SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Dalawdda ku meel gaadhka oo  Ciyaartoy qaali ah ka soo Iibsatay Maxkamadaha Islaamka

DFKM ayaa  Ciyaartoy qaali ah oo Maxkamadaha ugu ciyaari jiray Difaaca kala soo wareegtay ka dib markii ay isku afgarteen Laacimkan in uu u  safto hada wixii ka danbeeya Xukuumadda Geeddi, Raysul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamedd Geeddi ayaa Magaaladda Jabuuti  waxa uu ugu  safray in uu soo iibiyo Laacim  Abukar Cumar Cadaani  

Abukar  Cumar Cadaan ayaa  Golaha Maxaakiimta Islaamka waxa uu ugu ciyaari jiray  xagga Danbe isaga oo u qaadan jiray NUMBER 5, waxa uuna ahaa  Difaac aad u adag oo aan la dhaafi karin  sidoo kale waxa uu ahaa qaybiyaha Baaska ( Dhaqaalaha)oo ahaa laf dhabar ay ku  tiirsan yihiin Maxkamaduhu  , Maxkamadaha oo iminka ay isku  fikrad noqdeen qaybo badan oo ku kacsan DFKM ayaan  wali ka warbixin  diga rogashada  Abukar Cumar Cadaani soo saarin

Abukar Cumar Cadaani ayaa ah Ganacsade weyn oo Soomaaliya oo dhan Caan ka ah, waxa uuna maamuli jiray  Dekedda Macmalka ah ee Ceelmacaan, Abukar ayaa ahaa dhisaha qaar ka mid ah Maxkadaha Islaamka ee ka hawl gali jiray Magaaladda Muqdisho, waxa uuna gacan weyn siiyey  Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxkamadaha Islaamka ah Sh Shariif Sh Axmed oo dadka badankoodu ay aaminsan yihiin in uu ku yimi  gudoomiyenimadda ayna yihiin Ilmaadeer isku dhaw

waxa kale oo ay saaxiibo aad isku ku dhaw Abukar ahaayeen Gudoomiyaha Golaha  Shuuraddda ee Maxkamadaha Islaamka Sh Xasan Daahir Aweys iyada oo dadka ku dhaw dhaw ay oran yihiin Abukar waxa uu ka mid ahaaba Golaha Shuuradda ee Maxkamadaha

Ganacsadde Abukar ayaa waxa uu sabab u ahaa Dagaaladdii Muqdisho ka dhacay ka dib markii ay isku dhaceen Bashiir Raage oo ay Ilmaadeer ahaayeen isku dhacan ayaa sabab in ay Bashiir iyo Abukar u kala saftaan Maxkamadaha iyo Qabqayblayaashii Muqdisho taasina waxa ay sababtay in Muqdisho gacanta u gasho Maxkamadaha Islaamka  

Abukar ayaa markii Maxkamadaha looga awoodda roonaaday Muqdisho iyo gobaladda dhexe waxa uu ula soo qaxay madaxdda Maxkamdaha dhinac Xuduudda wadankan Kenya, Ciidanka Police-ka ee wadanka  Kenya ayaa Abukar iyo wiil uu dhalay waxa ay ku qabteen Magaaldda LIbooye ka dibna waxa ay u soo gudbiyeen Degmadda Garissa

Maxkamadda Garissa waxa ay Abukar u soo  gudbisay Magaaladda Nairobi maxkamadda ku taala , dadaal  badan oo ay sameeyeen qaar ka mid ah Siyaasiinta Soomaali-kenya iyo Qaraabadiisa  Aburkar oo muddo ku xidhnaa magaaladda Nairobi waxaa loo fidiyey  Cafis waxa uuna muddo ku noolaa Xaafadd ku taala Nairobi  oo uu leeyahay in ay qaraabo yihiin

Warbaahinta Soomaalidda qaar ayaa sheegtay in Aburka iyo Madaxdda Dawladda sida  Raysul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlaamka ay ku kulmeen Magaaladda Nairobi balse Abukar oo la hadlay  webpage-ka Qaadisya ayaa beeniyey Kulankaas

balse iminka Ganacsadde Cadaani waxa uu sheegay in uu san xidhiidh la lahayn Golaha Maxkamdaha Islaamka uuna ku faraxsan yahay heshiiska isaga iyo Raysulwasaare Geeddi ay gaadheen  

Gaba gabadii  madaxdda Soomaaliyadda ayaad Moodaa in ay noqdeen Ciyaartooyda Aduunka oo kale sida loo kala Iibsado iyadda oo maalinba dhinac  ugu safanaya Koobabka  Horyaaladda Ciyaaraah Yurub halka  kuwa Soomaalidu ay maalinba dhinac ugu  Saftaan sdii dadka loo  marin lahaa Dhaqaale badana loo Baabi'in lahaa , inta ay taasi jirto iyo bilaa qadiyadna Soomaaliya ma gaadhayso Nabad iyo Xasilooni

cabdiqani Makhtal Maxamed

Cabdiqanimakhtal@hotmail.com

25472950180

Sept 14, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Shirka Asmara oo looga dhawaaqay: (Ururka dib u xoreynta iyo soo nooleynta Shacabka Soomaaliyeed)
.G/le C/Waaxid “Dadka la qabqabtay waxay ahaayeen kuwa
.Qaraxyo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
.Dagaal mar kale ka qarxay deegaanka Baar-Magoog
.Golaha Midnimada Beelaha Hawiye oo wax laga xumaado ku
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Sept 12

Af-hayeenka Baarlamaanka DFKMG oo 48-saac u qabtey 10-wasiir iyo kaabayaashii dowlada

Shirka Horumarinta Bahwaynta Ismaciil Cali ee Waqooyiga America

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com