SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA

Warbixinada Shirka Casmara. (Sept 10, 2007)..

  • Warbaahinta Eritrea oo mudnaan wayn siisay shir waynaha Soomaalida ee Easmara 
  • Shirwaynaha xoraynta & dib u soo noolaynta Somalia oo Axadii looga dooday qodobbo muhiim ah...

Liibaan Cabdi CaliWarbixintii iyo Faalladii:

Liibaan Cabdi Cali -Asmara-Eritrea

Hayaan_8@hotmail.com 


Warbaahinta Eritrea oo mudnaan wayn siisay shir waynaha Soomaalida ee Easmara 

Sidaba dowladda Eritrea ay isugu xil qaantay in ay garab istaagto soomaalida dalkooda xoogga lagu qabsaday,oo ay ku marti galisay dalkeeda si ay shir wayne ugu qabsadaan ugana tashadaan aayaha dalkooda iyo sidii ay uga xorayn lahaayeen cadowga qabsaday.waxaa kaalin aan ka dhicin oo wayn iyaduna qaadatay warbaahinta  dalka Eritrea. 

Raadiyaha Eritrea ayaa si toos ah u tabiya shirkaAsmara,oo si toos ah hawada loo mariyo marka uu subaxdii bilowdo ilaa uu ka gaba gaboobo 9:00 fiidnimo. 

Sidaas oo kale telefishanka Eritrea ee ERITV ayaa isna si toos ah u baahiya qaabka uu u socodo shirka,waxaana goobta shirka ku sugan wariyayaal badan oo ka atirsan ERITV oo sameeya waraysiyo iyo warbixino ku saabsan shirka. 

Sidoo kale waxa uu TV-gu saacad kasta baahiyaa suugaan iyo baraamij ku saabsan taariikhda halgan ee soomaalida iyo xiriirka wanaagsan ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somalia iyo Eritrea oo ka mid ah shucuubta gobolka geeska Africa ee dulmiga loo gaystay. 

Eritv waxa uu habeenkii dib u baahiyaa shirka maalin kasta dhaca iyo khudbadihii laga jeediyay shirwaynaha oo ka dhacaya carwda caalamiga ah ee magaalada Asmara. 

Warbaahinta oo la sharfay :

Wariyayaasha ka socda warbaahinta soomaalida iyo kuwa dibadda ee u yimid tabinta shirkan,ayaa iyana la dajiyay hoteellada ay deggan yihiin ergooyinka shirka,waxaana loo diyaariyay gaari gaar ah oo ay shirka ku yimaaddaan kana celiya marka uu idlaado,waxaa sido kale saxaafadda looga diyaariyay gudaha goobta shirku ka socdo xafiis qalabaysan oo ay ku dhan yihiin khad internet iyo computers ay wararka ugu gudbiyaan hay’adaha warbaahineed ee dibadda iyo gudaha dalka. 

Shirwaynaha xoraynta & dib u soo noolaynta Somalia oo Axadii looga dooday qodobbo hor leh

Shir waynaha  xoraynta iyo dib u soo noolaynta Somalia ayaa Axadii 8:30 mar kale la isugu soo laabtay iyadoo looga hadlayo Charterka iyo ansixintiisa qodobkaasi oo ka doodistiisa iyo aragtiyo iska dhaafsigiisu uu qaadan doono in ilaa xilliga salaadda duhur . 

Sidoo kale waxaa jadwalka shirka ku jiray qodob isna laga doodi doono oo ku saabsan  qabsashada ciidammada Ethiopia ee xoogga ku qabsaday dlaka Somalia .iyadoo ugu dambayntana sida jadwal howleedka ee shirka ku cad la dooran doono guddiga dhexe ee shirka. 

Tan iyo markii uu Khamiistii Magaalada  Asmara ka furmay shirwaynaha xoraynta iyo dib u soo noolaynta dalka Somalia,looga hadlay arrimo dhowr ah oo xiiso leh,dhammaantoodna khuseeya dalka Somalia iyo xaaladda adag ee uu ku jiro iyo sidii ciidammada Xabashida looga xorayn lahaa dalka Somalia ee ay ku soo duuleen. 

Barnaajijka siyaasadeed oo si xiiso badan looga dooday ka dibna guddi loo saaray ayaa guddi loo saaray shalay galab soo gudbiyeen waraaq  saddex bog ka kooban oo sharraxaysa barnaamijka siyaasadeed ee isbahaysiga lagu dhiso doono Asmara. Ka dib ayaa dhammaan ka qayb galayaashu ku qanceen qaabka uu u qoran yahay qoraalkaasi oo waxyaabaha uu dhigayay ay ku jireen. 

Siyaasadda gudaha 

  1. In dalka laga saaro ciidammada Ethiopia
  2. In dowladaha dariska lagula noolaado daris wanaag iyo is xushmayn.
  3. In khilaafaadka soomaalida la xalliyo
  4. In hantida la kala haysto si shareecada islaamka waafaqsan la isugu celiyo
  5. Nabad iyo daggenaansho in lagu soo dabbalo Somalia si shacabka soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad joogto ah.
  6. Isbahaysigu waxa uu diiddan yahay nidaamka federaalka ah oo soomaaliya kala qaybinaya.
  7. Isbahaysigu waxa uu diiddan yahay nidaamka 4.5 

Siyaasadda dibadda 

  1. In la dhowro mabaad’da QM ee ku aaddan xuquuqul insaanka .
  2. In la dhowro qarannimada iyo madaxbannaanida dowladaha xubnaha ka ah QM sida waafaqsan shuruucda QM
  3. Isbahaysigu waxa u xushmaynayaa heshiisyada caalamiga ah.
  4. Isbahaysigu waxa uu xiriir la yeelanayaa ururrada caalamig ah.
  5. Isbahaysigu waxa uu ka codsanayaa QM in ay ixtiraamto go’aammada golaha ammaanka ee ku aaddan  arimaha Somalia. 

Qodobbadan ayaa ka mid ahaa kuwii ku caddaa siyaasadda gude iyo dibadeed ee is bahaysiga lagu talo jiro in dhawaan looga dhawaaqo magaalada Asmara ee dalka Eritrea. 

Liibaan Cabdi Cali -Asmara-Eritrea
Hayaan_8@hotmail.com 

Warbixin Shirka Casmara. (Sept 9, 2007)..
Warbixintii iyo Faalladii Liibaan Cabdi Cali oo jooga Casmara

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2007   

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com