faalladii Liibaan Cabdi Cali oo jooga Casmara

Xildhibaan Xuseen Keynaan oo loo doortey xiriiriyaha 14-ka Guddi ee Baarlamaanka “mooshinkii in xukuumadda kalsooni waydiisato Baarlamaanka anigaana  ka mid ahaa, waxyaabihii ka soo baxay dhowaan….” Akhri... Sept 9

Mulkiilayaasha Gaadiidkii lagu Daabulayey Ergadii Ka Qaybgalay Shirkii Dib u Heshiisiinta Beelaha ee Muqdisho oo Ka Cabanaya Kharashkii Kirada Gaadiidkooda oo aan la siinin Akhri

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya . 
.Dad rayad ah oo ciidammada gumaysigu dileen. 
.Dad lagu xidhxidhay meelo kala duwan iyo tuulooyin la gubay.
.Shir wayn oo Jaaliyada Ogaadeenya ee Ontario(Canada) yeelatay
.Gudigii xaqiiqa raadinta ee QM oo dib ugu laabtay Addis-Ababa.
Warar GoosGoos ah akhri....

Weeraro Hoobiye Oo Habeenkii Sabtidu soo geleysey
Lala Beegsaday Ciidamada Ethiopia Ee Ku Sugan Garoonka Stadiyow Muqdisho.

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com